Hargeysa(ANN)Masuuliyiinta kooxda la baxday Unuga Wadaniyada Somaliland oo ah urur ay ku midaysan yihiin dhalinyaro ka shaqeeya horumarinta wadaniyadda Bulshada reer Somaliland ayaa Habeenkii Xalay Ahaa ku qabtay kulan balaadhan Xafiiskooda Caasimada Dalka ee Hargeysa. Kulankan

 

oo ujeedadiisu ahayd sidii Masuuliyiinta Unuga iyo xubnaha ururka qaar ka mid ahi iskaga xog-wareysan lahaayeen halka ay marayso hawsha umadda loogu sheegayo qiimaha wadaniyadda iyo in dhalinyarada lagu wacyigaliyo inay dalkooda aaminaan ayaa waxa masuuliyiintii ka hadashay dhammaantood waxa ay qireen in hawsha ururku marayso meel meel wanaagsan oo u baahan in kor looga sii qaado.

Guddoomiyaha Unuga wadaniyadda ee wakhtigan Mr Xamse Suldaan Aaden Faarax oo isagu ugu horeyn halkaa ka hadlay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay hawsha wadaniyadeed ee ururkoodu ku hawlan yahay, isaga oo sheegay in unuga ay aasaaseen dhalinyaro aqoonyahan ah ka dib markii ay arkeen wadaniyad daro baahsan oo dalka ka jirta, taasina ay sababtay in dhalinyaradani ku dheeradaan inay unkaan urur si gaar ah uga shaqeeya sidii dadka loo fahamsiin lahaa wadaniyadda iyo qiimaha ay leedahay, taasina ay hadda meel fiican u marayso.
Guddoomiye Xamse, waxa uu sheegay in dhalinyaradii ay wakhti badan galiyeen sidii ay dadkooda ugu wacyigalin lahaayeen qiimaha wadaniyadu leedahay, isaga oo tusaale u soo qaatay hal-ku-dhig uu unugu ku caan yahay oo ah “Wadaniyad baa dal ku horumaraa.”

Mr Xamse waxa uu dhalinyarada ugu baaqay inay ku dadaalaan sidii ay dalkooda wax uga qabsan lahaayeen, maadaama oo halka kaliya ee si kalsooni leh loogu noolaadaa ay tahay dalkaaga hooyo “Dhalinyarada waxaanu u soo jeedinaynaa inay dalkooda ka shaqeystaan, waayo halka kalsoonida loogu noolaadaa waa isaga” ayuu yidhi Guddoomiyaha Unuga Wadaniyadda Somaliland oo isagu furay kulanka caawa.

Guddoomiye ku xigeenka Unuga Wadaniyadda Somaliland Cabdirisaaq Maxamed Muuse, oo isagu halkaa kalmado kooban ka sheegay ayaa si mugle uga waramay waxqabadka unuga, isaga oo tilmaamay in unuga qabtay munaasibad balaadhan oo lagu xusay 18/05/2010-ka, diyaarna u yahay inuu munaasibad kasta oo umadda xasuusin karta qiimaha wadaniyadda ay qabtaan.

Masuulkan oo aad aqoonyahan da’yar ayaa waxa uu sheegay in faraq wayni u dhexeeyo shacabka Somaliland imika oo uu jiro unugu si gaar ah uga shaqeeya wadaniyadda iyo wakhtigii hore.

Mr Cabdirisaaq waxa uu tilmaamay in ururkoodu xafiisyo ku leeyahay wadamo badan oo dibada ah, sida Suudaan iyo Japaan oo kale.

Kulankan oo qaatay muddo laba saacadood ku siman isla-markaana ay ka hadleen shakhsiyaad muhiim ah oo uu ka mid yahay Khadar Cabdiraxmaan Cabdilaahi oo ah Guddoomiyhii hore ee Unuga, ayaa isaguna waxa ka hadlay Axmed Maxamed Shaqale oo ka mid ah xubnaha muhiimka ah ee unuga, waxaanu sheegay in markii aanu unuga ka midka ahayn iyo markii uu soo galay u dhexeeyo faraq wayn oo wadaniyadeed.

Axmed Shaqale, waxa uu tilmaamay in ka hor intii aanu soo galin unuga wadaniyadda Somaliland uu ku fikiray jiray inuu dalka ka tahriibo oo uu u shaqo tago wadamada reer Galbeedka, balse ay arintaasi ka baajisay wacyigalin badan oo uu ka helay unuga wadaniyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay inuu noloshiisa wax badan ka badalay “Waxaan u mahad-naqayaa unuga wadaniyadda Somaliland oo Tahriib iga badbaadshay.” Ayuu yidhi Mr Shaqale.

Ugu dambayn Axmed Maxamed Shaqale, waxa uu amaan u soo jeediyay Axmed-Kayse Cali Rooble oo ah aqoonyanka qoray Buuga “HAL KAGA DAYO”, kaas oo uu xusay inuu wax badan ka faa’iday.

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *