-
Published On: Thu, Jan 10th, 2013

Xeer-dejin iyo Xukuumad is-xanbaar ah Qaybtii 4aad Qoraal Taxane Ah , Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

Smiley face
Share This
Tags

Halkan waxa soo gelaya in ay ku kala qaybsamaan oo ay ku kala duwanaadaan dawladaha yar-yar iyo quwadaha waaweyn ee ujeeddooyinka caalamiga ah lihi. Dhaqanka iyo aaminaadda qudhooda waa lagu kala duwanaan karaa, oo dadka qaar in muwaadiniinta la

daba-galaa waa u xalaal, qaarna waa wax akhlaaqiyaad u diidaa ay jiraan oo ay ummad ahaan u aamminsan yihiin.

Waxaynu u baahan nahay oo lama-huraan ah in aynu wax walba wada yeelanno oo aynu kalsooni buuxda isku qabno. Waxa lama-huraan ah oo aynaan jiritaankeenna iyo wada-joogenna uga maarmayn in aynu hello Golayaal Qaran oo dadweynaha Jamhuuriyadda si buuxda oo kalsoonideeda leh u masila oo aynu ka dhaqaaqno wax kasta oo shakhsiya oo qarannimadeenna wax yeelaya.

Aragtidii SNM ee Xafiiska Nabadgelyada

Uma aan ambo-bixin in aan mowduucan si qoto dheer u dhex-galo, Ilaahayna waxaan ka rajaynayaa in aynu waqti intan ka badan u hello. Intii aanu ku jirnay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran Xafiiskan Nabadgelyadu wuxuu ka mid ahaa kuwii ugu hadalka badnaa. Marka hore aan halkan ku caddeeyo in uu Xafiiskani ku koobnaa xidhiidhkaa sir-doonka. Dabciga iyo xaaladdii ay Jabhadda SNM ku sugnayd ayaa sidaas qasbayay.

Inteenna aan xogxogaalka ahayni si aynu uga boganno, waxaynu ku yar hakanaynaa oo si kooban u guud-maraynaa SNM iyo ujeeddooynkii shariifka ahaa ee ay u taagnayd, si aad ugu cabbirtaan Xeerkan Sir-doonka Qaranka ee muranka demi waayay dhaliyay.

Waxaan jecelahay in aynu cabbaar is-dul taagno halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd iyo taariikhdiisii oo kooban si ay inoogu kala caddaadaan: WIXII LAGA HALGAMAY IYO WIXII LOO SOO HALGAMAY.

Waxaan doonayaa in ay I noo kala caddaadaan in aan Maxamed Siyaad Barre qoys ama qolo ahaan loo qoonsan oo loola dagaallamin, bal se laga gilgishay qaabkii eexda, quudhsiga iyo xasuuqa ahaa ee uu ummadda Soomaaliyeed 21kii sannadood ee xanuunka badnaa ee ummadda sida bahalnimada ah ugu talinayay.

SNM waxay ahayd xarakad ama dhaqdhaqaaq shacbiya oo hubeysnaa oo ka dhashay dareenka bulsho ama shacbi ka gilgishay cadaadiskii iyo xasuuqii Nidaamkii Siyaad Barre, shacbigaas oo ku kala noolaa dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba. SNM waxay ku barbaartay dareenkii u kala gudbayay: Hargeysa, Burco, Muqdisho, Khaliijka, London iyo meelo kaleba. Ma jirto cid ama magaalo gaar ahaan keligeed u sheegan karta SNM. Ciidankii unugga ahaa ee ugu horreeyay ee SNM waa Guutadii 4aad ee Gaaskii Axmed Gurey ee Jabhaddii Soomaali-Galbeed. Saldhiggii ugu horreeyay ee SNM wuxu ahaa Durya. SNM iyo aasaaskeediiba waa ay ka weyn yihiin wax qof, koox ama magaaloba sheegato. SNM waxa ahaa qof kasta oo aamminsanaa mabaadiida iyo ujeeddooyinka Ururka oo si dadban ama si toosanba gacan uga geystay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. SNM ma ahayn oo keliya intii tallowday ee ku hawlanayd dagaalkii hubeysnaa, bal se waxa iyaguna SNM ahaa intii halista daaqaysay ee si dedan iyo si daalacanba dalka gudihiisa uga adeegaysay halgankana tabantaabinaysay. SNM waxa ahaa intii dibadaha ku sugnayd ee af iyo addinba halganka kaga qayb-gashay. Waxa aan marnaba bogagga taariikhda ka tirmeyn kaalintii xurmada iyo qaddarintaba lahayd ee ay raacatada iyo beeralayduba ka qaateen halgankii hubeysnaa ee SNM horseedka ka ahayd. Waxa kale oo lama-illaawaan ah doorkii xurmada iyo xusuustaba lahaa ee ay haweenku ka qaateen qaybihii kala duwanaa ee halgankii hubeysnaa. Waa gef iyo meel-ka-dhac aragtida ah in qof kasta oo Isaaq ahaaba SNM ka tirsanaa. Haddii ay SNM taageerada iyo kaalmada ugu badan ka heli jirtay Isaaqa, waxa kale oo iyaduna hubaal ah in wax-yeello badanina qaar badan oo beeshaa ka mid ah ay Ururka ka soo gaadhi jirtay. 

Xubinnimada SNM ama sida Ururka looga mid noqdaa wax adag oo murugsan ma ay ahayn, bal se mid furan oo fudud ayay ahayd; taas oo dhibteeda iyo dheefteedaba ku lahayd Ururka. Qof SNM ka tirsanaa ama aad ugu dhawaaba wuu milicsan karayay hirarka siyaasadeed ee aan tooxda iyo qotonka midnaba lahayn ee SNM ka dhex jiray. Saddex hirba SNM waa ay ka dhex muuqdeen sannadihii ay dhalatay, kuwaas oo kala ahaa:

Qubane Ururka muggiisa iyo baaxaddiisa ahaa oo aan yeelan ama lahaynba midab siyaasadeed oo ka baxsan xoreynta dalka;
Hir siyaasadeed oo Diiniya oo aan ballaadhnayn, hoggaankiisuna u badnaa xubnihii dibadda ka yimid, gaar ahaan Khaliijka oo isla markaana hoggaanka SNM hayay ilaa Noofambar 1983kii;
Hir siyaasadeed oo janjeedh taqaddumiya ama fikir siyaasadeed oo dimuqraadiya lahaa oo aan qudhiisu ballaadhnayn, xubnihiisuna u badnaayeen intii dalka gudihiisa ka timid;

Nuqulka Xeerkii Nabadgelyada ee SNM:

Xafiiska Xoghayaha Golaha Dhexe iyo Guddida Joogtada,

Lambarka Xeerka: X    -8/GDH/3-05/88                             Xarunta Dhexe

Soo baxay: 12/3/1988,

Xilka iyo Waajibaadka Xafiiska Nabadgelyada:

Dhisidda Xafiiska Nabadgelyada & iyada oo la diyaarinayo qorshe hawl-maalmeedyada Xafiiska iyo xaqiijinta fulitaankooda,
Xulashada iyo tababarka hawl-wadeenka Xafiiska,
Magacaabidda, beddelka iyo xil-ka-qaadidda hawl-wadeenka Xafiiska iyada oo uu Guddoomiyuhu oggolaanayo ilaa heer qaybeed iyo xarunta Dhexe,
Diyaarinta iyo maamulka Miisaaniyadda Xafiiska,
Raadinta, sugidda iyo ururinta wararka cadowga ee ciidan, siyaasadeed iyo dhaqaale,
Wax-ku-qabsiga iyo isu-gudbinta xogaha cadowga iyadoo Ciidammada Xoreynta & Waaxaha kale ee ay khuseyso lala kaashanayo,
Ilaalinta nabadgelyada xubnaha, hantida & saldhigyada Ururka,

(La soco……………………………………………)

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>