Waxaa maanta dhacday ciyaar aad u adag oo ay iskaga hor yimaadeen labada gobol ee sanaag iyo hawd ciyaartaas oo ku dhamaatay 1-0 oo ay gobolka hawd ku guulaysaty ciyaartan oo aynu odhan karo waa ciyaartii ugu adkayd ciyaarihii dhacay waxaana wada ciyaaray labdii gobol
Marka aad u dib u jaleecdo ciyaartoyda ciyaarayey ciyaartii sanaag iyo hawd ciyaartoyda u ciyaareysey gobolka hawd waxay ahaayeen ciyaartoydii ka ciyaari jirey Hargeisa, balse waxay iyagu isku sheegayeen inay reer hawd yihiin. laakiin hadii ciyaartoydii Hargeisa sadex qaybood loo qaybiyey hawd, Hargeisa iyo gabiley ogsoonow wuxuba waa wixii Hargeisa ka ciyaari jirey markaa waxaa sanaag ka guuleystey ciyaartoydii reer Hargeisa ugu wanaagsanaa, balse ciyaaraha danbe reer Hargeisa waxaanu filaynaa in la is wada raacin doono oo ay Hargeisa si fudud bas ugu raaci doonaan insha Allaah…….
Iyagoo reer hargeisa ay isku deyayeen sidii ay koobka Hargeisa uga dejiyaan ayay yidhaahdeen koobka Burco halagu qabto waayo waxay ogaadeen in ay usoo baxeen ciyaartoy aad u farabadan oo ay iska kala dhigaan sadex gobol balse waxaan leeyahay haku riyoon koobku waa koob Bari yimi siduu uga noqdaana way adagtahay …………..
Abas A/rahman sa’eed
Nairobi, Kenya
Qaare_2008@hotmail.com