Caddami

Laga soo bilaabo is-raacii Somaliland iyo Somaliya ilaa 1991, markii ay Somaliland noqotay dal madaxbanaan, shacabiga Somaliland waxaa lagu xukumi jiray dastuur iyo xeerar aanay

ka war qabin goor la sameeyey iyo meel lagu sameeyey toona oo dusha lagaga keenay, in kastoo ay diideen ama ka codeeyeen aftidii lagu ansixinayey hadana looma joojin cabashadoodiina waxba lagama soo qaadin.
Somaliland haddii ay ahayd maxmiyada boqortooyada ingiriiska laga xukumi jiray, waxay noqotay maxmiyada soomaliya laga xukumo.
Si kastaba ha ahaatee Somaliland waxay noqotay dal xor ah waxay qorteen distoor ay iyagu leeyihiin oo aan meel kale kaga iman, hay’ad kasta iyo hawl kasta waxaa lagu dhisay xeer iyo kala xadayn lagu maamulo.
Nidaamka siyaasadeed ee dalka waxaa sal u ah dimuqraadiyada iyo hanaanka xisbiyada badan.
Sida distoorku ina faraayo Somaliland waxaa ka jira saddex xisbi oo qudha, waxaa lagu kaabay xeerka doorashooyinka, xisbi walibana wuxuu leeyahay xeerarakiisa gaarka ah.
Dadkaa u baahan xeerarka si ay nolol maalmoodka ugu maamulaan, ugu kala dambeeyaan iyo inay ku kala baxaan.
Xeerka waxaa lagu tilmamaa inuu la mid yahay xoolo ama hanti (Asset) muwaadinku leeyahy soomaaliduna waxay hore u tidhi: “Rag maxaa u xoolo ah, xeer baa la yidhi”.
Mar kale soomaalidu iyagoo karaamaynaya raga ama madaxda dadkooda xeer u sameeya iyo waxtarka uu u leeyahay bulshada ku dhaqanta waxaa la yidhi: “Nin xeer sameeyey waa u darajo, nin ku dhaqmayna waa u dayr”.
Hase ahaatee Somaliland xeerarkii dalka waxaa laga doorbiday in markii la doonaba meel la iska dhigo oo khilaafaadka iska soo horjeeda iyo arrimaha kaleba lagu kala saaro xeer-jajab laakiin reer Somaliland ma dhaadana in la jabiyey ama laga maarmay qodob sharci oo loo cuskan lahaa kala saarida labada daraf ee is haya ama dambiilayaasha sharciga khilaafa.
Muwaadin sida maalinba xeer loo jabinaayo ma laga yaaba Somaliland inay noqoto dal aan xeerba ka jirin ama aanu ka shaqayn?.
Waxaa la ogaaday wadanba wadanka uu kaga fiican yahay dhawrista qawaaniinta inuu ka cadaalada wanaagsan yahay, ka musuqmaasuq yar yahay, ka maamul wanaagsan kana xasiloon yahay waxaase ayaan daro ah Somaliland kuwa khilaafka curiya kuwa sharciga jabiya iyo kuwa sameeya xaalad abuurka intuba waa madaxdii iyo hormoodkii umada waa kuwii loo doortay inay sharciga ilaaliyaan. Waa nasiibkaa dadkaygoow.
Marka ay doonayaan inay helaan wax sharcigu diidan yahay ama la og yahay in lagu qadayo haddii loo baydho xaga sharciga waxay ku doodaan oo hal-hays laga dhigtay weedho ay ka mid yihiin: Somaliland waligeedba waxay ku soo dhaqmi jirtay oo ay ku soo caano maashay wada xaajood iyo isku tanaasul.
Waa run oo in mudo ah Somaliland may lahayn distoor, manay lahayn xeerar lagu kala baxo si ku meel gaadh waxa lagu maamuli jiray Axadi Qarameed, wakhtigaa Somaliland waxay maraysay marxalad adag oo loo baahnaa in arrimaha qaarkood lagu furdaamiyo xeer-jajab si aan nina u qadin nina u wada qaadan sidaas oo ay tahy go’aanada xeer-jajabka laga soo saaraa dhinacna ma raali galiso xataa haddii la aqbalo sababta oo ah qolana ma hesho wixii ay doonaysay iyo go’aanadii ay filanaysay.
Sidaas daraadeed waxaa haboon in aynu barano sida sharciga loogu kala baxo iyo in aynu ku kal-soonaano garsoorka dalka.
Madaxweynihii 37 ee Markaynka Mr Richard Nixon wuxuu yidhi: “In an attempt to please all sides of the debate, they end up pleasing no one”. Qoraalkan koobaan waxaan ku soo gabagabaynayaa dhawr su’aalood oo kala ah: 1. Goorma ayey Somaliland ka gudbaysaa is qabqabsiga iyo muranada siyaasadeed ee joogtada ah? 2. Goorma ayey Somaliland noqon doontaa dal casri ah (Modern state) oo sharcigu ka shaqeeyo ama loo siman yahay? 3. Goorma ayey heli doontaa siyaasiyiin bisil oo dalka ku haga aragti siyaasadeed? 4. Goorma ayey madaxdeena qaar ka korayaan qabyaalada, eexda iyo kala qaybinta bulshada?
Cabdiraxmaan Cadami
abdirahamanadami@yahoo.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *