Xafladdan oo ahayd mid kulmisay bulshada qaybaheeda kala duwan , waxaa ka qeyb galay masuuliyiin tiro badan, aqoonyahno, cuqaal, culimo-awdiin uu ugu horeeyo, guddoomiyaha gobolka saraar Ibrahim Hassan Ali (gucure), taliyaha ciidanka bileyska gobolka saraar Jaamac Guud Cadde, guddppmiyaha degmada Oog Cabdinaasir Cabdisalaan Cabdi, dhamaan masuuliyiintaa ayaa aad u soo dhaweeyey xafiiska cusub ee shirkada somtel ee magaalada Oog, waxaanay sheegeen in baahi badan loo qabay xafiiska xadhiga laga jaray
maayerka degmada Oog Cabdinaasir Cabdisalaan Cabdi oo ka hadlay munaasibadaa, ayaa soo dhoweeyay imaanshaha shirkadda somtel, isla markaana uga mahadnaqay adeegyadan cusub ee ay ka hirgelisay magaalada.
madaxa xidhiidhka gobollada ee shirkadda somtel Aadan Cabdullahi Cabdalle,ayaa halkaa ka sheegay adeegyada shirkada somtel u qabato bulshada, isagoo yidhi,
“shirkada somtel waad ogtihiin waa shirkad curdin ah hadana alle mahadii mudadaas yar waxay gaadhay dalka oo dhan, shirkada somtel waxay bulshada u qabataa adeegyo fara badan adeegydaas waxay isugu jiraan adeegayada telefoonada, fixed line wireless oo ah adeega adduunyadu hada isticmaasho iyo waliba adeega internet-ka oo xawaarihiisu sareeyo.
waxaa Aadan Cabdulahi Cabdlle tusaale u soo qaatay internet-ka oo uu sheegay inay reer Oog markhaati ka yihiin inay somtel tahay shirkada kaliya ee ciyaarihii gobolada u soo daysay si toos ah si ay shirkadu u dhiiri galiso da’yarta.
Aadan Cabdulahi Cabdalle isaga oo hadalkiisii sii wata waxaa uu yidhi “walaalayaal waxaad ka warqabtaan in shirkada somtel ka timi bulshada una timi bulshada
madaxa war baahinta ee shirkadda Somtel Abdinaasir Cumar Cilmi i (Naasir Dheere),
madaxa suuqgeynta ee xafiiska Somtel Burco Cali ismaaciil Cusman iyo mas`uuliyiin kale oo aad u tiro badan ayaa iyana halkaas ka soo jeediyey hadalo qiimo badnaa oo isugu jira sharaxaada adeegyda shirkadu u hayso bulshada iyo waliba mahadnaq ay u mahad celiyeen dhmaanba marti sharaftii ka soo qayb gashay xaflada furitaanka xafiiska Oog
Waxaa sidoo kale ka hadlay xafladdaasi oday ku hadlayey afka deegaanka , waxaana oday dhaqmeedkani u mahad celiyey shirkada somtel iyo waliba shirkada caanka ah ee dahabshiil waxaana uu sheegay inay deegaanku soo dhawaynyaan shirkada somtel
Ugu dambeyntii waxaa xafladdaasi soo xidhay badhasaabka gobolka saraar Ibrahim Hassan Ali waxaa ku nuux nuuxsaday in shirkadda somtel ay tahay shirkadaha ugu wax qabadka badan dhinaca adeegyada bulshada iyo waliba dhiirigalinta da’yarta
Waxaa kale oo badhasaabku tilmaamay in loo baahanyahay tartanka shirkadaha is gaadhsiinta, waxaa uu xusay badhasaabku in mar kasta oo ay shirkad cusub soo korodho ay bulshada dan u tahay, guddoomiyaha waxaa uu amaanay shirakdda somtel dadaalka ay ugu jirto in markasta macaamiisheeda u soo gudbiso adeegyo casri ah
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com