Maxaa iga galay DanyareGuddoomiyaha haatan haya talada Golaha Wakiillada Somaliland waa nin wejiyo badan, oo aan midna midka kale xidhiidh la lahayn, una kala bedela bulshada

isaga oo ku salaynaya hadba wadciga taagan iyo hadba wejiga dantiisa uga fulin kara marxaladdaa la marayo.

Guddoomiye Cirro, sida maqaal hore oo aan ugu arkay mareegaha tilmaamay ( http://www.somaliland.org/2013/09/23/guddoomiye-gole-qaran-dani-ugu-jirto-duminta-xukuumadda-iyo-kala-dambaynta-qarankiisa/ ), waa oday dadku ku jahawareersanaaayeen hadda wixii ka horreeyey shakhsiyaddiisa dhabta ah, ayna in badan oo ka mid ahi ku tuhunsanaayeen qoto ka dheer midda beryahan uga muuqatay.

Bal haddaba, akhriste, ila arag xayn ka mid ah wejiyada badan ee Guddoomiyaha iyo muuqaallada ama dareennada mid walbi u gudbiyo bulshada dheehanaysa.

Biyo-ma-daadshe?

Caano-ma-daadsheWejigani waa kan uu ku soo caanomaalay, ee heerka uu manta joogo soo gaadhsiiyey, Guddoomiye Cirro. Waa weji loogu talo galay inuu nin u dhow iyo mid ka fogba u tuso si uu dhulka isugu daadiyo. Dadka ka ag dhow wax uu u tusaa si ay isu tusaan in uu yahay nin usha ay u dhiibtaan ay ka qaadan karaan, danaha iyaga u gaarka ahna ay ka fushan karaan. In ka mid ahi waxa ay jecel yihiin inay wejigan ka dhex arkaan nin aad miskiin u ah oo aan cududooda iyo caqligooda la’aantood aanu hore u socon karin, sidaa darteedna, ay tahay inay la barbar taagnaadaan oo aanay haawayda ku dhaafin. Kooxdan dambe waxa ku jira qayb naxariis badan oo is leh haddii aydaan taakulayn hororka iyo haadka ku kala tegaya.

Wejigani waa wejiga uu Guddoomiye Cirro ku hantiyey guddoonka Golaha Wakiillada, Guddoonka Xisbiga Waddani, taageerada Xukuumadda iyo badhi-taarka inta siyaasadda himbiriirsata ee aan aragti fog iyo aqoon dheeraad ah u lahayn. Waa Biyo-ma-daadshe ayay la noqotay.

Maxaa iga galay DanyareMaxaa-iga-galay-danyare!

Wejiga labaad ee ugu caansan waa kan uu gashado marka uu Guddoomiyuhu is taawiyo, ama is bido inuu awood ku filan, hanti ku filan, taageero ku filan, tol ku filan uu isugu keenay wejiga hore. Waa weji uu la soo baxo marka uu is leeyahay cidi kuma aragto, cidi ma akhrisan karto wejigaaga iyo dareenkaaga ka dambeeya muraayadaha madowga ah. Waa weji muujiya sida aan dulqaad badan ugu lahayn dadka isu haysta inay kasbadeen kalsoonidiisa, ee ammaanta aanu lahayn mikirifoonnada la taagan. Wejigani waa mid kale oo marxaladda uu markaa ku jiro muujiso, hase yeeshee aan ahayn mid uu jecelnaan lahaa in la arko. Inta badan isaga oo isla maqan oo khidadaha ka dambeeyaa ammintaa ka fekerayaa ayuu soo baxaa. Lama joogo dadka goobta la jooga. Iyaga ayuu ku maqan yahay. Iyaga ayuu la yaabban yahay waxa ay isu haystaan, iyo sida ay uga dareen la’yihiin damaciisa.

Wejigani waa kan diktaytarka aan dulqaad badan u yeelan karin la-tartamayaashiisa. Waa weji aan naxariis iyo dulqaad u lahayn, uguna maqnayn la-halgamayaashiisa. Maxaa iga galay danyare!

Igu-soo-indho-caddaa!

Car juuq dhe!(1)Guddoomiyuhu marka arrini ku soo kululaado, ma qarsan karo dareenka cadhada leh, ee anfariirka leh, ee kalsooni yarida leh ee uu kor uga soo saaro wadcigaasi. Waxa uu raagsadaa inta uu ka dareen celinayo. Waxa uu isku hayaa dirqi iyo tu xun. Waxa uu is leeyahay tolow ma ku booddaa, tolow ma ka booddaa. Waxa uu tamaniyaa in halkan mooyee ay ahayd inuu meel kale joogo. Waa goob lagaga af badan yahay, ama lagaga gar leeyahay.

Guddoomiyuhu waxa uu wejigan gashadaa marka aanyu masalo taalla talo uu ku maareeyo, oo ka badbaadisa xumaheeda, aanu hayn. Wjigani waa kan ugu baaqa taageerayaashiisa, siiba kua Golaha wakiillada, inay gacmaha shaadhadhka dib u laabtaan, guntagana u adkaystaan rabshad iyo dagaal ay ka oogaan madashaa la joogo si loogaga hagoogto guuldarrada ka soo indho cad goobta. Dagaal, old man!

Talo-kalay-doontay!

Talakalay doontay1Wejigan badiba lama arko. Waa kan u khaaska ah. Waa ku aan loogu talo gelin in bulshadu aragto. Waa kan uu la soo baxo kola uu cidlada joogo.

Wehigani waa kan muujiya werwerka badan ee wehelka u ah Guddoomiye Cirro. Wejigani waa kan dhabta ah ee uu isu yaqaan. Wejigani waa kan og inaanu ahayn sida la moodayo; in aanu lahayn dulqaadka iyo xikmadda gaadhsiin karta hanka uu dadka u sheegtay iyo hilinka siyaasadeed ee uu ugu tilmaamay inuu han madaxtinimo ku doonayo.

Wejigani waxa uu og yahay nuqsaan.

Wejigani, dhinaca kale, kuma faraxsana sida taageerayaashiisa ku-guurka ahi u saareen faras buubaal ah, oo aan la jaro barin, oo aanu dushiisa in badan ku sii negaan karin.

Uma-eki-Madaxweyne!

Uma eki madaxweyne1Waa kan wejiga dhabta ah ee Guddoomiye Cirro. Waa kan wejiga uu isu yaqaan. Waa kan wejiga uu jeclaan lahaa inuu hawlgabka ku galo werwer la’aan.

Wejigani waa mid uu Guddoomiye Cirro la noolaan karo. Waa wejiga muujiya inay madaxtinimo-ddonku cayaayir la fogaadey la tahay. Waa kan og inaanu ahayn, in aanu lahayn, dun madaxweynenimo.

Wejigan Guddoomiyuhu waa mid haddii uu la noolaado, oo ku adkaysto, sumcad badan oo waayeeltinimo loogu hayn lahaa, oo uu ku kasban lahaa inuu noqdo oday ku dhex jira oosha oo ka mid noqda mullaaxda kaydka ah ee bulshadu u haysato odayaynta iyo kala-hormaynta nabadeed ee marxaladaha ama xaajooyinka looga yaabo inay isku murqgaan. Oday reer oo bashaash ah oo kaftan yaqaan ah oo haasaawiya gole taagtaagan, oo furfura, ayuu ahaan lahaa.

Wejigani ma aha weji siyaasi. Wejigani waa kaa kuu muuqda!

Marka la isku soo wada duubo, wejiyada badan ee Guddoomiye Cirro mid muujinaya miisaan siyaasadeed, aragti fog, garaad sare iyo kalsooni buuxda weli laguma hayo.

Deria N Jire

Nairobi, Kenya

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *