Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta qasriga madaxtooyada qado sharaf ugu sameeyey inta badan Salaadiinta Somaliland ee ku sugan caasimadda Hargeysa.

Kulankaa oo lagaga hadlay xaalada dalka iyo tabashooyinkii ka dhashay doorashada golayaasha deegaanka iyo sidii arrimaha qaranka meel looga soo wada jeesan lahaa, waxa Madaxweyne Siilaanyo ku weheliyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan C/Raxmaan oo kulankaa ka dib saxaafadda uga waramayay waxyaabaha ay madaxweynaha ka wada hadleen iyo ujeedada kulankooda ayaa sheegay inay isku waafaqeen sidii bulshadda la iskugu soo jiidi lahaa madaama oo ay dalka ka dhacday doorasho isla markaana ay xanafo kala duwani iska jiri karaan.

Suldaan Xasan waxa uu madaxweynaha uga mahad celiyay kulanka wada tashiga ah ee uu salaadiinta dalka ugu yeedhay, wuxuuna balan qaaday inay xukuumadda kala shaqaynayaan ilaalinta nabadgelyada dalka iyo danta guud.

“Waxaanu shacbigayaga gudo iyo dibadba aanu leenahay walaalo ayaad tihiin oo mid ayaad tihiin. Waxaanu leenahay qodax kasta oo jirta danta guud ayaa ka weyn. Somaliland oo ah raasamaalka kaliya ee aynu haysano mandaqad dogob ka qiiqayana ku dhex taalla waxaanu leenahay aynu adkaysano raasamaalkaasi oo yaanay inaga raacin doorashooyinka,”ayuu yidhi Suldaan Xasan.

Sidoo kale Suldaan Axmed Daahir Muuse oo ka hadlay kulanka ay la yeesheen madaxweynaha ayaa  uga mahad celiyay marti-qaadkaa, wuxuuna sheegay in Somaliland ay guulaysatay hase yeeshee aanay doorashooyinka ku guulaysan cid gaar ahi, maadaama ayuu yidhi  ay si nabad-gelyo  ah ku dhamaatay, wuxuuna dadweynaha iyo axsaabta ugu baaqay inay dhawraan qaranimadda Somaliland iyo Nabad-gelyadda caalamku ku majeerto.

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo isugna ka mid ahaa Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka la kulmay Madaxweynaha, ayaa sheegay inay madaxweynaha ka wada hadleen sidii loo ilaalin lahaa nabad-gelyadda dalka,  isla markaana danaha qaranka midnimo looga gudbi lahaa marxaladda xasaasiga ah, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Tartan ayaa la galay, tartankii lama wada soo baxaynin sadex uun baa soo baxayay. Sadex baa la sheegay inay guulaysteen. Intii kalena may guul-daraysan ee way tartameen. Waxaan leeyahay dulqaad ha la yeesho. Ninkii tartamay muu ceeboobin. Aduunkuna maalin qudha ma aha,”ayuu yidhi Suldaan Cismaan.
Waxa kale oo ka hadlay kulankaa Suldaan Naasir Cabdi Ismaaciil iyo Garaad C/Rashiid Garaad Ismaaciil oo ka mid ahaa Madax-dhaqameedka ka qaybgalay kulankaa.

Kulanka Madaxweynaha iyo Salaadiinta ayaa daba socday kulamo labadii maalmood ee u danbeeyay Madaxweyne Siilaanyo ku qaabilayay hogaamiyaasha sadexda xisbi ee kasoo baxay doorashadii golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacday 28 Nov, 2012 iyo hogaamiyayaasha Ururadii hadhay, taas oo ay aqbaleen casuumadda uu Madaxweyne Siilaanyo u fidiyay xalay Gudoomiyayaasha Rays iyo Dalsan, balse ay ku gacan saydheen Xaqsoor iyo Ummada.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *