Hargeysa(ANN)Qaar ka mid ah dadka la nool xannuunka dilaaga ah ee HIV/AIDS-ka ee ku dhaqan caasimadda Hargeysa, ayaa cabashooyin ka muujiyey taakulooyin raashin iyo dawooyin laga jaray oo hay’addo caalami ahi siin jireen, kuwaas oo la doonayay inay ka caawiyaan sidii ay

nafaqo u heli lahaayeen ee ay u awoodi lahaayeen la noolaanshaha xannuunka.

Dadka ku xidhan xarunta lagu daryeelo dadka la nool xannuunka HIV/AIDS-ka Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, ayaa sheegay in aan muddo ku dhow sannad la siin raashin nafaqo leh oo loo soo marin jiray hay’adaha UNICEF iyo Progressio, sidoo kalena aanay muddo saddex bilood gaadhaysa arag raashin qallalan oo ay siin jirtay hay’adda Qaramada Midoobay ee WFP.

Guddoomiyaha dadka la nool xannuunka AIDS-ka ee ku daryeelka iyo dawooyinka ka qaata Cusbitaalka Hargeysa Mr. Mahad Ismaaciil Cartan, ayaa qoraal cabasho uu kaga hadlayo dhibaatada soo waajahday dadkaa,  waxa kaloo uu ku sheegay in xarunta dadka cudurkaasi hayo ee wax lagu siin jiray qarka u saran tahay haatan in albaabada loo xidho, “Maadaama,” ayuu yidhi; “aanay gebi ahaanba ool wax adeegyo daryeel ah oo ay bixiso, isla markaana shaqaalaha ka shaqeeya aan muddo sagaal bilood ah wax mushahar ah la siin.”

Qoraal cabasho ah oo guddoomiye Mahad Ismaaciil Cartan ku faahfaahiyey cabashada dadka uu wakiilka ka yahay ee la nool cudurka HIV/AIDS, waxa uu u qornaa sidan:-

“Annaga oo ah dadka la nool xannuunka HIV/AIDS-ka ee daryeelka ka qaadan jiray xarunta daryeelka cusbitaalka guud ee Hargeysa waxaannu cabasho ballaadhan u diraynaa Komishanka La-dagaallanka AIDS-ka ee dawladda iyo hay’adaha ka shaqeeya HIV/AIDS-ka, iyadoo cabashayadu si gaar ah u khusayso Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isagu ah guddoomiyaha Komishanka La-dagaallanka HIV/AIDS-ka.

Cabashadayadu waxay ku saabsan tahay dhibaatooyin fara badan oo haysta dadkayaga la nool xannuunka oo ku saabsan daryeelkii la siin jiray oo badh laga gooyey iyo qaar gabaabsi ah, kuwaas oo kala ah sidan;

Ø Xarunta lagu daryeelo dadka la nool xannuunka HIV/AIDS-ka ee cusbitaalka Hargeysa oo ah xarun ugu wayn xarumaha lagu daryeelo dadka la nool xannuunkan oo ku dhaw in albaabada loo xidho, sababta oo ah dawadii ay bixinaysay oo gabaabsi ah iyo shaqaalaha ka hawlgala oo aan mushaharkii hay’aduhu siin jireen la siin muddo sagaal bilood ah.

Ø Raashinka nafaqada leh oo aan nala siin muddada sagaalka bilood ah ee shaqaalaha mushaharku ka maqnaa, iyadoo lacagta mushaharka iyo raashinkaba ay soo daysay hay’adda Global Fund oo bixisaa, isla markaana ay qaateen gobollada kale ee Somaliland ee lagu daryeelo dadka la nool xannuunka sida gobollada la isku yidhaahdo 3B ee Borama, Burco iyo Berbera. Hasyeesheen waxaannu garan la’nahay sababta xarunta Hargeysa looga haysto raashinka iyo mushaharkii shaqalaha oo loo soo mariyo hay’adaha UNICEF iyo Progressio.

Ø Sidoo kalena raashin mucaawano ah oo hay’adda WFP siin jirtay dadka la nool xannuunkan ayaan xarunta cusbitaalka Hargeysa wax raashin ah siinin ilaa saddexdii bilood ee ugu dambeeyey, iyagoo hore noogu ballanqaaday inay saddexda bilood ee sannadkan u dambeeyey ay na siiyaan.

Ø Dhibaatooyinka na haysta waxay ahayd in Komishanka La-dagaallanka AIDS-ka uu xil iska saaro, waxaannuna ugu baaqaynaa inay arrimahan hoos u eegaan,” ayaa lagu soo gebegabeeyey qoraalka cabashada ah ee uu soo saaray Guddoomiyaha dadka la nool xannuunka AIDS-ka ee ku daryeelka iyo dawooyinka ka qaata xarunta Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *