muuqaalka waadhka SomalilandWaxaynu unkaynaa qaran dumey oo dib u dhiskiisu u baahanyahay Samir iyo halgan dheer, waxa hubaal ah in aynu hiigsanayno himilo fog iyo haykal dawladnimo oo soo taxnayd ilaa maalintii dib ula soo noqoshada

xariyadii inaga dhicisowdey 1960 kii. Marxalado adag, geedi socod nabadayn, nidaamo ku dhisan muuqalo dumuqraadi ah hase yeeshee weli curdin ah ayaynu ku kasbanay xoriyada iyo wada noolaanshaha aynu maanta kaga duwanahay kuwii aynu isku diirka ahayn.
Inta aynaan u gudbin mawduuca aynu doonayno in aan kusoo qaadano qoraalkan, waxaan cabir kooban ka bixinayaa aragtitayda ku waajahan sooyaalka Somaliland.
Ugu horeyn wadankeena( Somaliloand) waxu ka dhigan yihiin Qof gaadhi ka dhacay, jidhkiisa iyo lafihiisu burbureen xubin u bedqabtaana aanay jirin, hase yeeshee miyirkiisu taam yahay. Dhammaan organada jidhkiisu kasoo hinqadeen fadhiisimadoodii una baahan yihiin in dib la isugu ururiyo jidhkaa, lafaha iyo organada is dhaafay, si mar uun loo helo qofkaa oo mar labaad cagihiisa isku taagey. Tani waxay u baahantahay xeel dheereyaal takhasus u leh jidhka bini aadamka. Sida dhefshiidka, halbowlayaasha dhiiga u kala gudbiya unugyada, habka neefsashada, qaab dhismeedka lafaha,  habka dareenka, habka dheefshiidka,unugyada jidhka iyo maqaarka. Hadaba dhawacan inoo yaala ee dhaymadiisu wakhtiga dheeer qaadanayso waxa duljooga  oo isu bahaysatay, dhakhaatiir gaara u ah( Special Doctors) oo iyagu masuuliyada dhaawaca dusha saartay, kuwaas oo lagu masaali karo in ay kala yihiin xisbiyada qaranka sida xisbul xaakimka(KULMIYE), labada xisbi ee Waddani iyo Ucid, golaha Baarlamaanka iyo golaha Guurtida.
Waxa kale oo dhawaac dhayayaasha ka mid ah kalkaaliyayaal ay soo xusheen xeeldheerayashu, kuwaas o ah gacantooda midig iyo weliba baalasha ay ku duulaan. Waxan shaki ku jirin in dhawacani u baahanyahay, dhawris toggan, ka dhursugid, xaqdhawr,mana geyo dhaawacan naf ka dhawrka ah in dushiisa , lagu hirdimo oo hadal deel-qaaf ah iyo naxli sii waara raggiina dhaymada dhaawacan loo xilsaaray isu mariyaan mereegaha iyo dhanbaal gudbiyayaasha, weedhahan iyo fariimahan oo sii hurinaya nabarada damqanaya ee dhaawaca(Somaliland). Siyaasadu(badbaadaduna) waxay leedahay anshax(ethics). Haddii dhaawacan aad isu ururinaysaan midkiinba lug jiito ama dareenkiisa damqo waxa aad higsanaysaan waa biyo col dhaanshey dawadana waxa lagu gaadhayaa in idinkoo isku duuban aad wada daryeeshaan.
Hogaamintu waa haybad illaahay bixiyo cidkastaana nasiib uma hesho, lagumna waaro kursiga, nin walba oo ka qaybqaadanaya dhawacan dhaymada sugaya intiina maanta gacanta ku haysa iyo kuwiina hiigsanaya ee tartanka ugu jira in uu gacantooda ku bogsado, waxa la idinka dhowrayaa in aydaan naanays xumo kaga tegin oo gacantiina aanu ku nafbixin dhawacani, idinkuna aydaan liisanka dhakhtarnimo ku waayin.  Hadaba khubaradan hareeraha ka fadhida dhaawacan halista ah ee ku hawlan in ay dib u dhab-dhabaan si aanay u naafoobin lafahan iyo jidhkan is dhaafay ee hadafkoodu yahay in la arko maandeeq oo caaneheedu mar uun deeqaan Agoomaha. Ugama fadhino in ay dhaymada dhaawaca kusoo afjaraan maalmo, bilo iyo sanado toona, waayo dal dumay in haykalkiisii dawladnimo, dib udhiskiisu wuxu qaataa mudo dheer weliba haddii loo hagar baxo, cuntaduna waxay ku haboontahay cun iyo ii cun. Dhaymada iyo sayloonka dhaawacan aad ku baxnaaninaysaan dhawristiisu waa waajib idin saaran raggiina mindida daabka hayoow, hadaynu kala bursanana waxa aynu sugnaa waa dhaawaca oo nafaqa daro inooga dhinta. Anshaxa siyaasadana yaan la baal marin, waayo masuul kastaa wixii ka yimaada isagay dhito u tahay, shacabkana way u kaydsantahay nin kastoo hagardaamo iyo kala fogeyn dalkaa iyo dadkaa jidhkoodii burburay ee la isku kab-kabayo hantaaqeeyey maalin qudha.

Taariikhda aan duugoobin ayuu diiwan gal ku yahay, waxaynu ka dheregsanahay rag badan oo jeclaa hogaaminta iyo xilal in ay u qabtaan ama dhayaan dhaawacan naf ka dhowrista ah in ku waayeen kasbashadii hogaamineed, shaksi weerar, qolo necayb, kala soocid, eex iyo af- xumo, saaxada siyaasadana ku hungoobeen ileyn naxli ayuu dhitaystee, welina quudaraynaya in uu maruun  dhaymada naftan baaxadegaysa ee biixiyuhu is dhaafeen fursad dhakhtarnimo u helo, waxayse moogan yihiin kooxdani in liisanka siyaasad-xumada aan la cusboonaysiin.
Waxaynu halkan ku sharaxaynaa, ama sawir kaga bixinaynaa dhakhaatiirta maanta gacanta ku haysa dheymada Somaliland, qaybaha ugu halisaysan iyo xeeldheerayaasha dhayaya dhaawaca Somaliland.
Wadnaha. (xisbul xaakimka Kulmiye oo ah xeel dheeraha ku takhasusay wadnaha  una soo jeeda hebeen iyo maalin in aan dhaawaca wadnihiisu dhicin(Heart failture), Madaxweynaha qaranka mudane A M M Siilaanyo, ayaa isagu ah  dhakhtarka guud ee takhasuskiisu yahay wadnaha, gaar ahaan halbowlaha ugu weyn ee waraabiya qaybaha jidhka loona yaqaano(Aorta), wuxuuna ku hayaa gacantiisa midig si aanu u marin habaabin habsami u socodka wareega dhiigu.
Maskaxda ( Waddani, xisbi qaranka mucaaridka ah oo awooda saaray in maskaxda dhaawucu dareenka hilmaamin, Gudoomiye Cirona wuxuu noqonayaa dhatarka gaarka ah ee u xilsaaran qaybata haybotalamuska( hypothalamus) oo ah barta hagta dareenka maskaxda.
UUr ku jirta( caloosha) Ucid, xisbi qaranka mucaaridka ah oo isna gaadh ka haya in caloosha dhaawucu aanay dil-dilaacin, Gudoomiye Faysalna, wuxuu markaa noqonayaa dhakhtarka sida gaarka ah ugu takhakhusay qaybta dheefshiidka awoodana saaray in dheefshiidku shaqeeyo si nafaqadu u gaadho organada jidhka oo dhan.
Jidhka ( Baarlamaanka oo iyagana takhasuskoodu yahay jidhka bini adamka aadna ugu hawlan in dhawaca qaybhiisa kala duwani is haystaan, si aanay u kabyo xumaysan, Gudoomiye cirrona yahay laf dhabarta isu haysa dhismaha jidhka.
Maqaarka ( Golaha guurtida oo iyaguna ah xeeldheerayaal ku takhasusay maqaarka, heegana ugu jira in qaybihii maqaarka ee goo,goay dib isu sudhaan, dahaadhka guud ahna maqaarka, si aanay cayayaanka, shinbiraha iyo habar dugaaga quud daraynaya in ay maqaarka dhaawaca waxyeeleeyaan u helin fursad, aadna ugu feejigan in aanu dil-dilaacin maqaarkan kab-kabka ah. Gudoomiye Saleebaan, wuxuu noqonayaa xeel dheeraha isagu ku takhasusay wejiga bini aadamka( Special surgery of the human face) hamigiisuna yahay in wejigii asalka ahaa ee dhaawacani lahaan jirey( Somaliland) ka hor shilka dib loo soo cusbonaysiiyo, si aanay cidini uga habaabin muqaalkii saxda ahaa.

Kooxdan xeeldheerayasha ah ee aynu u igmanay dhaymada dhaawacan ina dulyaala, waxay u dhaarteen in ay si hagarla,aana intii awodooda ah u samata bixiyaan naftan baxaa degaysa(Somaliland) ee aan dhinacna u bedqabin, waxayna intooda badani leeyihiin waayo aragnimo ku siman nus ila rubuc qarni . Khuburadan isu xilqaantay ka midho dhalinta dhaymadu waxay dabcan iyana iska dhex abaabuleen kooxo kalkaaliyayaal ah oo la haga rajada naafada iyo ka dhawrista dhaawaca wixii damqaya, ama dhibaato iyo damqasho u keenaya.

Hase yeeshee waxa hubaal ah in kalkaaliyayaasha intooda badani aanay lahayn, waayo aragnimadii iyo aqoontii kalkaaliyenimo, inta badana daawo khaldan, ama dhaymo cilada caafimaad sii xumaysa ayay dhaawaca siiyaan, taas oo keenta inay abuuranto xaalad qalafsan oo mararka qaar sababta ama ay dhacdaba in dhaawacu kooma gallo, kadibna fashiliso siyaasadii iyo barnaamijkii ay ruugcadaayada aynu kor ku xusnay u jeexeen in dhaawaca(Somaliland) lagu bogsiiyo oo lagu baanto.

Guntii iyo gebagebadii Ardayguba hadduu alifka kari waayo macalinku wuu u naqtiimaaye, waxa haboon in khubarada mindida daabkeeda haysa ee nafta ay xawlul mariidka kaga wareegayso dhaymada la dul taagani ay xushaan kalkaaliyayaal qaan gaadh u ah siyaasada naf ku soo celineed ee dhawaceena, ama loo nakhtiimo casharada iyo culuunta lagu dabiibo dhaawaca sifahan leh, si aanay ugu hafan mawjadaha cilmiga iyo siyaasada ku wajahan baxnaanada dhaawaca halista ah. Waayo Ardayga jecel in uu barto cilmiga dhakhtarnimada, waxa ugu horeyn la baraa labada maadadood ee ah Anatomiga( Anatomy)oo ah barashada dhismaha jidhka  iyo Fisiyoolajiga(Physiology) oo ah qaabka ay u shaqeeyan unugyada jidhku. 

Shaki kuma jiro in aynu u baahanahay dhalinyaro takhasus siyaasadeed leh oo firfircoon, kuwaas oo nasiya ruugcadaayadeena mudada badan usoo halgamayey sida ugu haboon ee jidhkan iyo organadan kala laad-ladaa aanay   u kala bogsan,  bukaan jiifkan(Somaliland) baxnadadeedu mudada23 sano inagu qaadatayna cagahiisa isugu taagi lahaa. 
Waxan ku soo gunaanadayaa, jiilalka  geenyada u heensaystay in ay saaxada siyaasada  ku soo biiraanoow, saxiibayaal aragti fog oo halbeegeedu yahay diblamaasinimo, hubsiimaduna u tahay saldhig, ku cabira falal celintiina(your re-actions), waayo dhawacan ruugcadaageenu gacmaha ku sidaan baadi goobna ugu jira cidii geyi lahayd ee masiirkeeda ay ku aminilahayd, wax waliba way damqayaan saxarka isha gala ugu yaroo.

Hadaba si bulshadu idiin siiso liisanka siyaasada yeesha astaamaha ay caanka ku yihiin hogamiyayaasha laga xasuusto dalkeena iyo daafaha aduunka, kuna dayda raggii ku suntanaa, dulqaadka, deganaanta, sed qaybsiga, eex la,aanta, isu ururinta bulshooyinkooda (kala aragtida, hab dhaqanka iyo dareenka duwan), xishoodka, xeerinta, kalsoonida, nugayl la,aanta, siyaasad mug leh oo midaysa cida ay rabaan in ay hogamiyaan, damiirka iyo cod-karnimada. Saxiibayaal naftan sayloonku ku rakibanyahay ee diifta dhaawaca la boholyowdey, xamilkeeda waa in aad barataan iyo intay qaadi karto, dhaawaca dawo uma keenayo nin laabta, garaaca oo yidhaahda dirac iga sitaba dusha hooyo kuma qaban, mid abtirsiimo qurayshiba ku jabtay qalbiga madow ugu qorantahay iyo nin aanay naftiisu weli halisba gelin nolosha dhabta ahna aan cagaha soo gelin oo degaankii uu ku ababay weli aan dhana uga bixin,waayo aragnimo la,aantuna waa indho la,aan, ninkasta oo fiican oo wax garadna ah nin baa ka sita.
Saxiibayaal waxa la idiinka baahanyahay bisayl siyaasadeed oo aad ku kasbataan kalsoonida dhawaceena dhakhaatiirta gaarka ah u baahan, kagana mid noqotaan halyeeyada dabiibaya .
Ma ihi gabyaa iyo suugaanyahan, balse waxaan kusoo gunaanadayaa mawduucaygan Sugaan kooban oo Dar-daaran ah.

Raggaan maanta doortee, damiqiyo xanuunkuba dumadooda yahayoow.
Del-delaad anno u  xidhan, sida diirta igu degay cadawgii dar-dhaafnaa.
Kuwii iga dulkiciyee, dalanbaabigaan qabey ka dareemay maankow.
Dildilaaciyadii iyo  dakharka iyo nabarkii weli wa i damqanayaa.
Doobtii xasuustiyo, dareenkaygu waa taam.
Miyir doorsan kuma jiro, jidhkuna duubkii sare iyo dedan haragii muu noqon.
Dawadaydu waxay taal, idinkoo is duhashada .
Dabaqaad is reebo,  dulma kiina liitana, dawgiinu yuu noqon.
Damac iyo hankiini, darajda sareeye ,dib usoo helkaygii diricyada ku waayow.
Dumistii horeysiyo haykal dawladeedkii, burburkii mar digo rogey
waxa kaaga daba dheer,deyrkiyo binayntoo koley dib u dhac weeyaan.
Duuggoobimaysana talladii dabiibkiyo deymadeedu dheertahay.
Khubarada  duljoogtee, jidhkan kala durkaayiyo, xididdan is daba maray.
Lafaha I dardhanayiyo, organadan dakaamee doonaya dheymada
Kuwan manta durayow  dib u eegga waayaha
yaan danaha gaarka ah, qaranimada loo dumin,
Dacwadaydu waxay tahay isku raaca daw sax ah.

Eng: Cabdi Nuux Warsame
Madoorsame
abdinoah1@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *