Muqdisho(Araweelo News Network) Munaasibad si heer sare ah loo Agaasimay laguna xusayay Maalinta Madaxbanaadida Saxaafadda Caalamiga ee 3-da May ayaa ka dhacday maanta

Hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho. Munaasibaddan oo ay iska Kaashadeen Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo ARTICLE-19 waxa  kasoo qayb galy Siyaasiin, Guddiga Baarlamaanka u Qaabilsan Warfaafinta iyo Qaybaha Warbaahinta Magaalada Muqdisho ka qaybgala.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliyeed Nusoj Maxamed Ibraahim Bakistan oo ka hadlay munaasibadaa ayaa Hambalyo u diray dhamaan Saxafiyiinta Caalamka, isagoo u rajeeyay in Xuskaan Xuskiisa ay ku gaadhaan Nabad iyo iyo Horumar.

Maxamed Ibraahim Bakistaan waxa uu ka hadlay Taciyadda loo gaysto Saxafiyiinta Soomaaliyeed, wuxuuna  Sanadkii la soo dhaafay ku tilmaamay inuu ahaa Sanadkii ugu waxyeeleynta badnaa ee Saxafiyiinta ka hawl gasha Gudaha Soomaaliya. Xoghayaha Guud ee Nusoj ayaa tilmaamay in Saxafiyiinta qaarkood oo aanay  ilaalin Anshaxa Saxaafadda,  kuwaas oo uu sheegay in ay qoraan wax walba, balse  wuxuu uga digay Saxafiyiinta in ay Qoraan,  ama sheegaan warar aan xaqiiqa ahayn.

Sidoo kale Atrick Mutahi oo ka socda Difaacayaasha Xuquuqda Saxafiyiinta Article 19 oo ka qaybgalay xuska munaasibadaa ayaa sheegay inuu maanta si weyn ugu faraxsan yahay ka qaybgalka  Munaasiabadda Saxafiyiinta Soomaaliyeed,  isagoo ku sugan Magaalada Muqdisho.
Mr Mutahi ayaa ka hadlay Dhibaatooyinka soo gaadha Suxufiyiinta Soomaaliyeed, wuxuuna  tusaale  usoo qaatay tirada sanadkan oo keliya la dilay suxufiyiinta ka hawlgala Somalia, isagoo sheegay in Sanadkan oo keliya ay Geeryoodeen illaa afar Saxafi,  kuwaas oo ku nafwaayay iyagoo hawlahooda iyo waajibaadkooda saxafadeed gudanaya.

Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta Barlamaanka Soomaaliya. Xildhibaan Cabdi Xaashi oo isaguna ka hadlay munaasibadaa  ayaa tilmaamay  in Nidaamka Saxafinimada iyo Asluubta wanaagsan ee looga baahan yahay Saxafiga Soomaaliyeed,  isagoona ku taliyay in shaqada iyo Waddaninimada la isku lifaaqo.

Geba gebadii munaasibadaa wax aka hadlay Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Is gaadhsiinka Cabdishakuur Cali Mire oo ka hadlay Xidhiidhka  Wasaaradda iyo Wariyayaasha Madaxabanaan, wuxuuna  sheegay in ay  soo dhaweynayaan sidii wada shaqayn dhab ah ay u wada yeelan lahaayeen Wasaaradda iyo Warbaahinta Madaxabanaan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *