Waa Didar Hossain. Waa geesi danyar ah oo wadnihiisu aanu galawda aqoonin. Shilkii maantii dhawayd na, 35 qof buu badbaadiyay, saddex ayaamood na gurmad buu ku jiray

isagoo aan daqiiqad seexanin. Dadkii ku hoos jiray burburka ee uu badbaadiyay, saddex ka mid ah, midba gacan ama lug buu ka gooyay ka dib markii uu ka kicin kari waayay biro ku jiifay. Sida saaxiibadiisii dhawaan ku haligmay aqalka ka soo hor jeeda midka uu ka shaqeeyo, amaba, uu adoonka ka yahay, ayuu isna dharka ku tolaa warshad ay jeebwaynta Reer-Galbeedku dharka ka jilmataan. Dukaamada waawayn ee Primark oo UK ah, Loblaw oo Canada ah, iyo PWT oo Danish ka ah baa qaata dharkaas jaban, ee nafaha badan galaafta. Ilaahay uun baan isaga aqalkaas dumay ee lagu haligmay galinin, laakiin se halka uu joogaa middan waxba ma dhaanto.

Daqiiqad kasta ayay dumi kartaa, ama dab baa qabsan kara, meelo laga baxona ma laha. Intaas lama awoodi waayin, lamana garan waayin, sababtu waa se si kale. Waa dad sabool ah, amaba, saboolnimo dhaafay. Noloshoodu qiimo ma laha, geeridooduna kaba sii daran. Inta ay naftu ku jirto waa laga shaqaysiiyaa, hadii ay dhaaftona, waxa loo tilmaamaa xabaalaha, kuwa kale ee banaanka tuban na, boosaska banaanaaday ayaa la soo galiyaa. Haday boqolaal sidaas dayacaadu ku jirto u qudh-baxeen, waxa la heli karaa kumanaan kale, oo meesha duntay qudheeda kolka la yar kabkabo, hadana lagu xereeyo. Waxay shaqeeyaan maalintii saacado aad u badan, waxaana la siiyaa hal Dollar iyo dhawr senti maantiiba. Bishii waxay qataan $40, xuquuq kalena haba sheegin. Didder Husein wuxu ka mid yahay dadkaas shaqaalaha adoonta ah loogu yeedho (slave labour). Laba habeen hortood baan kula kulmay BBC da (World Service) iyadoo lagu waraysanaayo. wuxuu ka sheekaynaayay sidii ay wax u dhaceen, waanan amakaagay. Qof kastaa oo naf ku jirtaa wuu amakaagi lahaa dhab ahaan.

Hadaad la qabsan kari la’dahay qisada, aan tareenka kuu yar joojiyo. Meesha waxani ka dhacayaan waa Bangladesh. Wadankaas saboolka ah, ee dadkiisuna tirada ka batay, waxa goor kastaba ka dhaca, oo tii ugu dambaysayna laba usbuuc hortood ahayd, guryo iska duma, ama gubta, oo shaqaalaha ku jiraana ku haligmaan. Sheekadaas naxdinta leh, oo waliba soo noqnoqota, waxay isu egyihiin, oo siyaabo badan na ehel-wadaag u yihiin, qisada shilalka baabuurta ee Somaliland oo sanad kastaba dad tiro badani ku xasuuqmaan. Shilalku way dhacaan, laakiin wax kastaaba sabab buu leeyahay, sababaha qaarkood na, si sahlan, oo aad u sahlan baa wax looga qaban karaa, waa se hadii loo dhaqaaqo. Bal hadda u fiirso shilalka guryaha ee Bangaaliyiintu ay ku dhamaatay, iyo shilalka baabuurta ee Soomaalidu ku dhamaatay siday isugu eegyihiin.

24 kii bishii April ee hadda ina dhaaftay, waxa isku fadhiistay aqal sideed dabaq ka kooban, oo Rana Plaza lagu magacaabi jiray. Aqalkaas oo ku yaalay daabiyad yar, oo Savar la dhaho, oo ku taala duleedka magaalada caasimadda ah ee Dhaka, waxa ku jiray warshado yaryar oo dharka tola, dad badan oo danyar ahi na ka shaqeeyo. Shilkan waxa ku qudh baxay, inta ilaa hadda la ogyahay, 600 qof, kumanaan kalena dhaawacyo kala duwan baa soo gaadhay. Shilkaas waxa ka horeeyay kuwo kale oo badan, waxaana u darnaa mid ka dhacay aqalka shirkad iyaduna dharka tosha oo Tazreen Fashions la dhaho. Guryaha dumay sabab bay leeyihiin, cidi se waxba iskama waydiiso. Maantii uu dumaayay aqalku, waxa lagu arkay dilaacyo waawayn, kolkii shaqaaluhu ay walaac ka muujiyeen na, waxa lagu yidhi dhibaato ma jirto ee shaqada gala, kii gali waayana, waa la eryayaa. Shilku markuu dhacay, waxa la odhanayaa waa Amar Ilaahay, kadibna inta dib loo kabkabo aqalka, ayaa intii in leeg lagu xaraynayaa. Guryaha kale ee la mid ka ah, ee maalin kasta duma, qudhooda cidi hoos uma eegayso. Nin dawladda u hadlay wuxu sheegay, in dhismahaas dumay kolkii horeba sharci daro lagu disay. Wuxu sheegay in hadba dabaqyo badan la is kor saaray iyadoo aan la eegin inuu dhismuhu qaadi karo.

Taasi waa Bangladesh, halkaas ha noo joogto. U kaalay teena. Maalin kasta ma maqashaa baabuur haligantay, oo dad na ku dhamaaday? Haa, waa sidaas, qof kastaa wuu maqlaa, amaba ehelkiisa ayaaba ku dhamaaday, amaba, dirqi iyo tu fool adag baa Ilaahay ku caymiyay. Shilalkaas hadii sida guryaha Bangladish la dhaho waa Amar Ilaahay, oo la iska dhaafo waa sida imika dhacdee, waa shay, hadii la yidhaaho, maxay shilalkani u dhacayaan, wax se ma laga qaban karaa na waa shay kale. Somaliland waxan kula kulmay, in badan na maqlay iyadoo la leeyahay wadadaas jin baa fadhiya! Waa marmarsiinyo jaban dhab ahan. Waa marka aanay doonaynin cidina inay masuuliyad qaadato. Dadka doodahaas raqiiska ah sheega waxa ka mid ah darawalkii aniga saaxiibkay adeerkiis oo oday qurbaha ka tagay ah baabuurka u waday. Habeen iyo maalin buu soo jeeday oo qayilaayay, kadibna, safar buu galay, kolkaas buu wadada ku gam’ay, baabuurkiina gadoomay, dadkiina ku haligmeen wadaha mooyee.

Sida la ogyahay, caalamka oo dhan shilalka baabuurta ee ka dhaca, boqolkiiba sideetan (80%), iyo ka badan, waxa sabab buuxda u ah qalad aadame – (human error), Somaliland na waa la mid, waxay se kaga duwantahay, cid masuuliyad doonaysa inay qaadato ayaan jirin. Kolka caalamka kale la garab dhigo, dhulkeena baabuur badani ma joogto, safarro dhaadheer oo kumanaan KM ah na lama galo, laakiin intii yarayd ee meesha joogtay baa dadkii ku dhamaaday. Hadaan is idhaaho soo tiri inta anigu aan magacyadooda aqaano, ee jidkaas Hargeysa-Berbera ku shuf-beeshay oo qudha, dhawr goor bay iga gadman tiradu. Dhamaantood Ilaahay ha u naxariisto, laakiin se su’aal baa meeshan taala. Miyaynu diyaar u nahay inaan shilalkan badan wax ka barano?

Wadamada caalamka badankooda, waxa la ogaaday, sharciyo adag na laga soo saaray, inaanu baabuur-waduhu tel ka gacanta (mobile phone) ku hadli karin, fariin qoraal ah na diri karin isagoo wadada saaran. Waxa la ogaaday inuu isticmaalka mobile ku sababo shilal badan, khasaare badan ka dib na, go’aan baa laga gaadhay, waana laga raystay. Sidoo kale, waxa la ogaaday, in suunka kuraasta ku yaala (seat belt) oo la xidhaa ay halis badan daawo u tahay. Suun kaasi, oo aan dhulka Soomaalida iyo carabaha ba laga isticmaalini wuxu keenaa, kolka hore na loo sameeyayba, inuu qofka baabuurka saaran kursiga ku hayo, wax kasta oo dhacaba. Kolka baabuuradu ay is hirdiyaan, iyo xataa hadii baabuurka aad saarantahay joojiyaha xoog loo qabto ba, waxa jirta halis ah inuu qofka aan suunka xidhnayni muraayadda hore ka boodo. Taas macnaheedu waxa weeye, inay waxyaabo si sahlan loo samayn karaa nafo badan badbaadin karaan. Mobile ka oo isticmaalkiisa la joojiyo, dadka oo suumanka badbaadada goor kastaba xidha, tirada dadka baabuurta la saaraayo oo lagu xadido inta u baabuurku qaadi karo, si miyir qabta oo baabuurka loo wado, iwm, cidna kuma adka, caawimo debedeed iyo ictiraaf na uma baahna. Masuuliyiinta iyo dadka caadiga ah ba hadaad la sheekaysato, oo duruufaha lagu jiro kala hadasho, waxa badanka marmarsiiyo ahaan laguu siinayaa jawaabta ah – “Dee wadan la aqoonsanyahay miyaynu nahay!”

Isku soo duub, laba su’aalood, oo mataano ah baa muhiim ah in la is waydiiyo – Shilalka maxaa badankooda sababa, wax se ma laga qaban karaa? Labadaasu ma kala hadhi karaan hadii xal la doonaayo. Hadii kale na, waxaynu odhan, “Wadadaas jin baa fadhiya!”, Xaalkuna wuxu iska ahaan, – guri iska dumay, iyo baabuur iska gadoomay!

Qalinka: Maxamed Haaruun – mbiixi@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *