Waxa beryahan danbe goobaha internet-ka ku soo badanaya “wargaysyo” huwan go’a saxaafadda, laakiin habka ay u shaqeeyaan iyo maqaallada ay xambaaraan ay aad uga fog yihiin qawaaniinta caalamiga ah ee ay saxaafaddu leedahay. Wargaysyada iyo mareegaha

sheekooyinka aan jirin abuuraa waxa ay dhibaatooyinka ay u keeni karaan bulshada iyo samo ku noolaantooda.

Saxaafaddu waxay ka mid tahay afarta awoodood ee ka jira bulsho kasta oo isticmaasha nidaamka dimuquraadiyadda.  Saddexda awoodood (Trias politica) ee kale, oo uu aabbe u yahay Charles Montesquieu oo ahaa filosoof Faransiis ah, noolaana qarnigii 17-naad, ayaa waxay kala yihiin;

I. Dawladda oo ka kooban madaxwaynaha iyo wasiirradiisa, awooddooduna tahay soo saarka qawaaniniinta iyo maamulka dalka.
II. Baarlamanka shacabku soo duurtay oo uu Montesquieu ugu talogalay  inay ilaaliyaan dawladda oo ay eegaan qawaaninta dawladda iyo habka ay wax u maamulayaan in tayo u leeyihiin bulshada.
III.  Awoodda saddexaad waa maxkamadda ka madaxbannaan labadan awoodood ee dusha ku qoran.

Haddaba waxa marka la eego dawladaha ku dhaqma nidaamka dimuquraadiyadda ay barlamaanka ku adkaatay (sababo kala duwan awgood) inay xilkoodii kormeer iyo ilaalineed ee dawladda ay si fiican uga soo bixi kari waayeen.

Jagada halkaa ka bannaanaatay waxa buuxiyay saxaafad bulshada si madaxbannaan ugu adeegta, ilaalisana in siyaasadda iyo wax qabadka dawladdu aanay noqon mid dhibaato u keenta bulshada. Arrintani waxay saxaafadda u suurto gelisay markay hanteen kalsoonida bulshada in saxaafaddu noqoto awooddii afraad ee nidaamkan dimuquraadiyadda. Waxaana la odhan karaa in waqtigan hadda la joogo ay saxaafaddu ka xoog badan tahay saddexda awoodood ee uu Montesquieu qarnigii 17 naad indhaha ku hayay.

Haddaba si aan saxaafaddu u waayin ixtiraamka iyo kalsoonida bulshada waxay isa saartay mabaadii ilaalinaya anshaxa saxaafadda. Mabaadiidaa labadu ugu mihiimsani waxa weeye;
   I. In la sugi karo isha ay ka soo baxday qoraalka ay saxaafaddu baahisay.

  II. In qoraaga maqaalku fursad ay isku difaacaan siiyo shakhsiga ama shirkadda uu wax ka qorayo.

Nasiib darro waxaad mooddaa in “wargaysyo” Somaliland ka soo baxa ama ay soo saaran dad Somaliland u dhashay aanay ixtiraamayn labadan qodob ee dul ku qoran.
Haddaan tusaale idin siiyo waa kuwan saddex maqaal oo aan toddobaadkii ina dhaafay ka akhriyay “wargayska Waaheen”;

   I.  Deegaan ka mid ah kuwa  ka soo jeeda Somaliland oo xidhiidh la leh argagixisada ka dagaalanta Koonfurta Soomaaliya, kuna shira hudheel ku yaal Hargaysa’

Sidee bay suurta-gal u tahay in qabiil dhan ay goostaan inay xidhiidh la yeeshaan argagixiso? Ma se hayaa wax caddayn ah iyo isha wareed ee xujadiisa xaqiijinaysa?  Ma siiyay qoraagu qabiilkan iyo mulkilaha hudheelka fursad ay isku difaacaan?

Su’aalahan jawaabteedu waa maya. Taasuna waxay ku tusaysaa in qoraaga maqaalkani uu aad uga fogaaday anshaxa saxaafadda iyo suxufiyeennimada. Markaa waxaynu is waydiin karnaa “saxifiga” maqaal kan qoray muxuu yahay hadafkiisu?

  II. ‘Somaliland ma waxay madaxwayne u dooratay mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo mise gobolkiisa’
Mar labaad waxaynu is waydiin karaa suurta-gal ma tahay in gogolka  madaxwayne Siilaanyo ka soo jeedo ay dhamaantood isu arkaan inay awoodda dalka Somaliland haystaan ama keenay qoraaga maqaalku wax uu taas ku caddaynayo?. Mar labaad waxaan is waydiin karnaa; Ma siiyay qoraagu dadka deegaankaa  iyo madaxweynaha fursad ay isku difaacaan?
Mar labaad su’aalahan  jawaabteedu waa maya. Mar kale waxaynu iswaydiin karnaa; “saxafiga” maqaal kan qoray maxuu yahay hadafkiisu?

III. ‘An Ounce of Pride, Do not go to Hargeisa Airport’

Maqaalkan oo lagu daabacay Afka Ingiriisiga ayaa wuxuu ka hadlayay  ammaan darrada ka jirta Airport- ka Hargaysa isaga oo qoraagu Airport- ka Hargaysa barbar dhigaya Airport-yada caalamiga ah ee adduunka.

Mar saddexaad waxaynu iswaydiin karnaa; Ma siiyay qoraagu hay’adda Airport-ka Hargaysa maamusha fursad ay isku difaacan ma se keenay wax caddayn ah oo uu warkiisa ku salaynayo? Jawaabtu mar saddexaad waa maya.

Sidaan qabo waxay saddexdantusaale ina tusayaan sida qaar ka mid ah  “wargaysyada”  Somaliland ay ugu xadgudbayaan anshaxa saxaafadda. Waxan kaloo qabaa in hadafka qudha ee ay leeyihiin uu yahay khalkhal gelin bulshada Somaliland iyo dimuqaraadiyadda da’da yar ee hadda uun hanaqaadaysa.

Sidee qanuun ahaan la isaga difaaci karaa saxafiyiinta iyo saxaafaddan aan qaddarinayn anshaxa saxaafadeed?

Waxa aniga ila habboon in mar haddii aynu nahay bulsho rabta inay ku dhaqanto nidaamka dimuquraadiyadda in aan saxaafadda iyo saxafiyiinta ku xadgudbaya anshaxa saxaafadda loo adeegsan qanuunka (criminal law) oo aan boolisku soo xidh xidhin.

Waxaan aaminsanay in ay habboon tahay in dadkan saxaafadda iyo saxafiyiinta magacooda sida foosha xun u isticmaalaya lala tiigsan karo qanuunka rayidka (civil law). Meel kasta oo ay joogaanba waxa maxkamadda rayidka ahi waydiin kartaa su’aal fudud oo ah; ma caddayn kartaa in waxa ku qoran maqaalkaaga uu run yahay?.  Haddii uu qofkani taa cadayn kari waayo wuxuu xaakimku ku dhawaaqi karaa xukun u dhexeeya xaal-marin qoraal ah
(rectification) ama bixin lacag magdhaw ah (libel cash).  

Qore: Qaasim Haybe Qaalib,
Holland
q.qaleb@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *