-
Published On: Sat, Jan 26th, 2013

Xornimada Iyo Gunimadda, By Omer Suleiman Ali

Smiley face
Share This
Tags

Gumaysigu waa qof ama ummad xoog lagu qabsado oo markaas dhulkoodii laga qaado wixii ay hanti lahaayeenna laga dhaco, diintooda laga beddelo lana dhaqan rogo si alla sidii la doonana laga yeelo sannado badanna lagu amar ku taagleeyo. Dadka gumaysanaya

ma kala laha haddii ay yihiin shisheeye iyo haddii ay yihiin sokeeyaba marba haddii ay dadka iyagu xukumaan si alla sidii ay doonnaan ka yeelayaan waa gumaysi. Waxaa gumaysi noogu horreeyey markii uu gumaysigii shisheeye uu adduunka ku baahay oo wada qabsaday.

Sokeeyaha gumaysiga ahi wuxuu noqon karaa waalidka, walaalkaa, dawladaada, saaxiibadaa, qabiilkaaga iyo cid kasta shisheeye iyo sokeeyaba. Sidaas darteed dawladdu waa gumaysi ku amar ku  taagleeya ummadeeda. Maantana adduunka waxaa dhibaato fara badan oo dhaqan iyo dhaqaaleba ku haya dawladaha is beddelaya. Waynu wada og nahay in dawladi isa soo sharraxdo iyada oo dadka u samaynaysa ballan qaadyo been ah oo ay lee dahay dhibaatooyinkii ay dawladdii hore idin ku haysay ayaan wax ka qabanaynaa, markaas ayaa shacabku doortaan. Markii ay isku hubsadaan meeshii ay doonayeen ayay ku kacaan wixii kuwii ka horreeyey samayn jireen waxyaabo ka daran, ballan qaadyadiina ka baxaan, waayo iyagu xaq uma laha in ay ballan qaad fuliyaan Alle la’aantiis.

XORIYAD

Markii xumaanta gumaysiga la dhadhamiyey ayaa waxaa la doonay in laga baxo waxaana lala galay dagaal qadhaadh shisheeyihii gumaysatada ahaa. Markaas ayaa wax loogu yeedhay xornimo aanse ahayn la helay, lana samaystay dawlad sokeeye oo dadka ku dhaqda sidii shisheeyaha oo kale, waxaana dadka laga dhaadhiciyey in xornimadu tahay gumaysiga shisheeye oo laga xoroobo. Fikirkaasi wuxuu ahaa aragti qaldan oo uu shisheeyuhu nooga tegey sidaasna la ahayd, hase yeeshee xornimadu ma aha gumaysi shisheeye oo keliya oo laga xoroobo, waxaase ka mid ah gumaysiga sokeeye oo laga xoroobo oo keliya ee waa in gumaysiga sokeeyahana laga xoroobo.

Qof ama koox aadami ah oo ka kooban baahi keliya in aad ka sugto in uu baahidaada daboolo waa arrin aad ugu xun xag Alle iyo xaq aadamiba.

Wuxuu Alle noo sheegay in haddii dadka loo dhiibi lahaa farayaasha naxariista Alle qof afkaas uma saareen iyaga oo ka baqaya in ay ka dhammaadaan. Marka qofka Alle sidaas u tilmaamay miyaa laga sugi karaa baahi uu kaa haqab tiri karo.

قُلْ لَوْ أَنْتُمْ تَمْلِكُونَ خَزَائِنَ رَحْمَةِ رَبِّي إِذًا لَأَمْسَكْتُمْ خَشْيَةَ الْإِنْفَاقِ وَكَانَ الْإِنْسَانُ قَتُورًا(الأسراء 100).

Waxaad ku dhahdaa haddii aad hayn lahaydeen bakhaarada naxariista Eebahay dadka waad u diidi lahaydeen idinka ka baqanaya in ay idinka dhammaadaan, aadamiguna waxa ka daba ka warer badan.

Midda kale ma deeqda Alle ayuu isagu qaar dadka siiyaa. Waxaa meeshaas iiga muuqata qalad qalad saaran. Naxariis waxaa la dhahaa wax kasta oo dhibaato looga badbaado. Dhibaato kastaa waxay lee dahay wax u gaar ah oo looga badbaado, sidaas darteed naxariista Alle lama soo tiro koobi karo.

CAABUDIDDA

Waxaan haddana doonayaa in aan wax yar ka taabto caabudidda si aan dadka ugu qeexo waxa caabud loola jeedo. Caabud runtii waa erey ka soo jeeda afka Carabiga عبد macnaheeduna waa addoon u noqosho addoon loo noqdo cid xaq u leh oo keliya. Addoonimaduna waa in cidda aad addoonka u tahay si alla sidii ay doonaan kaa yeelaan aadanna xaq u lahayn in aad wax ka diiddo. Waxaana xaq kuugu leh in aad u noqoto addoon Alle oo keliya. Qof iyo koox aadami ahi xaq uma laha in ay addoonsato dad xor ah. Markii ay gaaladu muslimiintii ay dagaalka ku qabsadeen ka dhigteen addoomo ayna suuqyada ka gateen ayaa Allena muslimiinta u ogolaaday in ay iyaguna sidooda oo kale ku sameeyaan.

حَدَّثَنِي بِشْرُ بْنُ مَرْحُومٍ حَدَّثَنَا يَحْيَى بْنُ سُلَيْمٍ عَنْ إِسْمَاعِيلَ بْنِ أُمَيَّةَ عَنْ سَعِيدِ بْنِ أَبِي سَعِيدٍ عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ قَالَ اللَّهُ ثَلَاثَةٌ أَنَا خَصْمُهُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ رَجُلٌ أَعْطَى بِي ثُمَّ غَدَرَ وَرَجُلٌ بَاعَ حُرًّا فَأَكَلَ ثَمَنَهُ وَرَجُلٌ اسْتَأْجَرَ أَجِيرًا فَاسْتَوْفَى مِنْهُ وَلَمْ يُعْطِ أَجْرَهُ(البخاري )

Waxaana xadiiskan shariifka ah ka muuqata in uusan Alle marna ogolayn in qof xor ah la addoonsado waayo isaga ayaa addoon loo wada yahay, ruuxa ruux kale addoonsanayaa wuxuu la mid yahay ruux ruuxaas uu addoonsanayo u ah Ilaah, taasina waa xaaraan iyo shirki. Ruuxa ogolaada in uu meeshii Alle uu addoon uga noqdo qof isaga oo kale ah waa mushrig. Marka u dhego wadanaanta addoonku u dhego waddan yahay kan iska leh ayaa ah cibaado uu ku raalli gelinayo kan iska leh. Kan addoonka iska lihi raalli ku noqon maayo in uu adoonkiisu amaradiisa qaar diido ama jebiyo qaarna ogolaado.

XUKUN

Haddana waxaa loo baahan yahay in la garto waxa uu yahay xukun. Xukun waa erey af Carabi ah oo ka soo jeeda xakamaha fardaha. Xakamuhu waa bir faraska afka laga geliyo xadhig dheer oo uu ninka fuushana dacalka ka haystana ku xidhan. Markii farasku uu xakamaysan yahay ayuu ninka fuusha amarkiisa qaataa haddii kale ma qaadanayo.

Haddaba dadka oo Alle ka dhigay wax caqli leh bir afka inta laga geliyo sida fardaha looma xakamayn karo laakiin waxaa lagu xaqaameeyaa sharci leh ciqaab. Sidaas ayaa Alle dadka ugu dejiyey sharci ay ku dhaqmaan sharcigu wax kale ma aha ee waa amarro dad la siinayo oo ah sidaas ha yeelin haddii aad samaysana cadaabkaas ayaa kuu waajibaya.

Haddaba waxaa is weydiintu tahay yaa xaq u leh xakamaynta dadka. Ilaah oo keliya ayaa xaq u leh. Waxaa dadku u xakamaysan yahay cidda dejisay sharciga lagu xakamaynayo. Haddii sharciga Alle lagu xakameeyo Alle ayaa xukuma oo u taliya haddii kale ciddii kale ee sharcigaas dejisay.

DAWLAD

Marka dawladdu iyada ayaa dadka u dejisa sharci ay ku xakamayso oo u ah xad iyo xuduud, taasna dawladdu xaq uma laha ee Alle oo keliya ayaa u leh. Matal haddii nin muslim ahi ku kaco ceeb marag iyo marqaati leh. Xukunka Alle waa in la rajmiyo, marka haddii dawladdu aanay fulin xukunkaas ee ay si kale u xukumaan waa gaalnimo cad mana aha wax dhici kara in Alle laga tallaabsado. Dadka ayaan doonayaa in ay noo sheegaan qofka ama cidda xukunkaas baadilka ah wax ku xukuntay in ay muslim ahaanayaan iyo in ay xukunkaas ku gaaloobayaan, anigu waxaan taaganahay waa gaalo ilaahnimo sheegtay. Sidaas darteed dawladdu waa koox dal iyo dad xukuma aan cid kale Allena ku dhehoo aanay xukumin. Sidaas ayaa dadka waxaan ugaga digayaa in ay daacad u noqdaan dawlad iyadu dalka iyo dadka sidii ay doonto u xukunta.

Haddaba dawladdu waa dad xukuma dal iyo dad aan cid kale oo xukuntaa jirin. Tacriiftan waxaa na baray oo aan ka dhaxalnay shisheeye aan Alle rumaysnayn, sidaas darteed waxay meesha ka saareen xukun Alle in uu jiraba. Dawladdu iyada ayaa is dhigtay meeshii Alle dadkana ku amar ku taaglaysa.

Waana innagaas maanta aragna dadkii oo ku doodaya dastuurka yaan la jebinin ee ha lagu dhaqmo diintii Allena meesha way ka baxday.

Dawladnimadu waa ilaah sheegasho qofkii daacad u noqdaana waa mushrig.

Dawladdu waa koox is dhigtay meeshii Alle inta daacadda u ah ee u hoggaansanina waa addoomo caabuda waana mushrikiin.

Kala soco qaybaha dambe. omersul04@gmail.com linkigaygu waa kan igala soo xiriira.

Omer Suleiman Ali.    26/01/2013

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>