Oregon(ANN)Orodyahanka u dhashay Britain Mo Faarax ee haysta bilada dahabka ah ayaa laamaha sirdoonka dalka Maraykanka su’aalo ku weydiiyeen garoonka magaalada Portland ee gobolka Oregon. Mo Farah iyo qoyskiisa ayaa ka soo kicitimay dalka Canada, waxaana

Mo Farah loogu hakiyey arrimo la xidhiidha argagixisada oo su’aalo laga weydiiyey.

warbaahinta reer galbeedka ayaa dhacdada uu la kulmay  Mo Farah oo  ah ninka ciyaarihii Olympic ee sanadkan ku guulaystay labada biladood ee 5,000m iyo 10,000m, ayaan magaciisa iyo biladaha uu ku guulaystay aanay ka horjoogsan su’aalaha laga weydiinayo marka uu ka dego madaarada USA iyo Canada.Magaciisa iyo dhalashadiisa oo ah Somali, ayaa mar kasta loo qabtaa.

Mo ayaa sheegay in su’aalo dhowr ah ay weydiiyeen oo ay ka mid ahaayeen waxa uu ka yaqaan horjoogayaasha ururka al-shabaab, waxaana ay laga siidaayey garoonka markii uu muddo xayirnaa. Mo Farah oo 29 jir ah waxa uu u guuray Portland oo USA ah sanadkii hore, waxaana halkaa ku sugan tababarihiisa Alberto Salazar waana xarunta shirkada Nike ee uu heshiiska xayeysiiska ah kula jiro.

Somalida, ayaa guud ahaanba si weyn loogu xayiraa xuduudaha socdaalada ee USA iyo Canada, Mo Farah laftiisuna waxa uu sheegay in sababaha loo xayirayaa ay tahay Somalida uu ka soo jeedo. Isaga oo la hadlayey wargeyska the Sun Mo Farah waxa uu yidhi “ Ma Rumaysan karo waxay wadaan, laakiin waxaan u malaynayaa in wax markasta ay hayadaha Socdaalka ee USA laygu xanibayaa in ay tahay Somalida aan ka soo jeedo, sababta oo ah waan tusay cidda aan ahay, xitaa waxaan tusay biladihii aan ku guulaystay, laakiin may qaadan arrimahaas”.

Mo Farah markii ugu horaysay ee sidan oo kale loogu hakiyo laamaha socdaalka ee USA, sanadkii hore ayey sidan oo loogu hakiyey mar ay soo gelayeen USA. Sida uu sheegay Mo Farah markii uu doonayey inuu soo dego gobolka Oregon ee USA, intii aanu ka soo kicitimin Canada waxay laamaha baadhista ee USA u sheegeen in aanu ka bixin Canada muddo 90 maalmood gaadhaysa, sababtuna waxay ahayd in ay wadaan baadhitaan ah inuu xidhiidh la leeyahay argagixisada, hase ahaatee tababaraha Mo Farah, Salazar, ayaa xaliyey arrintaas markii uu la kaashaday xubin FBI-da oo isagu aad u daawada Orodada.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *