hadda u muuqda mid ka gaabiyey wixii laga filayey, isla markaana ku mashquulay dillaalista Heshiisyo Ganacsi oo lala galo Shirkado caalami ah oo Somaliland danaynaya inay maal-gashadaan.
Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, oo ah nin aqoonyhan ah kana soo shaqeeyey muddo dheer Baanka Afrika iyo Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa. Haddaba, haddaynu eegno Baanka Afrika, waa Baan aan faa’iido loo samayn ee ah mid loogu talo-galay inuu kobciyo dhaqaalaha Afrika, intii Baankaasi samaysnaa wax kobcin ah oo uu Afrika ka hirgeliyey ama horumarkeeda kaga qayb-qaatay ma jirto. Waxa keliya ee uu Baankaasi u adeegaa waa dadka Shaqaalaha ka ah oo qaata Lacag aad u badan iyo fulinta danaha dawladaha reer Galbeedka oo ka shaqeeya burburinta Afrika.
waxa kale ee uu Maxamed Biixi ka soo shaqeeyey waa UNAMID oo Qaramada Midoobay Lacagteeda Bixiso, laakiin dawladaha Afrika ay maamulaan. UNAMID oo noqotay kuwa ugu musuqmaasuqa badan Jimciyadaha dunida, dawladaha lacagta siiyaana ay dhawr jeer ku ballan-qaadeen inay lacagta ka jarayaan, canaan badanna u soo jeediyeen Maxamed Biixi Yoonis oo ahaa Ku-xigeenka UNAMID u metela Gobolka Darfuur ee Waddanka Sudan, ayaan wax natiijo ah oo fiican ka keenin meeshaa uu maamulayey, wax-qabashadiisa ugu badan ee la taaban karanaana ay ahayd inuu aad ugu dedaalay sidii Reerkiisa, gaar ahaan Lafta uu ka soo jeedo inuu ku naas nuujiyo.
Xanta Suuqa u gashay waxay tahay markuu haystay UNAMID in haddii aanad ahayn lafta uu ku abtirsado shaqo ka helayn UNAMED. Markii uu Wasaaradda arrimaha dibedda qabsaday aad ayay ummaddu ugu faraxday, iyadoo aan ogeyn taariikhda Maxamed Biixi, loona akhristay inuu yahay nin innaga caawin doona arrimaha Ictiraafka. Balse Maxamed Biixi Yoonis intii uu hayey Xilka Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland uma hawlgelin horumarinta siyaasadeed ee Somaliland, isla markaana filashadaa dadweynaha beddelkeeda, waxa uu aad ugu hawlgalay sidii uu dillaalis wakhtiga uu Wasaaradda u shaqayn lahaa ugu lumin lahaa.
Waxyaabaha ugu horreeya ee uu soo dejiyey waxa ka mid ah in wixii Wasaarad kasta oo ka mid ah Wasaaradaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ay kala xaajoonayso khaarajiga ay soo marto Maxamed Biixi, taasoo kalliftay in Wasiirro ku socday Itoobiya laga soo celiyo Madaarka Hargeysa oo lagu yidhi; ‘Wasiirka arrimaha dibedda kamaydaan soo fasax-qaadan. Waxaanay taasi keentay in Wasiirrada Xukuumadda Somaliland oo dhami u xayiraan shaqooyinkii kaga xidhnaa dibedaha oo la soo mariyo Wasiir Maxamed Biixi. Waxaanad siday ku socoto mooddaa inuu leeyahay anigaa wax walba aqoon u leh ee ha la iiga fasax-qaato, isaga oo hore u sheegay inaanu dalka ka bixi karin Wasiir aan Wasaaraddiisa fasax ka haysani, waxaanan u arkaa inay tallaabadaasi tahay faro-gelin xun oo uu ku sameeyey Wasaaradaha dalka.
Sida muuqata ma garanayo waxay shaqadiisu tahay iyo waxa ay Jamhuuriyadda Somaliland uga baahan tahay inuu Maxamed ka shaqeeyo. Waxaanu ku milmay arrimo la xidhiidha dillaalis ganacsi iyo dano isaga u gaar ah, hase-yeeshee, waxaynu uga baahannahay waa inuu ka shaqeeyo iib-geynta qaddiyadda gooni-isu-taaggeenna iyo horumarinta siyaasadda arrimaha dibedda Somaliland. Isla markaana, uu dhaafo xakamaynta Wasaaradaha kale ee dalka oo uu u daayo shaqooyinkooda u gaarka ah.
Wasiir Maxamed Biixi intii uu joogay Wasaaradda arrimaha dibedda, saddex waxyaabood oo la taaban karo ayuu ku dhaqaaqay waxaa ka mid ah. Dawladaha Imaaraadka Carabta oo doonayay inay wax inanagala qabtaan arrimaha Biyaha iyo Caafimaadka, ayuu isaga oo keliyi tegay Imaaraadka oo uu la soo xaajooday isaga oo ka dul-booday Wasiirka Khayraadka Biyaha iyo Caafimaadka. Ta saddexaadna waa wadahadalka Shirkadda Diyaaradaha ee AL-Arabiya, waxaanu tegay isagoo daaddihinaya Wasiirka Duulista Hawada Somaliland oo ay shaqadiisa ahayd wadahadallada iyo heshiisyada lala galayo wixii duullimaad diyaaradeed khuseeya.
Soomaalidu waxay tidhaahdaa; ‘Meyd maxaa ugu dambeeyey? iyo Kaa la sii-sido’! Tallaabooyinka dillaalista ah ee uu Wasiir Biixi qaaday ama ku dhaqaaqay waxa weeye inuu isku mashquuliyo Dekedda Berbera oo uu Shirkad laga leeyahay waddanka Faransiiska oo la yidhaahdo Bollore (Balloor), wakhti badanna uu ku bixiyey, isagoo Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Xoor-xoor aan laga talo-gelin. Xanta isa-soo-taraysaa waxay sheegaysaa in dillaalisteeda ay hormuud ka yihiin Niman Jabuuti ah oo Ganacsato ah, isla markaana ay isku Beel yihiin Maxamed Biixi.
Waxaan odhan lahaa, Dekedda Berbera waxay leedahay Maareeye, waxaana laga xukumaa Madaxtooyada, waxaanay ku qurux badan tahay in Maareeyaha Dekeddu hormuud ka ahaado arrimaha la xidhiidha horumarinta iyo heshiisyada Dekedda. Maxamed Biixi waxa uu wareegayey wakhti badan Afrika iyo Faransiiska si uu u hirgeliyo dillaalistiisa u gaarka ah, waxaanu illaaway dantii Qaranka ee loo dirtay.
Waxa jira warar soo baxaya oo sheegaya in Wasiir Maxamed Biixi Yoonis qorshaynayo inuu isu-sharraxo Madaxweynaha Somaliland Shirweynaha Xisbiga KULMIYE ee soo socda, markaa waxaan filayaa wuxuu raadinayaa Lacagtii uu isku sharrixi lahaa malahayga.
Waxaan Maxamed Biixi aad ugu guubaabin lahaa inuu faraha kala baxo waxaan danta Qaranka Somaliland guud ahaan, gaar ahaan ta Wasaaradda uu Wasiirka ka yahay aan ahayn ku mashquulin, una dhaqmo qof raadinaya oo mashquul ku ah danta guud ee Qarankan curdinka ah iyo horumarinta siyaasadda arrimaha dibedda oo ay ugu horreyso raadinta aqoonsiga Somaliland. Waxa Wasiir maanta lagaaga baahan yahay inaad keento Siyaasad dibedeed oo hadaf leh oo aynu ku kasbanno dadweynaha iyo dawladaha caalamka.
Shaqada kuu taallaa Wasiir aad bay u culus tahay, haddii aad shaqayso afar iyo labaatanka saacadood ma ah mid aad ka gayoonaysid. Dalal badan oo aynu rabno inaynu xidhiidh la lahaanno ayaan danjire joogin oo aan hawleennu ka fulaynin. Wasiirkii kaa horreeyey wuxuu ahaa nin ku eeg shaqadiisa oo aan u gacan-baxsanayn dillaalis iyo u dhoof-dhoof dano gaar ah iyo dano Wasiir kale qaabbilsan yahay. Haddii aad taas kasoo baxdid, waxaan filayaa in rejada aad Madaxweyne ku noqonaysaa ay aad u sarraynayso. Wa Billaahi Tawfiiq.
W/Q: Shaafici Diiriye Maxamuud