Maxamed Xaashi Ma wuxuu u haystaa Daahir Rayaale weli in uu yahay Madaxweynihii dalka, Cawilna yahay Wasiirkii Maaliyadda.

Somaliland waxa soo maray afar maamul ama Madaxweyne, hase yeeshe wasaaradda Maaliyadda waxa soo maray wasiiro tiro badan waqtiyo kala duwan iyo xaalado kala duwan.  Kuwii ugu horeeyey waxay la kulmeen duruufo adag iyo carqalado aan si sahlan looga gudbi Karin, marxaladahaa waxa la odhan kara wasaaradu waxay ahayd magac u yaal waxayse la qabtay wasaradaha kale ee dawlada.

Si kastaba ha ahaate wasiir kastaba wax buu ku kordhinayey halkii uu ugu yimi haba yaraate, qabyo na waa halkeedii dhaliishuna way badnayd.

Wasiiradii wasaarada soo maray oo uu M/weynaha JSL  Ahmed Mahamed  (Siilanyo) ka mid ahaa waxay ka sinaayeen in ay u mahadnaqaan  una garaabaan ama u duceeyaan wasiirkii ka horeeyey  ee halkan soo gaadhsiiyey.

Marka ay arkaan waxa ku  soo dhaca jeebka dawlada iyo baahida dalka  oo aad u kala  fog.     Maxamed Xaashi Cilmi wasiirkii hore wasaarada maaliyada  Cawil Cali Ducaale uma uu mahadnaqin markii uu xilka kala wareegay, mana uu xusin dedaalkiisii iyo halka uu soo gaadhsiiyey wasaarada,   Maxamed xataa markii uu ku haftay  diyaarintii miisaaniyada    2011-2012 iyo xataa markii uu ogaaday culayska iyo baaxada hawsha wuu kala masuugay in uu u garaabo masuuliyiintii ka horaysay.  Intaa kuma hadhin wuxuu waqti badan iskaga lumiyey inuu eedo culus oo malo-awaal ah u soo jeediyo xukuumadii Riyaale, wuxuu olole ku qaaday in uu tirtiro ama qariyo wax qabadkii wasiirkii hore  Cawil waliba wuxuu ka gudbay xuduudkii anshaxa siyaasiga waxaanu ku isticmaalay madaxdii hore ereyo aanu ka fiirsan miisaanka ay leeyihiin oo ah in ay ahaayeen tuug iyo wax la mid ah.

Marar badan waxaan isweydiiyaa Maxamed Xaashi ma wuxuu u haystaa Dahir Rayaale weli in uu yahay M/weynihii dalka, Cawil na wasiirkii maaliyada.   Maxamed Xaashi qaraalkiisa jawaabta ah ee ku soo baxay Jamhuuriya cadadkii 4957 kuna taariikhaysan 28/10/2012 wuxuu ku xusay in Cabdicasiis M. Samaale ka nasiib badan yahay oo uu marxalad fiican ku soo beegmay laakiin Maxamed miyaanu ogayn isna in uu Cawil ka nasiib wacnaa sababta oo ah waqtiba waqtigii ka dambeeyey ayuu ka wanaagsanaa, dhibaataduna ka yarayd.  Hadaba Cabdicasiis M. Samaale warbixin uu dhowaan kaga hadlay misaaniyadii 2011-2012 ee u ka dhaxlay wasiirkii hore wuxuu sheegay in meelo ka mid ah la buun-buuniyey waana wax dhici kara. Wasiirku wax dhaliil ah kama sheegin shaqadii Maxamed Xaashi soo qabtay in kasta oo uu dhaliilo lahaa sida masuuliyiinta kalaba,  balse markasta inta aan maqalnay wuxuu amaanaa hawlihii uu wasaarada ka soo qabtay mudadii uu wasiirka ka ahaa.

Haddaba, Maxamed muxuu ka booday amba qoonsaday? Maxaa ku kelifay in uu si cadho ku jirto ugu jaawaabo wasiirka maaliyada? Ma wuxuu ka xanaaqay soo hadal qaadka misaaniyadii uu diyaariyey iyo erayga buun-buunin.  Haddii uu inta yar ka gubtay bal maleeya Maxamed Xaashi sida uu dareenkiisu noqon lahaa haddii wax qabadkiisii laga dhigo waxba ka ma jiraan oo waliba cayna loogu daro.  Maxamed kali kuma aha in la gado libtii madaxdii hore,  balse waxa jira rag baro dhaafiya oo ku caan baxay hal-hayska ah “waa markii u horaysay ee waxa iyo waxaa la qabto ama la sameeyey”.

Waxa la daadefeeyey dedaalkii iyo xanuunkii loo soo maray dhismaha qaranimada S/land, wuxuu ka soo bilaabay badhtamihii 2010 xagiisa wax ka horeeyey ba ma jiro.  Si kastaba ha ahaatee haddii wax qabadkii masuuliyiintii kaa horaysay waxba kama jiraan yahay kaaguna berito waa bar ku ma taal.

Cabdiraxman Cadami

abdirahmanadami@yahoo.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *