Hargeysa (ANN) Xaflad balaadhan oo lagu maamuusayey murraxshimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid  oo xisbiga tallada haya ee KULMIYE uga qaybgelaya tartanka doorashada golaha degaanka caasimadda Hargeysa, ayaa lagu qabtay saaka  hudheelka Maansoor ee

magaalada Hargeysa.

Xafladan oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay, waxa ka qaybgalay Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE,  Maxamed Kaahin, Xoghayaha Guud ee KULMIYE,  Xasan Siciid Yuusuf, maareeyaha xafiiska samofalka madaxtooyadda Marwo Aamina Maxamuud Diiriye, maamulka xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex, cuqaal, madaxdhaqameed iyo kumaan qof oo isugu jira rag iyo dumar, iyadoo dadweynaha taageerayaasha ahi buux dhaafiyeen hoolka ugu ballaadhan hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha gobolka Marood-jeex ee Gobolka Maroodi-jeex Mr. Khadar Cabdi Xuseen oo ugu horayn xafladaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay murrashaxnimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), isagoo tilmaamay inay xisbi ahaan iyo gobol ahaanba aad ugu faraxsan yihiin murrashaxa da’da yar ee taageerada haysta ee ay xafladda u qabteen.
Waxa isaguna halkaas hadal ka jeediyey Xildhibaan Yuusuf Kirix oo xafladaas kaga dhawaaqay inuu u tanaasulay murashaxa Cabdiraxaman Maxamuud Caydiid (Soltelco.
“Anigu waxaan ahaan xildhibaankii berigaas xisbiyada la dooranayey, anigu anigoo yar baan halgankii dalka ka qaybgalay oo magaalada Hargeysa xinjirahaygii baa yaal, waxaan sidaa u samaynayeyna waxa uu ahaa waxan quruxda badan ee aynu helnay maanta oo ah dimuqraadiyadda, dawladnimada iyo nabadda,” ayuu yidhi Xildhibaan Yuusuf Kirix

“Waxa aan maanta halkan u soo joogsaday waxay tahay anigoo goostay , waxaanan goostay in aan anigu tanaasulo oo aan ku wareejiyo Cabdiraxmaan Soltelco oo carruurtayda la da’ ah,” ayuu yidhi Yuusuf Kirix oo caddeeyey inuu xildhibaanimadii iyo hankiisii ku wareejiyo Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo xisbiga KULMIYE uga qaybgelaya tartanka doorashooyinka golayaasha degaanka Hargeysa, isagoo xusay in dadweyne badan oo uu ku tabcay mudadii uu xilka hayey oo ahaaa dadka laga tirade badanyahay  iyo ganacsatada bacadlaha oo diyaar u yihiin inay  codkooda siiyaan murrashaxa Cabdiraxmaan Soltelco.
Waxa isaguna xafladaas ka hadlay Cabdikariin Axmed Mooge oo ku hadlayey magaca dhallinyarada, kaasoo tilmaamay inay farxad u tahay inuu loo igmaday inuu metelo dhallinyarada Hargeysa iyo saaxiibada badan ee Cabdiraxmaan Soltelco ku leeyahay Hargeysa iyo guud ahaan ba Somaliland, isagoo tilmaamay in Cabdiraxmaan Solteco metelayo aragti cusub oo dalka iyo dadkaba wax u qaban kara, waxaannu xusay in dadku codkooda siiyaan murrashaxiin aragti fog leh oo danaynaya inay caasimadda Hargeysa ka dhigaan magaalad u qalanta caasimadda oo la jaanqaada kuwa dunida.

Maareeyaha xafiiska Samofalka Madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diiriye oo iyaduna halkaas hadal ka jeedisay, ayaa si guud ugu mahadnaqaday guud ahaanba ka qaybgalayaasha xaflada loo sameeyey murrashax Cabdiraxmaan Soltelco
“Waxaan aad ugu faraxsanahay murrashaxa da’da yare e muujiyey hankiisa siyaasadeed, waxaanan aad ugu hambalyeynaa Yuusuf Kirix oo caddeeyey inuu u tanaasulay walaalkii Cabdiraxmaan Soltelco oo aan hubo inuu codka heli lahaa haddii uu is sharixi lahaa,” ayey tidhi Aamina Maxamuud Diiriye, iyadoo xustay in Cabdiraxmaan Soltelco xoog badan iyo xooloba geliyey sidii uu KULMIYE ugu guulaysan lahaa doorashadii madaxtooyadda, waxayna tilmaantay in marka la eego sidda loogu soo baxay murrashaxnimada Cabdiraxmaan Soltelco uu guusha haysta, si fiicana doorashada ugu soo bixi doono.

“Waxaannu doonaynayaa in 25 xildhibaan ee golaha deegaanka Hargeysa loo dooranayaa ay noqdaan kuwo lexejeclo leh oo aan u iman inay hanta ka samaystaan, waxanan kula dardaarmayaa inay noqdaan kuwo caasimadda bilicdeeda sare u qaada.”

Guddoomiyaha garabka haweenka gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE oo iyaduna xafladaas ka hadashay, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay, isla markaana soo dhawaynayaan murrashaxa Cabdirmaxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco).
Waxa kale oo isaguna halkaas ka hadlay Caaqil Cabdirisaaq Axmed Caqli oo caddeeyey inuu  raacsan yahay murrashaxnimada Cabdiraxmaan Soltelco iyo sidii cod loogu soo saari lahaa, isagoo tilmaamay in si qurux badan loo soo saaro murrashaxa da’da yar ee taageerada xad-dhaafka ah haysta, waxaanu ku baaqay in doorashada la soo sharaxo dad xilkas ah oo wax u qaban kara dadkooda iyo dalkooba.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf oo isna halkaas ka hadlay, ayaa si diiran ugu mahadnaqay dhammaanba ka qaybgalayaasha xafladda loo sameeyey murrashaxa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo uu tilmaamay inay aad ugu faraxsan yihiin murashaxnimadiisa, isagoo tilmaamay inay saaxiibo dhaw yihiin Cabdiraxmaan Soltelco oo uu ku sifeeyey inuu yahay nin yar oo hadana weyn, marka loo eego axlaaqdiisa, dhaqankiisa, kartidiisa iyo hawlkarnimadiisaba, iyadoo ay tahay in qofka lagu qiimeeyo aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa, isagoo tilmaamay inuu intaas oo dhan uu leeyahay murrashaxa Cabdiraxmaan Soltelco.

“Qofka waxa lagu qiimeeyaa marka hawl loo dirayo sida murshaxnimada oo kale afkaartiisa, markaa waxan leeyahay Cabdiraxaam waa shaqsi ka xoroobay afkaarta qabiilnimada, ninjelclaysiga, waxaanan aad ugu faraxsanahay inuu Cabdiraxmaan Soltelco ka mid yahay raggii igu dhiiriyey xilka aan hayo ee xoghayaha KULMIYE, aniguna waxaan ka mid ahay dadkii Cabdiraxmaan ku dhiirigeliyey inuu maanta isku sharaxo golaha degaanka Hargeysa isagoo aan markaas diyaar u ahayn.”
Waxa Xoghayah Guud ee KULMIYE sheegay in Hargeysa ay xilligan ooyeyso oo ay raadinayso dadkeedii ka nadiifin lahaa qashinka, boodhka iyo nadaafad-darrada, “Waxay Hargeysa leedahay maxaa ku dhacay dhirtaydii hadhaca ahayd ee aan kula magac baxay caasimaddii hadhka ahayd, imika waxay Hargeysa la ooyeysaa in loogu magac-darro caasimaddii boodhka lahayd ee xashiisku buuxay, markaa Hargeysa waxay u baahan tahay rag iyo dumar duco qabayaal ah oo wax ka beddela sida ay maanta tahay, Hargeysa uma baahna habarqabayaal u haliila inay cunaan dhulka danta guud, waxa KULMIYE doonaya inuu soo sharaxo dadkii duco qabayaasha ahaa oo uu ka mid yahay Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, waxaan dadka ka codsadanayaa inay so sharaxaan ragga kuwa ugu wanaagsan, dumarka kuwa ugu wanaagsan hadii kale Hargeysa sidaas ayuun bay u ooyi doontaa,” ayuu yidhi Xogyaha Guud ee KULMIYE Mr. Xasan Siciid Yuusuf.

Musharrashax Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Isaguna xafladaas   hadal ka jeeidyey oo mahadnaqa ballaadhan u jeediye madaxda sare ee xisbiga KULMIYE, xildhibaan Yuusuf Kirix Cawad oo uu sheegay inuu sabab u ahaa murrashaxnimadiisa, maadaama oo uu uga tanaasulay
Maanta ma ihi nin ka shaqaysana ee waxaan ahay nin u shaqaynaysa, waxan ka shaqayn doonaa bilicda magaalada, waxaynu ognahay in caasimaddu bilaa dhir tahay, waxan idiin sheegaa inaa dhir badan ku beeri doono caasimadda, Hargeysa, waxaan idiin ballanqaayaa inaan samayn doono wado-biyoodyo si biyuhu si fiican uga baxaan magaalada oo aanay waxba yeelin waddooyinka, waxaan idiin ballanqaadayaa in inta aan joogo aan la cuni doonin dhul dambe oo dan guud, waxaynu ognahay in caasimaddu habeenkii madaw tahay, waxaan u samayn doonaa laydhka ku shaqeeya qoraxda, waxaan samayn doonaa hananan ay ku shaqeeyaan basaska caruurta qaada, waxaan u samayn doonaa in degmo waliba si iskeed ah isku maamusho,” ayuu yidhi Murrashax Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid.

Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin oo halkaas ka hadlay, ayaa si diiran uga mahadnaqay martiqaadka lagu soo martiqaaday xafladda.
“Waxaannu soo dhawaynaa murrashaxa ay soo sharaxday qayb ka mid ah dadka deegaanka ee  karaamada aadka ugu leh ku leh caasimadda Hargeysa, aad baanan raali uga nahay, waxaan leeyahay go’aankii uu qaatay xildhibaan Yuusuf Kirix nacasku ma qaato ee nin rag ah ayuubaa qaata, waxayna muujinaysaa ragganimada Xildhibaan Yuusuf Kirix, waxaannu idinkula ballamaynaa sidaa xafladdu u qurux badan tahay iskugu duubnaa oo sidaas oo kale codka ku siiya Cabdiraxmaan, halkaasna ka sii wada hawshii aad soo gasheen iyo sidii aad u taageerteen, waxaanan idinkula dardaarmayaa inaad hawsha la gashaan Cabdiraxaam Maxamuud Caydiid oo ku dedaashaan sidii uu ugu guulaysan lahaa doorashadda,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

Samo Talis News Hargeysa Somaliland
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *