wadada berbera iyo hargeysa1Maqaalkan waxayu ku soo qaadan doonaa doorka muhiimka ah ee ay u leeyihiin waddooyinku bulshadda meelkasta  ay joogan, Somaliland markii ay dawaladii Somaliya kala soo laabtay madax banaanideeda ee

shacbiga Somaliland dib ugu soo noqdeen magaalooyinka ay ka qaxeen xiligii dagaaladun socdeen, waxay wadooyinka dalku ahaayeen qaar day iyo bur-bur baddan iyo diiftii dagaaladu ka muuqdaan oo si weyn looga dareemayay jidadka magaalooyinka waaweyn iyo gebi ahaanba dhismayaasha guraya oo 70% ay dumeen.
Jidadka iyo dhismayaasha bur-buray wax ka buuxay qashin iyo hadhaaga waxyaabaha qarxa iyo hubka, waxay adkayd in aad nataada ku aaminto wadooyinka waaweyn iyo xataa wadooyinka xaafadaha hor mara oo burburka ka sockow laga baqayay walxaha qarxa sida miinooyinka iyo hadhaaga hubkii ay ka tageen dagaaladii mudada dheer socday ee u dhexeeyay Taliskii Milateriga ee Siyaad barre iyo xooggagii SNM.
Burburka dhismayaasha iyo miinooyinka daadsan, ama waxyaabaha qarxa kuma koobanayn Caasimadda Hargeysa oo kaliya, balse dayaca iyo diifta dagaalada iyo Burburku wuxuu ahaa mid  ka muuqaday dhaamaan gobolada Somaliland oo dhan, hase yeeshee markii ay dhamaatay mudadii labada sanadood ee xukuumaddii u horaysay ee Somaliland oo ahayd mid ay xukunkeeda hayeen hogaamiyayaashii SNM ee dalka xoreeyay, taas oo uu Madaxweyne ka ahaa Madaxweynihii u hireeyay Somaliland Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali, waxa shirweynihii Bulshada degaamada Somaliland oo dhan ee lagu qabtay xarunta Gobolka Awdal ee Boorama lagu doortay xukuumad uu Madaxweyne ka noqday Marxuum Maxamed Xaaji Cigaal, taas oo bilawday hub ka dhigis lagu sameeyay Malayshiyaadkii si loo sugo amaanka,  dib u dhiska Hay’addihii dawliga ahaa iyo in lasoo celiyo adeegyadii aasaasiga ahaa sida Wadooyinka, Goobaha Caafimaadka, Biyaha iyo dhamaan waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha.
Dedaalka Xukuumaddii Madaxweyne Cigaal oo ahayd tii qaranka Somaliland cagaha u taagtay ilaa la gaadhay dastuur afti looga qaaday Bulshada Somaliland.
Waxaana dedaalkaa midha dhalka noqday dhinac socday rajada iyo yididiilada Bulshada oo la tacaalayay sidii ay usoo dhisi lahaayeen noloshooda, isla markaana dib u dhis ugu samayn lahaayeen burburka ka muuqda dhulkii hoyga u ahaa boqolaal sanadood oo ay kusoo laabteen iyagoo aan waxba gacanta ugu jirin oo aan wax hanti ah sidan.
Marka dib loo jaleeco waxaad arkaysaa oo laga dheehan karaa dedaalka Bulshada toban sandood ka hor waxaad arkaysay iyadoo magaalooyinka waaweyn weli kasii muuqdaan raadadka dagaaladii iyo burburkii, balse maanta marka aad eegto magaalooyinka waaweyn waxa jira dedaal lagu qariyay raadadka burubrka ee dagaalada oo ka muuqday magaalooyinka waaweyn iyo jidadka toban sanadood ka hor.
In kasta oo xukuumaddihii kala danbeeyay mid walba meel soo gaadhsiisay wax qabadkeeda iyo sidii loo sii adkayn lahaa inuu qaranka Somaliland noqdo mid dunida ka mid noqda, haddana waxa jiray gab u dhexeeyay dedaalka shacbiga iyo dhinaca waxqabadka ee xukuumaddahaa marka laga hadlayo adeegyada aasaasiga ah, waxaana jiray dayac badan oo ka muuqday wadooyinka isaga gudba magaalooyinka waaweyn iyo kuwa caasimada iyo magaalooyinka kale isku xidha, ama wadooyinka dhexmara magaalooyinka, taas oo dhibaato ku ahayd bulshada, isla markaana nabaro iyo booggo ku ahaa bilicda iyo muuqaalka magaalooyinka dhismayaasha dhaadheer ee quruxda badan laga yagleelay.

Hase yeeshee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee la doortay 2010, waxay muujisay dedaal la doonayo in wax weyn lagaga qabto burburka jidadka waaweyn ee magaalooyinka iyo wadooyin cusub oo la yagleelay, waxayna xukuumadda Somaliland iyadoo kaashanay bulshadeeda iyo golayaasha deegaanada ee dawladaha hoose, waxay bilawday dedaal si weyn loogu riyaaqay.
Maaha wadooyinka oo keliya waxa si cad u muuqata in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dedaal ugu jirto sidii loo horumarin lahaa adeegyada aasaasiga ah sida Caafimaadka, Waxbarashada, wadooyinka iyo Biyaha.
Waxa hubaal ah in uu jiro dedaal aan la dafiri Karin oo ku waajahan dhinacyadaa. Dad badan ayaa la yaabay dhowaan markii xukuumadda Somaliland bilawday wadada isku xidha Berbera iyo Hargeysa oo 180km ah, taas oo hadda lasoo gebagebeeyay, sidoo kale wadada ugu dheer dalka ee isku xidha Gobolka Sanaag iyo Togdheer oo ah 360km.
Labadan waddo waa kuwa ugu dhaadheer wadooyinka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku baaqday dhismohooda, waxayna dhamaystirka wadadda isku xidha Hargeysa iyo Berbera meesha ka saartay aragtida mucaaradka xukuumadda iyo dad badani qabeen ee ahayd in aan dhismayaasha wadooyinka xukuumadda Somaliland ku baaqday ahayn suurta gal ah oo aan waxba la qabsan Karin haddii aan gacan shihseeye la helin, balse waxa muuqata in arragtidaasi ay hadda meesha ka baxday markii ay dhamaatay wadada isku xidha Berbera iyo Hargeysa, taas oo si cad u muujisay in wadada Ceergaabo oo ah ta ugu dheerna haddii gamcaha lays qabsado la dhisi karo, iyadoo aan wax taageero ah laga helin dawlado shisheeye iyo hay’addo caalami ah midna.
Wadooyinku maaha kuwaa oo keliya ee waxa ka jira wadooyin baddan oo ka socda magaalooyinka waaweyn gudohooda iyo kuwo isku xidhaya gobolada kale oo qaarkood la dhameeyay, kuwo kale dhismayaashoodu socdaan dhamaantood. Sida wadooyinka Wajaale Iyo Kalabaydh, wadad Boorama, Wadada Dawga Cad ee dhinaca Woqooyi ee Hargeysa, wadada Baligubadle iyo Hargeysa, wadada Salaxley iyo Hargeysa, wadada Oodweyne iyo Burco iyo Wadada Laasciidle iyo Berbera ee dhinaca Xeebta, kuwaas oo dhamaantood socda, isla markaana ah wadooyin  Laami ah, marka laga reebo wadada Xeebta berbera uga baxda dhinaca Bari oo iyadu Cara-tuur ah.
hadda  bulshadeedu haddii ay sameeyaan isku duubni wadada Ceergaabo iyo wadooyinka kaleba, wadooyinku waxay door laaaxad leh ka qaatan horumarka dhinacyada dhaqaalaha, xidhiidhka iyo isu socodka iyo is dhexgalka Bulshada.
Sidoo kale wadooyinku waxay qayb laxaad ah ka qaataan horumarka adeegyada aasaasiga ah sida Caafimaadka iiyo waxbarashadda, waxa kale oo ay waddooyinku muhiiim u yihiin bilicada magaalooyinka.
In kastoo Somaliland aanay ictiraaf buuxa ka haysan caalamka haddana xukuumadda Somaliland oo kaashanay bulshadeeda waxay muujisay in dadku wax qabsan karo oo ay dalkooda dhisan karaan.
Gebagebadii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxay qaaday tallaabo wax ku ool ah oo ku waajahan dib u dhiska dalka iyo horumarkiisa, waxaaase lagama maarmaan ah in dedaalka xukuumadda la garabgalo, waxaana waajib ku ah qof kasta oo muwaadin ah inuu muruq, maal iyo codba ku taageero dhismaha dalkiisa si aynu dalkeena u gaadhsiino horumar oo aynu dunida u tusno in ay  wax qabsan karo sida aynu horeba ugu tusnay in aynu horumarka ka muuqda dalkeena samaynay inagoo aan wax taageero ah ka helin dunida, isla markaana u yagleelay qaran xor ah oo iskii u taagan.

By Axlaam Maxamed

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *