Berbera(ANN)Shirkada Diyaarada Ethopia Airline ayaa dib u bilowday Safaradii ay ku iman jirtay Somaliland. Kadib markii ay  shalay  galabta ka soo degtay Madaarka Magaalada Berbera. Duulimaadkan oo ah kii ugu horeeyay ee
Duulimaadyo si toos ah ay diyaaradaasi maalin walba Somaliland uga qaadayso rakaab, ayaa loo sameeyay xaflad balaadhan oo ay ka soo qayb galayaan Masuuliyiinta Shirkadda Itoobiyaan Airline ee xarunta Addis ababa oo Diyaaradda la socda, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane C/risaaq Khaliif Axmed, Safiir ku xigeenka Dawladda Itoobiya u fadhiya Hargeysa,Madaxda Gobolka Saaxil iyo masuuliyiin kale.
Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada ee Somaliland Mudane Maxamud Xaashi Cabdi oo xafladaas ka hadlay ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay in diyaarada Ethiopia ay dib u bilowdo duulimaadyadii ay ku imanaysay Somaliland, waxaanu xusay in arrintani ka danbaysay dadaal xoogan oo xukuumadu u gashay soo celinta duulimaadyadii shirkadan.
Wasiirka Duulistu waxa uu intaas ku daray in imaanshaha shirkada diyaaradaha ee Ethiopia ay fududaynayso xidhiidhka ganacsi ee labada wadan ka dhexeeya.
“Waxay Diyaaradani ay dib u bilaabashada duulimaadyada diyaaradani ay ku timid iskaashi ay sameeyeen labada dawladood, waxaanu wax ka taraysaa xoojinta xidhiidhka ganacsi ee labada dal,”ayuu yidhi Md. Maxamuud Xaashi.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga,Wershadaha iyo Dhaqanka ee Somaliland Mudane C/risaaq Khaliif Axmed ayaa sheegay in imaatinka diyaaradani uu ku soo beegmay xili ay dadka u dhashay Somaliland ee dibadaha ku nooli ay dib ugu soo noqdaan dalkooda hooyo isagoo iftiimiyay dhibaatadii ay rakaabku kala kulmi jireen markii ay meesha ka baxday Diyaarada Ethiopia Airline.
Safiir ku xigeenka Safaarada Ethiopia ee caasimada Hargaysa ayaa sheegay inay dawlad ahaan ku faraxsan yihiin dib u soo celinta duulimaadyadii shirkadoodu ay ku iman jirtay Somaliland oo mudo door ah hakad ku jirtay.
Waxaa kale oo xafladaas ka hadlay Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo Safiirka Somaliland u fadhiya maraykanka.
waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka shirkadda diyaaradaha ee Itoobiyaan Airline oo ka waramay marxaladihii ay soo martay dib u bilaabista duulimaadyadda diyaaradooda ee Somaliland, waxaanu tilmaamay inay ku faraxsan yihiin sida arrintaasi loogu guulaystay.
Diyaaradda Itoobiya Airline ayaa Caasimada Somaliland ee Hargaysa hore u iman jirtay Duulimaadyo, hase yeeshee ay joojisay ka dib qaraxyadii argagixiso ee ka dhacday Hargeysa 29-kii Bishii October 2008-dii. laakiin waxa ay dib u soo bilowday dhawaan kadib markii ay Heshiis cusub la gashay Xukuumadda Somaliland. waxaanay talaabadan cusubi Somaliland ka saaraysaa caqabado badan oo dadweynaha iyo Xukuumaddaba ka haystay dhinaca Socdaalka.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *