Waxaa Maanta Hotel Barwaaqo ee Magaalada Burco Meherkoodu ka Dhacay Boqorka iyo Boqorada, Lamaanaha isdoortay Mudane Axmed Yousof Cabdulaahi(Joofane) iyo Sabaax Muuse Faarax.

Munaasibadii Meherka lamaanaha Da’da yar ayaa ahaa Mid si heer sare ah loo soo Agaasimay oo Maqaamkeedu sareeyo isla markaana Kulmisay Shaqsiyaad siweyn looga yaqaano Dalka ,

Waxaana Madashaas Sidii Soomalidu ku Caan baxday, kuna Qotontay Diinteena Suuban, si Gacltooyo iyo kala raali ahaansho ay ku dheehan tahay laysu waydiistay laysuna siiyey Wiilka iyo Gabadha iska Xushay Gayaankoodaba Idilkii waa Mudane Axmed Yousof Cabdulaahi (Joofane) iyo Marwo Sabaax Muuse Faarax.

Si milgo lehna waxaa Madashaasi oo ahay mid laysku arkay Gacmaha laysku dhaafsaday laguna kala Gudoomay, sidii Caadadu ahayd Sooryo Qaran iyo Gabaati Gobeed

Hadaba Maamulka Gobolka Sanaag Maamulka Degmada Oo Hor Kacayo Maayar Ismaaciilka Degmada Ceerigaabo Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur Iyo Dhamaan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Ceerigaabo, Bahda Warbaahinta Gobolka Sanaag Oo Uu Horkacayo Agaasimaha Ururkaasi Sanaag Media Group Mudane Maxamuud Maxamed Xasan Saraaf Dhamaantayo Dhamaantiin Waxaynu Leenahay Mudanaha Iyo Marwada “Gacal Iyo Sokeeyaba Guur Kiina Lagu Farax” Hambalyo Isku Waara Ubad Khayr Qabana Kala Hela

Aamiin……………………. Aamiin…………………………… Aamiin………………………………Aamiin

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *