Hargeysa(ANN)Koox khuburo caalami ah oo hawshoodu tahay xaqiijinta iyo baadhista xasuuqyada ka dhaca dinida ee gabood-falka xuquuqda aadamaha iyo dambiyada dagaallada, ayaa booqasho ku yimi caasimada Somaliland ee Hargeysa shalay, kuwaas oo ka socda urur caalami ah oo
baadhaya tirada rasmiga ah ee dadkii reer Somaliland ee ay xasuuqeen ciidammadii keligii taliye Maxamed Siyaad Barre sannadihii siddeetamaadkii oo ku jira xabaalo-wadareedyo fara badan oo ku kala yaal magaalooyin ka tirsan Somaliland.
kooxdaa oo ah Khubaro ajnebi ah, isla markaana ka socda urur magaciisa loo soo gaabiyo EPAF oo ka shaqeeya xasuuqyada iyo baadhista dambiyada dagaallada, ayaa hawshooda ka bilaabay caasimadda Hargeysa, kuwaas oo uu horkacayo khabiir ku takhasusay arrimaha xasuuuqa oo magaciisu yahay Mr. Jose Bablo Baraybal, ayaa la sheegay inuu ka mid yahay shan qof ee dunida oo dhan ka fuliya hawlaha tirakoobka xasuuqyada xabaalo-wadareedyada. kooxdaa oo ay hoggaamiyaan qaar ka mid ah dhibbanayaasha eheladooda lagu laayey xasuuqaa ee dacwadda ku oogay gacan-ku-dhiigle Maxamed Cali Samatar oo dhowaan maxkamad ku taal dalka Maraykanku ku riday xukun, waxay si rasmi ah baadhitaan la xidhiidha xasuuqa si rasmi ah uga bilaabeen shalay goobta dadka lagu toogan jiray ee loo yaqaan Badhka oo ku taal koonfurta Hargeysa.
Muuqaalka Saacadihii, tusbaxyadi,suumankii iyo qalab kale oo ay xidhnaayeen dadka laga helay qaar ka mid ah xabaal-wadareedyda Hargeysa 1988.)
Hawlgalkan oo lagu qodayo dhawr boqol oo xabaalo-wadareedyo ku kala yaal magaalooyinka Hargeysa, Burco, Berbera, Ceerigaabo, Gabilay iyo Arabsiyo, waxay kooxda khuburada ee ka socota ururkaasi xukuumadda Somaliland kula heshiiyeen inay hawshaasi socoto muddo shan sannadood ah, iyadoo shalay oo taariikhdu tahay 26 Sep 2012, si rasmi ah loo bilaabay in dib loo qodo xabaal-wadareedka u horreysa oo ku taal magaalada Hargeysa.
Dhinaca kale hawlgalka kooxda caalamiga ahi ku yimaadeen Somaliland, ayaa ka dhashay dhawaaqyo socday tan iyo sideetanaadkii markii ay dhacayeen xasuuqyadaasi oo sababay in ugu danbayntii xabaalo wadareedyo si weyn usoo jiitay indhaha caalamka oo argagax ku abuuray bulshada uu daad ka dhashay roobab ka da’ay magaalada Hargeysa dhawr iyo sagaashankii debeda soo dhigay xabaalaha malka dur-duro kulamanaan qof oo lafohoodu isku xidhan yihiin, isla markaana qaarkood lafahaa ku xidhnaayeen saacadihii ay xidhnaayeen oo si cad u kashifay xiliga dadkaa lagu xasuuqay afaafka hore ee dhismaha xerada saldhiga u ahayd qaybtii 26aad ee ciidamadii taliskii Siyaad Bare, taas oo sababtay in horaantii bishii May ee sanadkii 2003, ay Somaliland yimaadaan khuburo ka socda Hay’ad caalami ah oo saldhigeedu yahay dalka Maraykanka oo ka hawlgashay sidii dhagar qabayaasha geystay xasuuqaa loo geeyo maxkamad, kuwaas oo xiliggaa ka bilaabay dalka Maraykanka dacwad lagu oogay Gen. Maxamed Cali Samatar oo noqday ninka ugu derejo sareeya saraakiishii iyo madaxdii dawladii Milateriga ahayd, isla markaana qirtay inuu bixiyay amarka duqaynta diyaaradaha shacabka lagu weerarayay, iyadoo geba-gebadii lagu xukumay magdhaw malaayiin dolar ah.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com