Ma doonayo inay dad aan garan wayay ujeedadooda iga lumiyaan qoraalada maqaalada aan ku tilmaamayo dhaliisha maamulka iyo madaxda dalkayga Somaliland ee u baahan in la toosiyo inta ay dhow yihiin ee aanay xaaladu faraha ka bixin.

Somaliland waxay leedahay taariikh aad u fog oo halgan dheer loo soo galay, dhiig badana ku daatay, dadkuna aanay aad u wada hayn taariikhdaa. Laakiin waxa nasiibdaro ah  inay muwaadiniinta tilmaamaya madaxdooda ee ka naxaya dalkooda iyo dadkooda inay  dad aan is idhi ma guulwadayaashii kacaankii Oktoobar bay ka hadheen, ama waxa lagu soo koriyey Dhalintii kacaanka ay jawaabo aan macne iyo xikmad ku fadhiyin ugu jawaabaan muwaadiinta tilmaamaya madaxdooda ee farta ku fiiqaya dhaliisha masuuliyiinta iyo khaladaadka maamulka.

Ma doonayo inaan u jawaabo kuwaas oo aan waqti iskaga lumiyo. balse waxaan xusuusinayaa inay Somaliland  ka mid tahay dalalkii ugu horeeyey ilbaxnimadda caalamku ay ka hana qaaday, Somaliland waqtigan la joogo waxay ka mid tahay dalalka ugu xasiloon geeska Afrika, waxay leedahay laba gole oo sharci dejin ah oo kala ah golaha wakiilada iyo ka golaha guurtida waxaana ay qaadatay nidaamka dimoqraadiyadda ee ku dhisan habka asxaabta badan iyo xoriyatu qawlka dasuurku damaanad qaaday, madaxduna waa adeegayaal ee maaha mansabyada iyo xafiisyada ay joogaan dukaamo ay iyagu leeyihiin sida ay qaar badani u fekeraan. hantida iyo khayraadka dalkana iyagaa ummada uga masuul ah, waana waajib saaran xukuumadda inay bulshada ugu adeegto cadaalad iyo xaqsoor iyo horumar in loo talaabsado.

Shacabka reer Somaliland ma aha shacab wax ka qarsoomaan, weyna ogyihiin in madaxda dalalka Afrika ay ku caan baxeen musuq-maasuqa, lunsiga cashuuraha, badahoodii oo Sun lagu shubayo iyo kheyraadkoodii dabiiciga ahaa ee u dihinaa oo la guranayo.

Dalka nidaamka iyo maamulkiisa ay  dhexgalaan musuq-maasuq iyo lunsashada hantida guud ee ummada lagamana yaabo inuu wax horumar ahi ka hirgalo, shacabka uu cudurkani ku baahaa wuxuu ku geyaysiiyaa horumar la’aan, faqri iyo saboolnimo sababta ugu danbaynta inuu yimaado kacdoon, ama rabshado ka dhasha duruufaha qalafsan ee ku habsada bulshada marka ay hantida ummada si aan sharci ahayn u maamushaan koox yar danaystayaal ah, taas oo wadamada qaar sida badan ka abuurta bur-bur iyo dagaal sokeeye.

waxa hubaal ah in Dalka nidaamkiisu noqdo mid aan wax horumar ah samayn ee musuq-maasuq iyo eex ay ku dhaqmaan madaxdu, waxay taasi maalin aan fogayn dhalinaysaa dhaqamo xun-xun  iyo is neceyb . sidaa awgeed  waxa lama huraan ah in musuq-maasuqu aanu noqon mid casriyaysan, isla markaana ay bulshadu hesho cadaalad iyo inay madaxda fahmaan in aanay maanta dunidu marayn xiliggii talada awooda dalka iyo hantida ummada sidii la doono loo maamulan jiray. geba gebadii waxaan ugu baaqayaa xisbul xaakimka inuu toosiyo nidaamka xukuumadda, maadaama ay ka timi xukuumaddu xisbiga Kulmiye.
Prof. Mohamed Ahmed Farah
jaafaa66@yahoo.no

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *