Waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 08.09.10 hallkan idinku soo gudbiyaa maqaal dheer oo aan kaga hadlaayo dhibaatooyinka aan kala go’a lahayn ee aniga iyo musaafiriinta kale ee ila midka ahi kala kulmaynay 10-kii sanno ee u danbeeyay shirkaddaha diyaaradaha
ee dalka ka shaqeeya iyo shaqaalaha madaaradda Somaliland xiliyada xagaaga ee aanu dalkayga hooyo iyo eheladayada soo booqano.
Sheekadan waxaan go’aansatay in aan ummadda u soo tebiyo kadib markii aan tijaabiyay diyaaraddaha dalka ka shaqeeya ee rakaabka qaada dhamaantood taas oo noqonaysa ceelna uma qodna ciidanna uma maqna. Intaas waxaa ii dheer anigoo ka afeefanayaa haddii maqaalkani cid damqo ama shakhsiyaad si toos ah u taabto in ay dulqaataan, waayo anigu Soodaanta maan keenin waxaan rabaa oo qudha in dhibkan laga war helo waxna laga qabto inshallah.
Waxaan kaloo Akhristayaasha ku boorinayaa in ay maqaalkan si fiican u akhristaan, isla markaana dhuuxaan oo wixii ka jira arintan ama iyagaba kala gudboonaaday in ay ka soo bixiyaan marag-fur, ciddii awood wax ka qabasho lehna doorkeeda kaga aadan ka soo dhalaashaa inshallah.
Akhristayaasha waxaan ka raali gelinayaa haddii maqaalkaygu dheeraado ama la fahmiwaayo maxaa yeelay waa kii iigu horeeyay ee aan abid saxaafadda ku soo bandhigo waxaana laga yaabaa in aan meelaha qaar yara cadho hadlo oo aan gocdo lugooyooyin iyo hagardaamooyin badan oo aniga iyo dadka ila midka ah lagula kacaayay sanooyin badan.
Dadkeena Qurbojooga ah laba Cali kuma muransana in ay yihiin laf dhabarta dhaqaale ee dalku ku tiirsan yahay waayo waa mishiinka ugu weyn ee marka dhoofka xoolaha laga yimaado dalkani ku wareego waxaana garan kara qof kasta oo caqli u saaxiiba, qofkii ganacsade ah ama inuun meherad ku xidhan oo waxay dhagahaagu ka maqlayaan goobaha ganacsiga siiba kuwa iibiya waxyaabaha daruuriga ah dumarka oo leh weli bilkii ayaan noo imane nagu sii qor waxaana marag kuugu filan in aad bil bilowgeed Xawaaladaha booqatid.
Qurbajoogu biilka reerahooda ka sakoow waxay ka qeyb qaataan dhinacyo badan oo bulshadeenu u oomantahay haday tahay dhinaca maalgashiga oo ay ka qeybqaateen inta ugu mugga weyn ee indhaheenu qabtaan markaynu joogno magaalooyinkeena waaweyn sida Hotellada, Wershadaha, Xawaaladaha, Isgaadhsiinta, Waxbarashada ,Shirkaddaha dhismaha, Kaluumaysiga , Xoolaha Beeraha iyo qaar kale oo aan halkan lagu soo koobi karin. Waxay kaloo ka qeyb-qaataan dhamaan qaadhaamada marka dalkii qeylo ka soo yeedho iyagoo wax ka dhisay goobo badan oo dan guud ah sida dibudhiska biriijyada, cusbataalada iskuulada, goobaha dadka xanuunsanaayo lagu hayo iwm.
Dadkan dalka imanaaya qaar baan arag dalka oo qurbaha ku dhashay maantana jira dhowr iyo labaatan weyn qaarna waxaa ugu danbaysay baa laga yaabaa rubuc qarni mudo ku dhow iyagoo mudooyin badan ku taamaayay in ay bal mar uun ciidoodii hooyo cagaha dhigaan ayna dhici karto in ay reera badani oo ku nool wadamada qaar sida wayooyiga America iyo meelo kale ay tacab ku tahay sida reerku ku wada yimaado dalkooda hooyo kharashka oo badan owgii, taasoo qofkii ay maruun u suuragasho fursadani uu dareemo farxad iyo rayn-rayn, laakiinse waxaa farxadii iyo hilowgii markaliya bedela cadho, daal iyo u qaadan waa ay durbadiiba kala kulmaan Madaarka Dubia oo ay waayaan cid ay la xidhiidhaan iyagoo isku meehanaabo oo jaran-jarooyinka gate 14ka ama sida hada laga dhigay gate 114ka marna kor u raaca marna hoos waxa kaliya ee ay markay mudo isku wareegaalaysaan ay ishoodu qabataa waa odeyga gashan jaakeedka yelowga ah ee meesha fog laga arko waana nin odeya oo aan dhinaca serviceka aan u fiicnayn laakin aad mooodo in dani wado wuxuuna madaarka u jooga diyaaradda African expresska magaciisana waxaa la yidhaah Maxamed ilkacase sida dadka qaar u yaqaanaan.
Markaad timaado airport dubai waxaad la kulmaysaa dadweynaha ku cadiban transit hallka madaarka oo qaarkood ay wiigag joogeen oo ay la yihiin cid qaada dadkan oo qaar diyaaradihii ka tegeen oo tigidhadii ay siteen la yidhi wax seat ah kuuma hayno qaarna diyaaradiihii yurub inta lagala soo daahay ay ka tegeen ayaa waxay kala wadataan ilaa 5 diyaaradood tigidhadood mana aha wax Odey Mohamed ka qancin kara oo siin kara su’aalaha ay dadku weydiinayaan xitaa haday ku saabsan tahay diyaarada uu u joogo Madaarka.
Adeer Daallo, Jubba ,Cosob war mow haysaa goorta ay baxayso?, telefoonadooda ma haysaa?, lacagta la leeyahay waa 84 $ oo calaa shandadbaa Shirkadda Marhabaa ka qaadanaysaa maxay tahay?Anagu transit baan nahaye iwm waa su’aalaha joogtada ee odey Mohamed ilkacase lagu boobo ileen tanoo kale Adeer anigu shirkaddahan aad sheegaysaan uma shaqeeyo ee hay wareerinina diyaaradeyduna waa African Express 4ta subaxnimayna baxaysaaaaaaaaaaaa inshallah!!!!.
Service- xumada dadkani kala kulmaan diyaaradaha dalkii u soo qaadaaya sida Daallo, Jubba, Africa Expres, Cosob iyo qaar kale oo iminks Saaxadda ka baxay oo ka shaqeeya Dubia ilaa Somaliland/Djabuti ilaa Somaliland iyo shaqaalaha madaaradda Hargeysa iyo berbera ee sidii BAHAL HIGLO RAQ HESHAY U BAHALOOBAY ee aan lahayn madax iyo mijo iyo meel loogu soo hagaago waxay dhaxalsiisay in dhalinyaro badan oo waalidkood sanooyin badan ku maaweelin jireen dalbaa leedihiin aan dib loo soo marsiinayn kareyn.
Dadkan dalka imanaayo ayaa sidaynu wada ognahay waxay isugu jiraan dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyagoo aad moodo in ay u badan yihiin dumar iyo caruur ay hayso dal-tabyo ay u dheer tahay hamuun iyo boholyow aan la soo koobi karin kana kala yimi meelo fog-fog oo daafaha dunida qaarkoodna aanay mudooyin badan cad-ceedba arag, hadaba safarka oo markiisa horeba ah mid dhib badan oo xitaa qofkii Alle soonkii ka dhaafay in uu soomo intuu safarka ku jiro ruqsadna loo siiyay in markuu gurigiisii tago qaleeyo, ayaa waxay ahayd in markay dalka imanayaan si hufan oo shaqqo wanaagnimo leh loo soo dhaweeyo shirkad diyaarad ahaan iyo shaqaalo madaar ahaanba waayo waa shaqadiinii masaafuriintu xaqqa idiin ku lahayd.
Qalinkii: Maxaamed Cumer Cillmi – Oslo, Norway
La Soco Qaybta 2aad……………..