Hargeysa (ANN)-Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xassan Maxamed Yuusuf ayaa shalay magacaabay guddiyo ka hawl-gelli doona saddex waaxood oo ururkaasi leeyahay. Guddiyadan oo xubnaha loo magacaabay ka tirsanyihiin guddida fullinta SOLJA ayaa waxa
ay u qaybsan-yihiin saddex waaxood oo kala ah guddida tayaynta, guddiga ilaalinta xuquuqda saxafiga iyo saxaafada iyo guddiga maamulka iyo diiwaangelinta suxufiyiinta dalka Somaliland.
Magacaabistan oo guddoomiyaha SOLJA ka jeediyay fadhi caadi ah oo bil kasta ay isugu yimaadaan guddiga fullinta ururkaasi, kaasoo shalay ka dhacay xarunta Guud ee ururka Suxufiyiinta SOLJA.
Qoraalka guddoomiyuhu ku magacaabay guddiyadan oo dhameystirani waxaa ay u qorayd sidan; “Sidda uu dhigayo xeerka ururka Suxufiyiinta ee Solja, qodobkiisa 6-aad, farqadiisa 1-aad, kaas oo qeexaya hawlaha ay qaban karaan xubnaha guddiga fullintu, waxaa ii muuqatay baahida loo qabo sameynta guddiyo ka tirsan xubnaha guddiga fullinta ee ururka oo ka hawl-gela arrimaha muhiimka ah ee ururku uu ka shaqeeyo, sidaas awgeed, waxaan magacaabay saddexda guddi eek ala ah:
1.Guddida tayaynta.
Mustafe Sh. Cumar Geeddi
Maxamed Siciid Cabdillaahi
Cali Jaamac Maxamed
2- Guddida ilaalinta xuquuqda
Barkhad Maxamed Kaariye
Maxamed Cabdi Curad
Maxamed Axmed Jaamac
Nimco Samriye
3- Guddida maamulka iyo diiwaangelinta suxufiyiinta
Sahra Cabdiwahaab Sh. Axmed
Keyse Axmed Digaale- Togdheer
Cabdisalaan Xariir – Saaxil
Axmed Faarax Ilyaas – Sool
Cali Ismaaciil Aare – Awdal
Fg; Waxay guddida fullinta ee ururka Suxufiyiinta ee Solja isla garteen in uu Gobolka Sanaag Wakiil uga noqdo Cabdilaahi Xusseen Darwiish oo ka tirsan ururka, balse aan ka mid ahayn guddida fullintu.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *