Somaliland waxay saldhig u noqotay Shirkaddo dambiilayaal ah oo ku takhasuusay xaalufinta Kheyraadka dabiiciga ah Sumeynta badaha iyo guud ahaan

deegaanka oo ay masuul ka yihiin calooshood u shaqeystayaal dambiilayaal ah oo ka kala yimi dunidda daafaheeda.

Sida ay qoreen Shabakaddo ay gaar u leeyihiin Shirkadahaasi ayaa waxay muujinayaan in shirkadduhu heshiis la galeen Xukuumaddaha Somaliland iyo Puntland ayna sahamin ku sameynayaan qeybo ka mid ah dhul badeedka, iyagoo shidaal baadhis heshiis kula galay iyo soo saarista Macdanaha Gemstones, Emerald, Ruby, Saphire, Copper, Tin, Coal iyo Heavy mineral Sands oo macdanta danbe laga helo halka ay badda iyo berrigu iska galaan, dhamaantoodna dalkeenu ilaahay ku manaystay.

Sidoo kale Shirkadahan iyo Cilmi baadhisyo ay kaga hadleen heshiisyada ay galeen oo ku macneeyeen iney aad ugu faraxsan yihiin, xidhiidhkooduna aanu iminka bilaabmin ee 10 kii sanno ee u danbeeyey socday.

Waxana daliil cad ah in la boobayo amaba la baneysanayo in kheyraadka shacabka ay xaqa u leeyihiin duulaan lagu yahay, cidina ka war qabin dhibaatadan soo food saartay Kheyraadkeenii dihinaa aynuna weligeen ku faani jirney uu noqdo xaaluf.

Prof.

Mohamed Ahmed Farah Mattan (Jaafaa)

Nairobi, Kenya

jaafaa66@yahoo.no

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *