somcable1Hargeysa (Araweelo News Network) Shirkada SOMCABLE ee ku guulaysatay inay dalka keento kaybalka Internetka, ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay isticmaalka adeegga casri ah oo ah Fibre Optic oo ah internetka

 

xawaarihiisu aad u sarreeyo, kaas oo aan hore waddanka loogu hayn.
Shirkadda SOMCABLE ayaa adeegeeda internetka casriga ah ku soo bandhigtay carwada lixaad ee ganacsatada Somaliland oo muddo toddoba maalmood ah oo ay ka socon doonto huteelka Guuleed ee Hargeysa si bilaa lacag ah loogu adeegsan doono, iyadoo shaashado waawayn oo la dhigay meelo badan oo ka mid ah hoolka bandhigga ganacsiga ay ku shaqaynayaan internetkeeda.
somcable2Maareeyaha Guud ee Shirkada SOMCABLE Ibraahin Cali Yuusuf oo warbaahinta kula hadlay barxad ay ka fulinayaan adeeggooda internetka ee gudaha carwada, ayaa waxa uu yidhi, “Sidaad arkaysaan waxa idiin muuqata bandhigga quruxda badan ee shirkada SOMECABLE oo ka turjumaysa horumarka ay Somaliland gaadhay ee dhinca Fibre Optic oo ah Internet xawaarihiisu dheereynayo oo ilbidhiqsigiiba aad wax walba ku daawan karto, dhammaan xarunta guud ee carwada ganacsiga internedku waa bilaash ama bilaa lacag.
Internetkan aynu isticmaalayno wuxuu ka awood badan yahay ka caalamka lagu isticmaalo sida London ama New York, dabkan aad arkaysaan (xasow fara badan oo hillaac bixinayye) waa Fibre-ka ay shirkadda SOMCABLE dalka keentay, waana mid xawaarihiisu aad u sarreeyo.”
Mr. Ibraahim Cali waxa uu ugu bushaareeyey guud ahaan shacabka reer Somaliland inay dhawaan heli doonaan internetkan, “Waxaan bulshada reer Somaliland ugu bushaaraynayaa in ay sannadka cusub helayaan internet xawaarihiisu aad u sarreeyo oo ay ka haqab-beelayaan, waana fursad muhiim ah oo ay shirkadda SOMCABLE u keentay, runtii waxa ka faa’iidaysan doona dadka jecel waxbarashada iyo barashada caafimadka iyo waliba dhakhaatiirta aaddunka joogta oo dalkeena toos u la soo xidhiidhi doona, runtii waxa mahad leh ingineerada shirkadda SOMCABLE oo arrintaasi suurogaliyey,” ayuu yidhi Maareeyaha Guud ee shirkadda SOMCABLE Mr. Ibraahim Cali Yuusuf.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *