Hargeysa (Araweelo News Network)Tartanka Qur’aanka Kariimka ee bisha Ramadaan lagu qabto caasimadda dalka ee Hargeysa, ayaa si rasmi ah

shalay loo soo gabogabeeyey, isla markaana loo bixiyey abaalmarinno qaali ah oo ay ku guulaysteen ardaydii ugu sarraysay.

Tartanka Qur’aanka oo ay mar walba maalgeliso shirkadda Dahabshiil Group oo sannadkan arday tiradoodu tahay ilaa toddobaatan ku tartamayeen laba qaybood oo kala ah 30-ka Jus iyo 15 jus waxa lagu soo khatimay xaflad galabnimadii shalay lagu qabtay masaajidka wayn ee Cali Mataan oo ay ka qaybgaleen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, culimada waawayn ee dalka iyo boqolaal dadweyne ah, taas oo si toos ah shirkadda isgaadhsiinta ee SOMTEL uga baahinaysay telefishanka Qaranka oo sahlay in adduunka oo dhan laga daawado.

Sheekh Maxamed Aadan Muxumed oo ka mid ahaa qabanqaabiyayaasha tartankan ayaa halkaasi kaga dhawaaqay in tartankan oo ardayda ka qaybgalay ka kala yimaadeen dhammaan lixda gobol ee Somaliland uu ahaa mid aad u adag oo ardaydu aad isugu dhawaayeen xagga dhibcaha, balse ay ku guulaysteen arday oo lix ka mid ahi ku tartamayeen 30-ka jus, halka saddexda kalena ka soo baxeen ardaydii 15-ka jus ku tartamaysay.

Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Ismaaciil Dheeg), Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir iyo Sheekh Cabdiraxmaan Axmed oo dhammaantood ka mid ah guddiga tartankan qiimaynaysay, ayaa hadallo ay xafladdaasi ka jeediyeen kaga warramay qiimaha uu leeyahay Qur’aanka Kariimku iyo faa’iidooyinka ku jira ku tartankiisa oo ay ku tilmaameen waynayn ajar iyo fadli fara badan lagaga helayo xagga Alleh, isla markaana barbaarin wanaagsan iyo dhiirigelinba u ah dhallinyarada soo koraysa iyo guud ahaan shacabkaba. Waxa kale oo culimadu ku ammaaneen shirkadda Dahabshiil taageerada ay la garab taagan tahay tartanka Qur’aanka ah, iyagoo ugu duceeyey in Alle u barakeeyo maalka ay sannad walba ku bixiso tartankan.

Maareeyaha Xawaaladda iyo Sarrifka ee shirkadda Dahabshiil Mr. Cabdiraxmaan Cali Cabdi oo madasha ka hadlay, ayaa ku hambalyeeyey culimada iyo ardayda tartanka Qur’aanka Kariimka, isagoo ballanqaaday in shirkaddu mar walba sii wadi doonto taageerida tartanka oo muddo dhawr iyo toban sanno ah soo waday.

“Shirkadda Dahabshiil muddo ilaa dhawr iyo toban sanno ah ayey soo waday khayrkan, waxa meel lagu bixiyana waxa ugu khayr badan Qur’aanka Kariimka ah, waxaannuna ballanqaadaynaa in aannu halkaa ka sii libinlaabi doono. Abaalmarinta tartanka waqtiba heer buu joogay oo marbaa Kitaabka Qur’aanka ah iyo lacag uun la bixinayey, mar kale moobillo ayaa la bixin jiray, mar waxa la bixinayey kitaabo lagu akhriyayo qalab electaroonik ah, maantana waxa la marayaa kombiyuutar laabtoob ah, markan marka ka dambaysana Isha Allaahu waxaan rajaynayaa in aynu wax ka wayn intaaba oo dhallinyarada ku tartamaysaa ay ku farxaan gaadhsiinno. Shirkad ahaan khayrkan aannu fulinaynaa nagama aha wax kale ee Ilaahay dartii ayaanu u samaynaynaa,” ayuu yidhi Mr. Cabdiraxmaan Cali Cabdi.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo gunnaanadkii xafladdaasi ka hadlay, ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay tartankan Qur’aanka Kariimka oo uu sheegay inuu yahay waynayn iyo karaamayn uu Ilaahay kor inoogu qaadayo ummad ahaan. Waxa kale oo uu hambalyeeyey ardayda ka qaybgashay tartanka, gaar ahaan kuwa ku guulaystay, waalidiintooda iyo macallimiinta ku soo tabcay ee Qur’aanka soo baray.

Wasiirku waxa uu u mahadceliyey shirkadda Dahabshiil, waxaannu yidhi, “Waxaan aad iyo aad uga mahadcelinayaa shirkadda Dahabshiil oo iyadu dadkan ku dhiirigelisay in Kitaabka Qur’aanka lagu tartamo oo la wayneeyo ama la sharfo, waa ta keentay in arday inaga mid ahi u baxaan dibadaha oo qaarkood ku guulaystay abaalmarino caalami ah, kuwa kalena ay iminka diyaar u yihiin inay u baxaan si ay uga qaybqaataan abaalmarinno dibaddaha lagu bixinayo.”

Waxa kale oo uu halkaasi kaga dhawaaqay in 15-ka bishan Ramadaan uu furmi doono tartan Qur’aanka Kariimka ah oo uu maalgelinayo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaas oo abaalmarinno sare lagu bixin doono.

“Tartankii Qur’aanka Kariimka ah ee Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo ah tii u horreysay ee aannu dalka ka bilowno, wasaaradda Diinta iyo Awqaaftuna ka shaqaysay, waxaannad arki doontaan abaalmarinno qaali ah oo baabuuri ku jirto in aannu keenno,” ayuu yidhi Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed.

Gabogabadii waxa halkaasi abaalmarinno qaali ah oo isugu jirta kombiyuutar labtoob u gaar ah ardayga kaalinta kowaad u galay 30-ka jus iyo kitaabo Qur’aan ah, saacado, rikoodho, cadaarro, shahaadooyin iyo lacag doollar ah oo qadarkeedu u dhexeeyo toddoba boqol ilaa laba boqol oo doollar la siiyey dhammaan sagaal arday oo isugu jira lixdii arday ee ugu sarreeyey tartanka 30-ka Jus iyo saddexdii ugu horreeyey ardayda ku tartamaysay 15-ka jus.

jaamac132@gamil.com
info@araweelonews.com
What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *