liibaan1Ummaan qaadan qalinka inaan cid ceebeeyo ama aflagaadeeyo balse waxaan u qaatan inaan iftiimiyo ama tilmaamo waxaan u arkay ama ay tahayba qalad oo aan maalmahanba warbaahinta dalka ku arkay qaarna aanba ka war qabay

 

qaban qaabadooda iyadoo aan si toos ugu tilmaamay inaanay haboonayn inay dhalintu ku dhaqanto.

Akhriste sidaad ka war qabtaan waxa maalmahan u dambeeyay taagnaa khilaafka xisbiga kulmiye kaas oo dadku ku kala aragti duwaanayeen ayaa wax dhacday in dhalinyarada wadanka qaar ka mid ahi ay qaadeen taalaabo aan haboonayn oo ah inay dadka iyo bulshada Somaliland u kala saareen hayb ama ku kala taageereen siyaasiyiintii is haysay hab beelaysan .

Markaan ka hadlayo beel kama soo hor jeedo beesha iyo dhalinta toona waxa kaliya oo aan leeyahay qaybaaladu maaha mid looga baahan yahay dhilinta mana ah mid siyaasada looga baahan yahay .

Waayo siyaasadu ma laha wax lagu cabiro waa shay is rogrogiisu badan yahay oo aan saacad iyo sikin toona meel joogay oo u janjeedhsanaysa hadba meeshii dani gasho.

Sidoo kalena ma laha hayb malaha waad ila yaabi hadaan ku idhaa hayb ama dhawaansho ma leh waxaad odhan waayo, hasa yeeshee bal u fiirso inta siyaasi ee dantiisa uun wata ee aan ka fikirin ama hoos u  eegin dadkii haybta ama qabyaalada ku taageeray ee galaya  hadba meeshii isaga dantiisu gasho, balse qabiilka ama haybta ku soo carara marka uu dantiisu la soo  gasho oo odhanaya meeye reer hebel miyaynaan xaq la hayn ,, oo heedhe akhriste muxuu isagu markii hore ee uu dantiisa watay reer hebel u noqon waayay.

Geesta kale marka siyaasada sideeda looga hadlayo waxay leedahay aragti taas hore ee aan soo tilmaamnay ka duwan oo ah in la isku taageero ama la isugu soo dhawaado wixii dana ee meesha taal haday tahay aragti iyo isku fikir jihada loo soconayo ah , sidoo kale haday tahay barmaamijka wax qabad ee dalka iyo dadka wax loogu qabanato.

Hadaan intaas kaga soo baxo iftiiminta oo aan u soo daadago waxa igu kalifay maqaalkan kooban waxay tahay bal inaan dhalinta inaan u iftiimiyo ujeedadaas iyo inaan hoga tusaaleeyo

Dhalinyaradu waa mustqabalka maanta, waa hogaanka birrito, waa hagaha mustqalbalka bulshada, waa xooga iyo hantida ummadi ku faanto, waa quruxda iyo qaayaha ummada, waa muraayada laga dheehan karo waxa uu noqon karo mustqabka wadankaas.

Iyadoo ay mihiimadaas leedahay dhalinyaradu oo waxaas oo musuuuliyad ahi sugayso haday siyaasiyiin maanta is haya birritana heshiinaya ugu kala qaybsamaan qabiil iyo hayb miyanaanay ahayn ayaan daro iyo nasiib xumo oo aanay xaajadu noqonayn in xilkii iyo masuuliyadii dhalinta saarnayd ee loo baahnaa inay aqoontoodu taliso inay gabeen.

Bal akhriste suuree hadii hore dadkeena iyo bulshadadeenu markii ay reer guuraaga ahayd ay is dilli jirtay oo ay isku dili jirtay daaq iyo biyo , maanta hadaba hadii dhalintii dadkan aqoonta u baratay ee jaamacadaha ugu soo baxday loogana fadhiyay inay bulshada u sheegaan danteedu inaanay ahayn inay qabiil u kala baxdo ee danta iyo  galadu ku jirto danta guud oo meel looga soo wada jeedo bulshada oo abnigeeda ilaashada iyo gacmaha oo la is qabsado ay iyagii qabiil cid isaga dhaw iyaga ay qabiil ku taageeraan miyaanay nasiib daro ahayn bal u fiirso tixdii lixdameeyadii uu  Alle ha u naxariistee Tiriyay Abwaan Abdulahi Suldaan Timacade ee ay ka mid ahaayeen tuducyadani .

Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dix dhagaxeede

Anuunbaa danqanayee dhaguhu uma daloolaane

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane

Bal inay dafoof tahay caqliga      dooni laga saaray

Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye

Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda

Ooy duul walaala  ah tahay ooy duunka ka heshiiso

Dadka kama yaraateene ways    dabar jaraysaaye

Dubba madaxa wayskala dhacdaa daa’in abidkiise

Goortay is wada dooxatay baa   daad u soo geliye

Waxaan qalinka ku soo xidhayaa dhilintaay ha taliyo garaadkiinu oo ha ka xoroobo qabiilaysiga iyo waxa aan dantu idiinku jirin dalka idinkaa leh dadku idinkuu idin sugayaa.

Aqoontiinu yay noqonin mid wax dumisa ee ha noqoto mid wax dhista

Bal u fiirsada tixdan Alle ha u naxariistee abwaan Ibraahim Gadhle

Midigtaadu yey noqon,

Mid tolkeed u muruq weyn,

Murjinkaagu yuu noqon,

Magli dila walaalkii,

Magacaagu yuu noqon,

Mid xumaan ka marag-kaca,

Sida macawisaa qaar,

Ninba maalin yuu xidhan,

Hadba kii muraadle ah,

Hawga dhigin maqaar-saar,

Mar waxaad dhandhamisiyo,

Mijin qaad ah haw dhiman,

Hana talin masiibiyo,

Wax makhluuqa kala dila,

Maskaxdaadu yay noqon,

Maqal lagula leeyahay,

Yaan toban muftaax iyo,

QALINKII : Liban Ismail Abdilahi

EMAIL: Liibaanhanad79@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *