Boorama(ANN)Jaamacadda Camuud ee Boorame ayaa xafiis cusub oo dhinaca addeega sharciga ah ee dadka danyarta ah u saamaxaya inay helaan qareeno sharci oo ka caawiya dacwadaha iyo dhinaca caddaalada ee loo yaqaan Legal Clinic ka furtay

degmada Boon oo ka tirsan gobolka Awadal,

Munaasibadaa furintaanka xafiiska, waxa ka qaybgalay Hormoodka Jaamacadda Camuud, Maamulka Degmada Boon, Masuuliyiinta gobolka qaarkood iyo Odayaal dhaqameed.  Madaxa Xafiiska Adeega Sharciga  Xasan Cali Xasan oo ka hadalay munaasabada  ayaa  sharaxaad ka bixiyay ahmiyada uu leeyahay bulshada wuxuuna isagoo ka hadlaya arrintaa yidhi,  “ waa xafiiskii labaad ee noocan ah ee aan ka furno gobolka Awdal, waxa loogu talo galay inuu dadka danyarta ah ee aan helayn ama haysan lacag ay ku qabsadaan qareeno u dooda oo dhinaca sharciga ah loo fududeeyo oo la siiyo qareeeno ka ilaaliya xadgudubka, sidoo kale xafiiskan ayaa waxa uu fursad siiyaa ardayda dhinaca sharciga barata ee Jaamacadda Camuud.” ayuu yidhi Mr. Xasan oo ah Madaxa Xafiiska Adeega Sharciga.

Sidoo kale Hormuudka Kuliyada Sharciga iyo Qaanuunka ee  Jaamacadda Camuud Dr. Maxamed Cali Nageeye oo ka hadlay madashaa ayaa sheegay in xafiiska ay ku lamaan yihiin adeegyo kale, isagoo  yidhi,  “ Waxa aan u arragnaa fursad muhiim ah oo ay Degmada Boon heshay, waxa ku lamaan xafiiskan waxbarashaddii dhinaca sharciga iyo shareecada islaamka ahayd oo loo soo dhaweeyay dadka deegaanka Boon, waxa aan ku baraarujinaynayaa inay ka faaiidaystaan oo ay qaataan shahaadada caalamiga ah ee Jaamacadda Camuud.” ayuu yidhi.

Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay furintaanka xafiiskaa waxa uu si balaadhan uga sheekeeyay taariikhda dhinaca iskaashiga iyo waxbarashada ah ee Degmada Boon, wuxuuna isagoo ahmiyada xafiiskaasi u leeyahay bulshada deegaanka degmada Boon  yidhi,  “ Runtii sharciga barashadiisu waa muhiim, bulshaduna ma sina ee waxa jira dad badan oo aan awood u lahayn inay qareeno qabsadaan si ay u helaan adeegyada dhinaca sharciga ah ee ay u baahan yihiin, xafiiskani waxa uu fududaynaaa arintaasi, waxa uu u adeegayaa dadka inta jilicsan, ee aan haysan hanynta ay sharci yaqaano ku qabsadaan, dulucduna waa in la helo caddaalad ay dadku wadaagaan.”

Sidoo kale waxa munaasibadaa hadalo ka jeediyay Maayarka Boon, Xildhibaano iyo Odayaal dhaaqameed, kuwaas  oo soo dhaweeyay furitaanka xafiiskaa oo ay tilmaameen inuu ahmiyad gaar ah u leeyahay dadka degaanka.

Xafiiska oo ah kii labaad ee noociisa ah ee qaybta adeega sharciga ee ay gacansaarka leeyihiin Kuliyada Sharciga iyo Shareecada ee Jaamacadda Camuud waxa uu noqonayaa kii labad ee Noociisa ah ee laga furo gobolka Awdal.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *