Ma garanayno meel aynu ka nimid, mana ogaan karno jihada loo socdo. Laakiin garashadu waxay ii sheegaysaa in la ambaday. Sababtii loo ambaday iyo arrimaha ku taxan maalmihii la soo maray, ayaan iyaguna ahayn kuwo aynu si madax-bannaan uga hadli karno. Waaqiciga ayaa inoo diidaya,
xorna uma nihin in aynu halkaas oo kale ka fekerno. Oo haddii ay xorriyadi jirto ma sidan ayaynu ahaan lahayn!Waxaad mooddaa inaynu ku xidh-xidhan nahay xabsi qarsoon, oo aynaan fahmi karin ujeeddada aynu ugu jirno. Hayinka aynu saaran nahay waxa lagu hoggaamiyaa jibbo iyo fallaad caqliyadda ka durugsan. Mar kasta garaadkeennu ma aha mid arrimiya, talada iyo tilmaanta na waxa leh caaddifadda. Sidaas darteed, waxa masiirkeenna lagu maamulaa dareenno aan xeel-fogeyn oo cadho, ciil iyo cishqi-ba iskugu dhafan. Dareennadaasi waxay inta badan ka soo fulaan laabaha ma-kasta, maatada; indhow-aragga iyo indho-ku-garaadleha. Intan oo is kaashatay ayaa shalay iyo maantaba barta hoggaaminta inoo jooga. Iyaga ayaynu ka sugaynaa hindisaha xal ummadda faraj u noqda!
Waxay arki karaan inta la wada arki karo, abbaartooduna waa mid ku salaysan “Maanta iyo Maanta” – tan la-ajligeedna, shaqo kuma laha berri iyo maalmaha soo socda ee ku taxan awaalka maqan. Aragtida ayaa ku xaddidan mataaca adduunka iyo maalmaha ifka ee la joogo. Waxay ku loollamayaan noocyada baabuurta iyo dabaqyada dhaadheer. Hadda shalay ayuun bay ahayd markii ay cago-caddaanta ku joogeen suuqyada magaalada. Laakiin maxaan kaaga daalin!, sow ma aha kuwii uu Nebigu ku sheegay Calaamadaha Saacadda.
Waa halkii Hadraawi-ye, Kala-guranta sii raac! Sida ay u dhan yihiin, calooshooda ayay u shaqaystaan. Hunguriga iyo hawada nafta ayay shaqaale u yihiin. Waxa soo raaca mid-mid aan wax badan dhaamin oo hankiisu carruurta gaadhsiisan yahay. Mid kasta waxa mayalka u haysa afadiisii iyo in la mid ah. Waa kudlad inkaaran oo ku fooggan wax inkaaran. Waxay ku nool yihiin meertada nolol been miidhan ah; maadaama ay bulshadu sidaas u badan tahayna, taas ayay ku khasban yihiin inay ku qancaan. Taas ayay calan-sideyaal u yihiin oo ay weliba xilal been ah iyo billado bar-kuma-taal ah u tosheen. Haddii in uun garasho jirto se, waxay ahayd inay dadka u hoggaamiyaan toobiyaha liibaanta iyo guryosamada. Haddii se uu hoggaamiyuhu dhaaddan yahay in loo xushay furfuridda iyo xal-u-helidda caqabadaha hal-xidhaaleha ku noqday geeddi-socodkii horumar ee dadka, miyay ahayd in lagu sii adkaysto hillimada leexsan ee guul-darrooyinka laga dhaxlay? Mise Xeerka Beentu sidaasba uma arko oo wuxu qabaa inaynnu ka soo gudubnay silsilad lib miidhan ah, dhowaanna aynu cagaha gelin doonno mid kale oo hor leh. Baasaysiga ayaan wacnayn ba’e, xeerka beentu waa sidaas.
Dadku wuxu isku maaweelinayaa xorriyad dhalanteed ah iyo dimuqraaddiyad afka baarkiisa ah. Kii ay garashada bidday ayaa laftiisu madadaalada la raacraacaya. Iyaga oo sidaas sheeganaya ayaan haddana la oggolayn in qofku aaraadiisa u cabbiro si xor ah ama uu mid kale weydiimo ka keeno xagga loo socdo iyo masiirka ummadnimo. Xataa marka uu qofku kelidii yahay, waxaad odhan kartaa nidaamku ma oggola in kasha aadamuhu is weydiiso su’aalo ku taxan mabaad’iida biyo-kama-dhibcaanka loo ee arko ee lagu hadaaqayo. Haddii aad si xor ah u hollisid fekerkaaga, waa hubaal in judhaba lagu xidhiidhinayo dareenno kale oo agaheenna yaalla. Waxa la iska caadaystay in qofkii badheedhahiisa dhiibta lagu riixo aragti aan shaqo ku lahayn waxa uu ka hadlayo. Taasi waxay timaaddaa marka cidda barta hoggaaminta fadhidaa ay laabta ka doonayso dareen aan quluubta dadweynaha ku jirin. Wuxuu jecel yahay in loo yidhaahdo wixii uu odhan lahaa, taasi haddii ay dhacdana, waxa uu si dadban bulshada ugu khasbay ayyidaadda qabitaannadiisii dahsoonaa.
Tani maaha mid halkan uun ka aloosan. Adduunka oo dhan waxa gilgilaya mashkilado aan xalkii lagu furdaamin lahaa loo hayn. Meel kasta dhiillo ayaa ka taagan, dhegta aadamaha sebenkan noolina, waxay iskala qabsatay inay maqasho war-macsiyeed ku lammaan nolosha. “Subax noolba dhiig daata, Xadhig iyo silsilad shiilan.” Markii laga tegay marinkii Ilaahay u jideeyay nolosha ayuu noolihii u ban-baxay nolol habaaran oo cabsi iyo umal lagu gaasheeyay. Ujeeddadii abuurtu ma sidan ayay ahayd? Maya…. Xaashaa-Lillaah! Aadamaha waxa loo uumay fulinta jidkii Ilaahay u jeexay nolosha. Si taas la mid ah, Aadamaha waxa loo sharfay furdaaminta mashkiladaha, laakiin looma abuurin inuu abuuro mashkilado hor leh. Meel ay tahayba, waxa ayaan-darro inteeda le’eg ah; in duul Ilaahay karaameeyay, kuna galladay garasho ka soocda abuurta kale, ay sidan u noolaadaan. Aaway xilkii iyo xil-gudashadii noloshu, aaway aqoontii iyo aragtidii, aaway garashadii iyo sarriigashadii, aaway dammiirkii noolaa ee kasha damman ruxi jiray, aaway fekerkii iyo fiiradii, aaway godol-maankii iyo halabuurkii hilaadda durugsan lahaa, aaway…. aaway…. aaway?
Si aynu raad-raac sugan u samaynno, waa in aynu garan karnaa goortii aynu lunnay iyo goobtii aynu majaraha kaga leexannay. Waxa se taas ka horreysa inaynu isla garanno ama isla garan weynno, in wax innaga khaldan yihiin. Waxa jiri karta in aan dadka qaarkii qirsanaynba in mashkiladi jirto ama aydun hore iskula garan kari weydaan eelka u baahan in la abbaaro. Laakiin xaqiiqadu waxay tahay, mashkiladdu dadka iyo dalka midna ma aha ee waa aragtiyaha aynu ummad ahaan u garboduuban nahay. Inkasta oo aynu ku sheekaysanno xorriyadda hadalku waa aasaaska dimuqraadiyadda, ama ay qaar kaleba odhan karaan ikhtiyaarka qofeed waa waxa sababay in qalaanqallada hadheeyay meelo badan oo dunida ah; xaqiiqadu waxay tahay in la galay shooki hurgumo badan, marka loo eego dhinacyo badan. Haddii hore looga dagaallamay cadaadiskii nidaam jiri jiray, ujeeddadu ma waxay ahayd in loo gacan galo hannaan xidhxidhan oo xataa mamnuucaya in maskaxda qofku wax is weydiiso.
Tusaale ahaan, nidaamkii gumeysigu waxa uu dagaal kula jiray xorriyadda afkaarta liddiga ku ah ama ku noqon karta danihiisa. Laakiin waxaynu maanta u daddaaba-xidhannahay hoggaamiyeyaal cadow u ah guud ahaan fekerka aadamaha, sidaas darteed miyaynu filan karnaa afkaar innaga samata-bixin kara xaaladda mutaxan ee aynu dhex yuururno. Sidani iyo sidaasiba; waa dawladnimo ismoodsiis ah iyo ismoodsiis dawladnimo ah. Waa been lagu madadaalanayo iyo beenawaas nolosha macallin ka ah. Waxa la dhex joogaa hannaan dhan oo lagu unkay laab-la-kac, iyada oo la iska indho-tiray yagleel ku dhisan aqoon iyo hubsiimo.
Waxa Ummaddii lagu raray culayska aragtidaas oo dadkii ka dhigtay cabsi- iyo argaggax-ku-nool. Taasi waxay dhadhisay kartidii feker ahaaneed ee dhalin kari lahayd ficil iyo fallaadba. Waa aragti ku dhisan xukun degdeg ah iyo bandoo maskaxeed. Waa mid dadka afkooda uun eegaysa, ereyga marinkeeda qaadi waayana fantaynaysa. Waa aragti dheelli ka muuqdo oo dhan ka raran. Waa fekred qalaad oo ku dhisan maslaxad shisheeye oo aan wax xidhiidh ah la lahayn hab-nololeedka dhaqan-dhaqaale iyo kan bulsheed ee mujtamaca. Sidaas oo ay tahay, falsafaddani waxay macnaha iyo maamuuskaba ka qaadaysaa hiddaha, dareen-wadaagga iyo guud ahaan dunta xariirta ah ee dadka isu haysa.
Mar haddii la hubo in adduunyada maanta quruxdan leh laga soo dhilay maskaxo si xor ah uga jawaabtay duruufo badan oo ku xeernaa – illaa beryo uu dadkuba qaawanaa – ma habboon tahay in aan nolol adduunyeedda la muunad tirin, iyada oo la moodayo in dux loo kordhinayo? Waa weydiin hor taal dadyawga ku taagan male-awaalka beenta ah iyo kuwa ku hoggaaminaya kadeed intan ka badan.
Waayuhu wuxu ina baray inay noloshu tahay hayaan joogto ah oo aan habeendhax mooyee negaansho lahayn. Hakad kasta oo geeddigaas gala iyo jalleeco kasta oo dib la dhugtaa waa in ay ahaataa oo keliya uga tilmaan qaadashada geeddiga xiga. Si taas la mid ah, wakhtiga ayaa ina baray in guud ahaan dadku jecel yihiin in ay ku negaadaan xaalad ay la qabsadeen, taas oo dabadeed u soo jiidda fadhiidnimo baahsan. Bal se niyad-samida aynu naruurada ka dhiganayno ayaa ah rajada aynu ka qabno inay bulsho walba ka soo dhex baxaan qof iyo qofaf hindisa afkaar qumman oo aan raalli ku ahayn marxaladda raalliga lagu yahay. Waa dadka keena fikradaha yaabka leh ee bilawga laga dido dabadeed haddii ay guulaystaan loo aayo.
Waxa kale oo aynu ka marag-kacaynaa in hab-nololeedkii laajjiga ahaa ee la soo xawilay uu qayb ka qaatay burburkii nololeed ee bulshada, kaas oo dabadeed sababay burburkii ku yimid jiritaankeenna. Laakiin taas waxay doodi ka furan tahay marka loo arko in ay ahayd waddo qaldan oo tii runta ahayd looga ambaday. Doodise kama furna marka la ammaan loo raadinayo isbeddelkaas gurracan. Isla markaa doodi kama furna marka lagu talinayo waddadaa qaldan intii la soo hayey in le’eg lagu sii negaado, iyada oo la dafirayo xaqiiqooyinka horteenna yaalla.
Laakiin horta sideedaba noloshan la baadi-doonayo ee loo han-weyn yahay waa tuma? Sow ma aha xaqiiqo nololeed oo lagu soo duulay oo ay kuwii lahaa ka sal-kaceen? Haddii ay cidi dishay innaga ayaa dilnay, laakiin ma aha, sida dadka qaarkii qabaan, inay u dhimatay si dabiici ah oo ay aaseen mawjadaha dabeeciga ah ee is-beddelku.
Markii la diiday in afkaarta iyo si-aragga lagu kala duwanaado ayay noqotay in qolo waliba indhaha ka riddo xaqiiqadii nolosha iyo qabitaannadii ay ahayd in lagu maro tubta liibaanta. Maalintaas ayaa la go’aansaday in adduunyada la hadimeeyo, si aynaan innaguna kob caleen leh uga soo durdurinin.
Haddii ay khasab tahay in hannaanka siyaasadeed ee ummadda lagu dhaqayo dhaliilo laga raadiyo, halkan iyo halal la mid ah ayaa laga dayi karaa, iimaha uu nidaamku yeelan karaana maaha kuwo ku jira weelka madhan ee subax walba la innagu hungeeyo. Inta aynu ku warwareegaynno nidaamyo ajenabi ku ah ummadda iyo abuurteeda labadaba, waxa mudnaan leh in lagu soo noqdo daliilkii Rabbi, iyada oo dadka lagu dhaqayo Shareecada Islaamka. Markaas ayuun baynnu hantaaqada iyo hungada Reer-Galbeedka ka gudbi karnaa. Waayo; waxay rabaan inay nolosha daliil ka noqdaan, si aynu innaguna Ilaahyo ugu aragno. Si kastaba ha ahaatee, waxa maanta habboon halhayskan, “Weli gumucu meel baydhsan buu, gawda ku hayaaye, Inta maanku gaajaysan yahay, Guuli waa weli”
Qalinkii: Maxamed Saleebaan Cumar
Email: halabuur@hotmail.com