Farnkfurt(ANN) Weftigii Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi ee socdaalka ku marayay dalalka Yurub ayaa kulan la yeeshay masuuliyiin iyo Mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka Jarmalka.Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha Wakiilada ayaa u qornaa sidan:-

  “Waxa wefdiga ka socday baarlamaanka Somaliland ee uu hogaaminayey Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro) , Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland oo uu weheliyo Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, Gudoomiye ku Xigeenka  koowaad  ee Gollaha wakiilada Somaliland arbacaddii ku qaabilay xarunta baarlamaanka Jarmalka ee loo yaqaan Bundstang, Chairman of the German East Africa Parliamentary Friendship Group Hon Patrick  Meinhardt   iyo mudanayaasha ka tirsan Kooxda saaxiibtinimada Afrikada bari ee Baarlamaanka Jarmalka ka badan toban Mudane.
Waxa xubnaha wedftiga ka mid ahaa ergayga Somaliland ee Jarmalka iyo bariga Yurub Md Cumar Yuusuf Xuseen.
Gudoomiyaha Golaha wakiilada isaga oo ku hadlayey magaca wedftiga ayaa warbixin dheer oo ku saabsan Somaliland siiyey mudanyaasha ka dibna waxa fursad la siiyey mudanayaasha ka tirsanaa baarlamaanka Jarmalka fadhiga ka soo qayb galay si afkaar iyo su,aalo u weydiiyaan wedftiga.
Mudanayaasha ka dhex muuqday fadhiga ee ka tirsanaa baarlamaanka Jarmalka ee afkaarta iyo su,aalaha soo jeediyey waxa ka dhex muuqday Hon STEFFEN BILGER iyo Hon SABINE ZIMMERMANN.
Waxa kulanka goobjoog ka ahaa sarkaal sare ka socday wasaaradda Arrimaha dib Mr HOLGER KRAMER, Deputy Head of East African Division.
Waxa kale oo Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland waraysi xiiso badan (interview) kaas oo ku baxay afka Ingiriiska siiyey Idaacadda aadka loo dhegeysto ee DEUTSCHE WELLE maanta . Waraysiga waxa qaaday Mr YILMA HAILE MICHAEL-HINZ.
25/11/2010 waxa Weftigu booqday xarunta ururka saaxiibtinimada ganacsiga ee Jarmalka iyo Africa (GERMAN AFRICAN BUSINESS ASSOCIATION). Waxa halkaas si diiran ugu soo dhaweeye Ambassador CHRISTIAN NAKONZ, Wakiilka ururka ee Berlin, caasimadda Jarmalka. Danjire Nakonz oo hore u ahaan jiray danjiraha dawladda jarmalka ee dalka Uganda waa nin Somaliland taariikhdeeda ula socda soona booqday Somaliland.
Waxa danjire Nakonz kulanka ku weheliye labada xubnood oo ka mid ah gudidda fulinta ee ururka oo kala ahaa MR HELMUT R SCHRADER ; SENIOR ADIVSER
ERMAN AFRICAN BUSINESS ASSOCIATION iyo
MR JURGEN REESE; SENIOR SALES MANAGER SHIRKADDA Dhismaha ee CONSIDO, shirkad ku takhsustay dhismaha guraha jaban ( low cost housing).
Isla khamiistii 25/11/2010 waxa wedftiga ka socday Baarlamaanka Somaliland  ku qaabilay xarunta wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jarmalka Ambassador Walter J Lindner, Agaasimaha waaxda Africa ee Wasaaradda Arrimaha dibedda oo hore danjire uga ahaan jiray dawladda jarmalka dalka Kenya. Danjiruhu inkasta oo aan booqan dalka Somaliland hadana taariikhda Somaliland iyo wax ay qabsatay si wanaagsan ayuu ula socday.
Kulankan oo ahaa mid aad u muhiim ahaa, wuxuu wafdigu siiyey wasaaradda Arrimaha dibedda warbixin dhamaystiran oo ku saabsan Somaliland waxayna codsadeen in somaliland la siiyo kaalmo horumarineed iyo aqoonsi syaasadeed.
Danjire Lindner waxa uu aad ugu dheeraaday muhiimad weyn uu wasaaradda Arrimaha dibedda u lahaa kulanka uu wafdigu la yeeshay mudanayaashii ka tirsanaa baarlamaanka Jarmalka waxaanuu wedftiga u cadeeyey in hadda dawladiisu ka baaran degeyso qaabkii ay caawin lahayd dalka Somaliland.
Waxa kulanka Goobjoog ka ahaa Mr Holger Kramer , Deputy Head of the East Africa Division oo dhawaan laga soo bedelay ahaana ku qaybsanaha safaaradda Jarmalka ee Nairobi ee Somaliland iyo Somalia iyo Md Cumar Yusuf Xuseen, Ergayga Somaliland ee Jarmalka iyo Yurubta bari.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay booqashada wefdiga shirgudoonka golaha wakiilada Somaliland.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *