-
Published On: Sat, Jan 12th, 2013

Xeer-dejin iyo Xukuumad is-xanbaar ah Qaybtii 5aad Qoraal Taxane Ah , Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

Smiley face
Share This
Tags

(Waxa weli idiin socda Xeerkii Nabadgelyada ee SNM ee 1988kii) Ka-hor-tegidda, kharbudaadda cadowga, qabashada basaasiinta, adeegayaashiisa iyo u-gudbintooda hay’adaha Xeer Ilaalinta,

Is-kaashiga iyo kala-qayb-qaadashada Waaxaha Ciidammada sahanka fog,
Samaynta iyo ilaalinta xidhiidhada gudaha ee hawlaha nabad-sugidda khuseeya,
Wada-shaqaynta & war-is-dhaafsiga Hay’adaha nabad-sugideed ee saaxiibka lala yahay,
Diiwaan-gelinta dhammaan xubnaha muhiimka ah & daaquudyada u shaqeeya Taliska Siyaad Barre,
Diiwaan-gelinta xubnaha iskood Ururka uga baxay, kuwa laga saaray, kuwa cadowga u gala iyo la-socodka dhaqdhaqaaqyada si la isu hor taago wixii waxyeello ay Ururka ku keeni karaan,
La-socodsiinta Guddoomiyaha & Guddida Fukinta xaaladda nabadgelyada Ururka si joogto ah,
Guud ahaan la-socodka xeryaha Qaxootiga si aanu cadowgu ugu soo dhex darsan basaasiin,
Ka-hor-tagga dacaayadaha af iyo qoraalba leh ee wax loogu dhimayo jiritaanka Ururka iyo xubnihiisa,
Ka-war-qabka & hubinta nabadgelyada waddooyinka wax u soo maraan Ururka,
Ilaalinta siraha Ururka,

Saxeexa                                                                       Saxeexa

Maxamed Ibraahin Warsame                                          Cabdi Yuusuf Ducaale

Guddoomiyaha Guddida Joogtada                          Xoghayaha G/Dhexe iyo G/Joogtada

Bal hadda immikana aynu guud-mar kooban ku samaynno maamulladii u kala danbeeyay Somaliland iyo waxyaabihii ay ka qabteen Xafiiska ‘CID’-da iyo Sir-doonka Qaranka ee Somaliland. Idinka oo raalli iga noqon doona, ma aha baadhis qoto-dheer bal se si sar-ka-xaadis ah oo aan qoto dheer lahayn ayaan idiin ku soo gudbinayaa.

Maamulladii Somaliland iyo Sir-doonka:

Maamulkii Mudane Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur): 1991kii-1993kii

Muddadan ama xilligan kala-guurka ahaa, 18/5/1991kii-18/5/1993kii, ee uu Cabdiraxmaan Axmed Cali oo loo yaqaannay Tuur hayay hoggaaminta SNM iyo dalkaba, wax badan oo qabsoomay ma jirin. Waxay ahaayeen laba sannadood oo kala-guur ku suntanaa oo ku dhammaaday dagaallo iyo colaado sokeeye oo la eeday oo aan la mahadin. Nasiib-wanaag waxa qabsoomay Shirkii Nabadaynta ee Sheekh oo lagu go’aansaday Shirweynihii Guurtida ee 1993kii ku qabsoomay Boorame.

Maamulkii Mudane Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal: 1993kii-2002dii

Madaxweyne Cigaal waxa lagu doortay Shirweynihii Boorame iyada oo la siiyay laba sannadood oo ku-meel-gaadh ah oo ay ahayd in uu Dastuur Qaran ku diyaariyo. Ma ay dhicin, waxaana loo kordhiyay muddo 18 bilood ah oo kale. Iyada oo ay hawlo badani qabsoomeen, waxaynu halkan uga gol leenahay maxaa laga qabtay hay’adaha Amniga.

Intii uu Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal talada dalka ahay waxa dhismay: Ciidammadii booliska, asluubta iyo ciidanka qaranka. Maamulkaa Cigaal waxa kale oo uu culayska saaray dhismaha Laanta Denbi-baadhista ee loo yaqaanno CID’-da. Maa daama uu Cigaal madax ka ahaan jiray maamulkii Soomaaliya xilliyadii uu Ra’iisal Wasaaraha ahaa, wax la yaab leh ma aha in uu dhiso booliska iyo weliba laanta ‘CID’-da.

Cigaal, waayo-aragnimo badan oo door ah ayuu u lahaa dhismaha dawladeed iyo hoggaaminteedaba, taasina waa ta keentay in uu lahaa dhismihii ugu mudnaa uguna horreeyay ee hannaanka dawladnimo, wixii ka danbeeyay 1991kii. Wax la yaab leh ma aha in aanu Madaxweyne Cigaal aad u danaynin dhismaha Hay’ad Sir-doon ma daama uu ka mid ahaa dadkii siyaasiyiinta ahaa ee ugu necbaa nidaamkii keli-taliska ahaa ee Siyaad Barre.

In kasta oo aanay ku koobnaan jirin baadhista denbiyada oo keliya, haddana waxay ahayd ‘CID’-du gacantii uu Cigaal u adeegsan jiray cabbudhinta saxaafadda oo mararka qaarkood xabsiyada loo taxaabi jiray.

Maamulkii Mudane Daahir Ra’ayaale Kaahin: 2002dii-2010kii

Daahir Ra’yaale Kaahin, waa uu ka duwanaa dhammaan Madaxweynayaashii Somaliland soo maray: mid dhintay iyo mid noolba. Iyada oo ay Laantii Baadhista Denbiyada ee ‘‘CID’-du ay iska sii koraysay ayuu ku guulaystay in uu dhiso shebeked Sir-doon oo la yaab leh oo gude iyo dibadba laga dareemay. Taasi mid qiimayntayda qof ahaaneed ku timid ma aha, bal se waa wax duniduba u qirtay.

Waxa loogu wan-qalay Hay’adda Sir-doonka Qaranka. Dad maanta ka mid ah mas’uuliinta Muqdisho ayaa igu yidhi mar ay Hargeysa yimaaddeen, Sir-doonka ugu fiican ee Soomaaliya ka hawl-galaa waa ka Somaliland. Waxa kale oo xusuus gaar ah mudan iyo in hoosta laga xarriiqaba in aanu Sir-doonkaa Daahir Ra’yaale inta badan isku hawli jirin hawlo lagu cadaadinayo shacbiga. Wuxu ku hawlanaan jiray arrimaha la xidhiidha argaggixisada iyo wixii minja-xaabin ah ee Qarankan curdinka ah lagu waday.

Tan macnaheedu ma aha in aan la cabbudhin jirin saxaafadda iyo xorriyatul-qowlkaba. Haa…tasi waa ay dhici jirtay, waxa se inta badan loo adeegsan jiray Laanta Baadhista Denbiyada ee loo yaqaan ‘CID’-da. Daahir Ra’yaale wuxu ku guulaystay in uu sameeyo Sir-doon hawl-gal ah oo gude iyo dibadba isku xidhan. Waxa kale oo la yaab lahaa iskaashigii mugga iyo baaxaddaba lahaa ee uu Sir-doonkaa Qaranku la lahaa dhiggiisa dibadeed: mid goboleed iyo mid caalami ahba.

Ceebta halkan ka muuqatay waxay ahayd in aanay Hay’addaa Sir-doonka Qaranku sharciyaysnayn oo aanay wax Xeer ah lahayn iyada oo haddana si rasmiya u hawl-geli jirtay.

“Intaa waxan ku soo dhaafayaa, dhiilladii hore,” iyo sidii ay maammulladii Somaliland iskaga danbeeyay uga hawl-galeen Hay’adaha “CID”-da iyo sir-doonka Qaranka.Bal hadda immikana si aynu sawir uga qaadanno aan eegno oo oo dhex-qaadno Xeerkii Nabad Sugigga Soomaaliyeed ee Nidaamkii Siyaad Barre, kaas oo aynu ku dhererin doonno Xeerka Sir-doonka Qaranka ee Somaliland.

(La soco……………………………………..)

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>