Waxaan halkan ku soo gudbinayaa maqaal xog-warran ah oo aan ugu talogalay in aan qurbo-joogga reer Somaliland ugu soo bandhigo sannadka cusub ee 2014 arrimo aad u xiiso badan oo dalka kusoo kordhay

labaatankii sannadood ee ugu dambeeyey, kuwaas oo khuseeya dhinacyo kala duwan oo nolosha bulshada ah, waana kuwan ee ka bogo:
1-                Adeegga ZAAD ee telefoonnada lacagaha laysugu diro oo aad u afnacay shacabka reer Somaliland, miyi iyo magaalana wada gaadhay
2-                Ciidammada qaranka oo loo qaybiyey daroojin soo saaray haybadda iyo quruxda ciidannimo.
3-                Mishiinnada kelyaha u sifeeya dadka buka oo markii ugu horreysay dalka la keenay
4-                Carruurta oo faraha waalidiinta ka baxday
5-                Ardayda dugsiyada oo iyagu u taliya macallimiinta, isla markaana jaan-gooya saacadaha waxbarashada
6-                Tagaasi yaryar baahi weyn loo qaybay oo dalka laga hirgeliyey, door weynna ka qaatay in dadweynuhu helaan gaadiid ay raacaan oo weliba qiimo jaban
7-                Baabuurta gurmadka deg-degga ah ee caafimaadka oo dalka aad loogu caawiyey si degdegna looga helayo inta badan magaalooyinka dalka
8-                Riyaha magaalooyinka oo lagu dulqaro lambarro telefoon, si haddii ay lumaan loola xidhiidho cidda leh
9-                Ragga oo khaatiyaan ka taagan, aadna u karaahiyeystay gabdhaha dawooyinka midabka beddela jidhkooda is-mariya
10-           In ay dalka yimaaddeen dad ajnebi ah oo isugu jira ganacsato, dhakhaatiir, samafalayaal, dalxiisayaal iyo kuwa kale
11-           Raxmaadkii iyo roobabkii sannadlaha ahaa oo teel-teel noqday
12-           Quruxdii iyo jamaalkii joogga dadka reer Somaliland caanka ku ahaayeen oo meesha ka baxay
13-           Xannuunada oo aad iyo aad u badatay sida kansarka, macaanka, dhiig-karka iyo AIDS-ka
14-           Mowtul-qaflaha oo batay iyo dadka oo shabaabnimo ku dhimanaya
15-           Masaajidada oo tiro beelay, balse koox-koox amma firqooyin loogu tukado
16-           Cillad joogto ah oo ku habsatay gaadiidka oo geerash walba buux-dhaafiyey
17-           Reer-magaalka iyo reer-miyiga oo aan muuqooda la kala garanayn
18-           Dhagaysigii heesaha oo aad u yaraaday iyo cajaladihii oo meesha ka baxay
19-           Meelihii bannaanaa ee carruurta yaryar kubbadda ku ciyaari jireen oo la wada dhisay
20-           Qiime-jab weyn oo ku dhacay lacagaha qalaad ee dalka laga isticmaalo
21-           Lacago kala duwan oo si caadi ah wax loogu kala iibsado
22-           Maceeshadda oo aad u adkaatay
23-           Isticmaalka qaadka iyo cunistiisa oo xadhkaha goostay
24-           Dhaqankii saddexda waqti wax la cuni jiray oo midkood meesha laga saaray sababo dhaqaale darteed
25-           Shaqo-la’aan baahsan oo dalka ka taagan
26-           Caano geel oo iibkooda safaf dhaadheer loogu jiro
27-           Geedka Garan-waaga oo wax-ka-qabashadiisii quus ku dhammaatay
28-           Dadka oo soo baranaya faa’iidada wax-wada-qabsigu leeyahay
29-           Dhoolla-caddayntii iyo kaftankii lagu yaqaanay bulshada reer Somaliland oo shiiqaya
30-           Baabuurta oo aad u tiro batay, dhibaatooyinkooduna sii kordheen
31-           Dareenkii dadweynaha oo aan kala jeclayn dhacdooyinka dalka gudihiisa iyo kuwa dibadaha ka dhaca
32-           Dadka da’doodu dhexdhexaadka tahay oo tiradoodu aad u korodhay
33-           Isticmaalka kelmado cusub oo dalka ku sii baahaya sida xaalad-abuur, iwm
34-           Dadka intooda ladan oo aad u isticmaala qalabka jimicsiga
35-           Kirada guryaha oo cirka isku shareertay
36-           Marfashyo casri ah oo nin iyo jaanni-gooni loo fadhiyo oo aan qofna qofka kale waxba weydiisanayn
37-           Raashinta iyo sharaabka dalka la keeno oo aad u tiro batay, tayadoodana aan cid hubin
38-           Dayn-raadis ka dhashay dhaqaalaha adkaaday dartii
39-           Magacyada loo bixiyo carruurta dhasha oo noqday qaar aan hore loo maqlal
40-           Dadkii aqoonta lahaa ee dibadaha wax ku soo bartay oo shaqo la’aan awgeed madluun ah
41-           Dharkii laga tolan jiray dawaarlayaasha oo aad u yaraaday
42-           Caanaha qaysacaydsan noocyadoodu badan yihiin oo dalka lagu soo fatahiyey
43-           Digaagii iyo riyihii magaalooyinka lagu dhaqan jiray oo meesha ka sii baxaya
44-           Maxkamadaha oo waxoogaa horumar ah ka sameeyey dhinacyada nabadgelyada iyo dacwad-qaadisaha
45-           Saacadaha iyo kaalkulaytarrada [calculator] wax lagu xisaabiyo oo meesha ka baxay
46-           Dadweynaha oo bartay inay dhistaan guryo qurux iyo bilic leh
47-           Faras-magaalaha Hargeysa oo isu beddelayo dhismeyaal dabaqyo ah
48-           Guurkii oo yaraaday arrimo dhaqaale awgeed
49-           Mahad-celinta oo bulshada aad ugu sii yaraanaysa
50-           Waddooyinka magaalooyinka iyo tuulooyinka oo askari-jiifa lagu taxay
51-           Odayaashii laga faa’iidaysan jiray taariikhda iyo dhaqanka oo meesha ka sii baxaya
52-           Jaamacadaha iyo dugsiyada hoose ee carruurta lagu ababiyo aad u tiro batay, qiimahoodana aanay danyartu awoodi Karin
53-           Cabashada waqtiga yaraaday oo dadka wada gaadhay
54-           Basaska dadweynuhu raacaan oo looga taag waayey inay raacaan nidaamka waddooyinka
55-           Dhuxusha oo yaraatay, qiimaheeduna cirka gaadhay
56-           Xaaluf iyo nabaad-guur baahsan oo dalka ku habsaday, xalna aan weli loo helin
57-           Nidaamka dhigaalka dhaqaalaha ee hagbadda loo yaqaan oo dadku aad u galaan waqtigan
58-           Dhakhaatiirta da’yarta ah ee jaamacadaha dalka ka baxay iyo kuwa dibadaha ka yimaad oo wax weyn ka taray baahidii caafimaadka ee dadweynaha
59-           Farsamayaqaannadii hore ee caanka ahaa oo meesha ka baxay iyo duul aan aqoon lahayn oo kaalintoodii buux-dhaafiyey
60-           Daawasha aflaamta musalsallada afka Soomaaliga ku tarjuman oo guri kasta aad loogu daawado, gaar ahaan dumarka iyo carruurta
61-           Korontada oo meel walba gaadhay iyo magaalo iyo miyiba
62-           Dumarka oo marka ay dibadda u baxayaan qaata dhar wada asturan
63-           Dadka qurbaha ka yimaad oo lala sugo qorsheyaal guur iyo abuurista fursado ganacsi
64-           Hadalkii asluubta iyo akhlaaqda wanaagsan ku dhisnaa oo dhallinyaradu tureen
65-           Madax-dhaqameedyada sida salaadiinta iyo boqorrada oo biyo-yaa-shuban noqday
66-           Buuggaagta afka Soomaaliga ku qoran oo batay
67-           Riwaayadihii la daawan jiray oo gebi ahaanba meesha ka baxay
68-           Ey tiro badan oo ku tarmay jidadka magaalooyinka dalka
69-           Qashinka iyo kudaafadda oo wehel u noqday caasimadda Hargeysa, wax weynna u dhimay bilicdii magaalada
70-           Xannuunnada isku-buuqa (stress) oo aad u kordhay
71-           Cadaygii iyo dacaskii magaalada lala dhexmari jiray oo la waayey
72-           Daawooyinka madax-xannuunka oo isticmaalkoodu aad u batay
73-           Muhaajiriinta qoomiyadda Oromada Itoobiya oo saddex-jibbaarmay
74-           Socdaalkii gelista Itoobiya oo la beddelay, laguna galo fiiso sharci ah
75-           Gu’ii shaalka ahaa ee bulshada reer Somaliland dhaqanka u lahaayeen oo laga ilbaxay
76-           Isticmaalka internetka oo aad iyo aad ugu faafay dalka
77-           Murankii dhulka ee laysku dili jiray oo si weyn hoos ugu dhacay
78-           Akhriska wargeysyada oo yaraaday iyo tiradooda oo aad u kordhay
79-           Tanaasulka iyo isu-dulqaadashada oo la soo baranayo
80-           Barashada diinta oo aad u xoogaysatay
81-           Ganacsiga muuska Soomaaliya ka yimaad oo aad u batay
82-           Siminnaarrada aan macnaha badan lahayn oo aad u kordhay
83-           Maxaabiista xabsiyada ku jira oo 90% yihiin dhallinyaro
84-           Miinooyinkii dhulka ku aasnaa oo dalka ka sii dhammaanaya
85-           Dumarka qaadka iibiya oo xannuuno kala ku dhaceen, sababo la xidhiidha fadhiga fadhiga badan iyo siigada suuqyada
86-           Dameerihii biyaha dhaamin jiray oo lagu beddelay baabuur yaryar
87-           Baahida dhakhaatiirta cudurrada maskaxda oo dalka ka taagan
88-           Cabashooyinka dadweynaha oo aad u batay, markastana ka hadlaya waxyaabaha ka maqan.
89-           Baahida riigagga biyaha soo saara oo badatay, gaar ahaan dhinaca waraabka beeraha
90-           Dalka oo dhan oo isu beddelaya beero, iyadoo meel walba dad iska ooteen oo xoolihii halis ku jiraan markii laga maanacay dhul-daaqsimeedkii
91-           Soo saarista shidaalka iyo macdanta oo hadal-hayntoodu aad u badatay
92-           Tirada dumarka xil-doonka ah oo maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaya
93-           Qabyaaladda oo aad u sii kordhaysa, dalkana ku wada baahday
94-           Noocyada mukhaadaraadka oo dalka ku soo kordhaya
95-           Raadinta caawimooyinka shisheeye iyo maalgashiga caalamiga ah oo ciidda ka batay
96-           Tirada dumarka jilbuhu xannuunayaan oo aad u korodhay
97-           Muranka arrimaha siyaasadda oo beelaysan oo sii xoogaystay
98-           Madarasadaha xifdiga qur’aanka kariimka oo tiro beelay
99-           Xikmaddii suugaanta, gaar ahaan curinta heesaha oo aad u daciiftay
100-      Dawarsadayaasha magaalooyinka dalka oo halkii ugu sarraysay gaadhay.
Qaybta 2aad
1-    Ganbadhkii lagu fadhiisan jiray oo laga tagay, laguna beddelay kuraas caag ah oo guri kasta iyo goob kasta yaal
2-    Hadalkii lagu kala dambayn jiray oo meesha ka baxay
3-    Dadka oo cudurka dhul-jacaylku aafeeyey
4-    Shaaha oo daasado lagu kariyo, kildhigiina laga guuray
5-    Indha-kuushii dumarku marsan jireen oo dabar go’day
6-    Guryihii dhulka sibidhka laga dhigi jiray oo marmar loo beddelay
7-    Tartannadii ciyaaraha oo aad u yaraaday
8-    Ganacsigii laba qaybood oo keliya ku soo ururay
9-    Munaasibadihii maamuuska hadalka lagu kala dambayn jiray oo sii gudhaya
10-                       Gabdhaha oo wiilasha ka batay
11-                       Dadka waqtigan nool oo nacay araarta dheer ee hadalka
12-                       Bulshada oo madax iyo minjo ka siman dhaliisha dawlad kastoo jirta, dalkana wax xun uun ka sheega markasta
13-                       Geela oo baabuur la saaro
14-                       Xayeysiisyada telefishannada dalku baahiyaan oo tiro beelay
15-                       Hooyo carruur agoon ah haysata oo ilaa saqda dhexe biilkooda suuqa u fadhida
16-                       Dumarka oo halgankii nolosha qoyska kaga wanaagsanaaday ragga
17-                       Xaasidka iyo xinka oo dalka ku sii batay
18-                       Guddiyada arrimaha gaarka ah loo xilsaaro oo marka hore warbixinahoodu bataan, balse aan wax natiijo ah soo saarin
19-                       Haamihii biyaha lagu shuban jiray ee tummaalladu samayn jireen oo lagu beddelay jirikaamo iyo foostooyin caag ah
20-                       Xidhiidhintii ehelka iyo qaraabada oo aad u daciiftay
21-                       Doodda iyo muranka arrimaha siyaasadda oo meel walba gaadhay miyi iyo magaalaba
22-                       Faynuuskii la shidan jiray oo gebi ahaanba meesha ka baxay
23-                       Waddooyin burbursan oo hareeraha marmar qurux badan laga dhigayo
24-                       Beenta, musuqa iyo khiyaamada oo xadhkaha goostay
25-                       Markhaati beenaalaha oo batay
26-                       Dhegaysigii idaacadaha reer galbeedka ee suuqyada oo aad u daciifay
27-                       Suqaarkii hudheellada ee cashayn jiray oo lagu qadeeyo
28-                       Haasaawaha telefoonka oo habeenkii la caadaystay
29-                       Isticmaalka mareegta FACEBOOK oo dhallinyaradu meherad ka dhigteen
30-                       Jaadkii miisaska lagu dul iibin jiray oo kolley loo rogay.
31-  Saamalaylkii habeenkii oo laga badow baxay
32-  Biyo la’aanta Hargeysa oo saamayn ku yeelatay Bulshada iyo qorshe la’aan weli jirta
33-  Odayaasha gaboobay oo dantu ku kelliftay in magaalooyinka laga saaro oo miyi la geeyo si ay uga nastaan saxmadda badan iyo guuxa gaadiidka xad-dhaafka noqday
34-  Inta badan guryaha magaalooyinka oo ay ka shaqeeyaan dad Itoobiyaan ah, kuwaas oo ka shaqeeya cunto-karinta ilaalinta aqallada laga maqan yahay
35-  Shaqooyinka dawladda iyo kuwii dadweynaha oo inta badan layska dhaxlo
36-  Dumarka oo ka ilbaxay shaqooyinka guriga saacado badan kaga lumaan, nolosha oo adkaatay darteed
37-  Musqulaha la kireeyo ee suuqyada oo dad badan ku reeyeen, gaar ahaan ganacsatada
38-  Dadweynaha oo iyagoo kaashanaya dawladda waddooyin badan oo laamiyo ah samaystay
39-  Fannaaniintii hore iyo ehelkii suugaanta ee waayadii hore aadka loo jeclaa oo aan immika wax qiime ah bulshada ku dhex lahayn
40-   Dadkii la odhan jiray Afmiishaarrada ee dadku dhegaysan jireen oo meesha ka baxay, kadib markii dadweynuhu kaalintaas wada buuxiyeen
41-  Beeralayda oo bartay faa’iidada biyo-xidheennadu u leeyihiin wax-soo-saarka beeraha
42-  Bulshada iyo dawladda oo marka dhibaato dhacdo xaaladda uun qaboojiya, laakiin aan xal rasmi ah oo dhammaystiran ka gaadhin arrinta dhacday
43-  Madarasadihii waababka ahaa ee xaafadaha laga dhex samayn jiray oo isu beddelay dhismeyaal cusub iyo carruurta oo basas guryahooda lagaga qaado subaxda hore, duhurkana dib loogu soo celiyo
44-  Madaxda dawladda oo ka shaqaysan kari la’ odayaal danahooda gaarka ah u socda oo xafiis walba taagan
45-  Idaacadaha dibadda oo batay, tartan xoogganna ka dhexeeyo
46-  Heesihii Kacaanka ee dawladdii Afweyne oo dad badan dhegaystaan, maqalkoodana dhagaha loo wada taago
47-  Isticmaalka malabka oo aad dalka ugu soo kordhay.

By: Rashiid Sulub Caalin, Tel: 063 4426781, Hargeysa, Somaliland
.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *