Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha shirkadda Dahabshiil Maxamed Siciid Ducaale, ayaa manta  soo gebogabeeyey tababar u socday masuuliyiinta shirkadda ee laamaha gudaha ee Somaliland iyo Soomaaliya.Tababarkan oo muddo shan maalmood ah ka socday huteelka Maansoor ee magaalada

 

Hargeysa,
waxa uu ku saabsanaa maamulka wanaagga, ilaalinta iyo tixgelinta macaamiisha iyo weliba ilaalinta nidaamka xawilaadda lacagaha ee shirkaddu ka shaqayso.
Xafladii xidhitaanka tababarka waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha shirkadda Dahabshiil Maxamed Siciid Ducaale, Maareyayaasha qaybaha kala duwan ee shirkadda iyo marti sharaf kale, waxaanna halkaasi shahaadooyin lagu guddoonsiiyey masuuliyiinta tababarka dhammaystay.
Maareeyaha Xawaaladda iyo Sarrifka Mr. Cabdiraxmaan Cali Cabdi oo xidhitaankii tababarka ka hadlay, ayaa sheegay in wakiillada loo qabtay tababarku ay yihiin tiirarka shirkadda ee ugu muhiimsan xafiisyada gudaha, isla markaana si ay shaqadoodu u sii fiicaanto loogu talogalay tababarkan.
“Waxa kale oo jirta qiimayn aannu ku samaynay dhinaca macaamiisha sida ay ugu adeegayaan, waxba isma dheera ee dhammaantood shaqo wanaagsan ayey hayaan, laakiin markii aannu qiimayn samaynay ee aanu guddi u saarnay saddexdii laamood ee u horreeyey ayaa halkan shahaado lagu guddoonsiin doonaa,” ayuu yidhi Mr. Cabdiraxmaan Cali Cabdi.


Waxa kale oo Maareeyuhu tilmaamay inay dhawaan hirgelin doonaan qorshayaal lagu horumarinayo laamaha shirkadda, si ay u ilaaliyaan adeeg wanaagsan ee ay bulshada u hayaan iyo horumarka shirkadda.


Guddoomiyaha shirkadda Dahabshiil  Maxamed Siciid Ducaale oo xidhitaankii xafladda hadal ka jeediyey, ayaa ka hadalay arrimo kala duwan oo la xidhiidha shaqada shirkadda, heerarkii ay soo martay iyo weliba taakulada shirkaddu ka qaadanayso abaarta ba’an ee ka taagan dalka Soomaaliya.
Ugu horreyn waxa uu ka hadlay xaaladda abaarta iyo taakulada shirkadda, waxaannu yidhi, “Walaalayaal runtii maanta waxaan ka xumahay oo aan ka muragaysanahay masiibadda ka jirta Koonfurta Soomaaliya oo rag badan oo halkan joogaana ka yimaadeen, waxaan leeyahay waar aynu isxilqaano oo aynu u gurmano, shirkaddu doorkeedii way bixinaysaa oo Nairobi oo aan ka imina wax baan kaga dhawaaqay.
Shaqaalaha ee Hargeysa iyo guud ahaan  laamaha kaleba waxaan idinka codsanayaa in aad mushaharkiina qayb ka mid ah rubuc keliya aad ku soo dartaan waxa shirkaddu bixinayo oo aynu  ugu deeqno dadka dhibaatada abaartu haleeshay.”
Guddoomiyuhu waxa uu iftiimiyey heerarkii adkaa ee shirkadda uu la soo maray oo dhib iyo culays lahaa, isagoo taa barbardhigay heerka wakhtigan shirkaddu marayso ee tiknolajiga ugu dambeeyey sida adeegyada 3G iyo e-Dahab oo dhawaan la filayo in shirkaddu hirgeliso.
“Shaqadu waxay ka bilaabantaa boqol ama laba boqol oo shirkadda loo dhiibo waxaanay ku dhammaataa qof loo dhiibay iyo mid bixiyey, haddii aanay labadaas qof jirin qofkii lacagta lahaana aanay gaadhin waxaad moodaa in aanay suurtagelin wixii aynu u soconay,” ayuu yidhi Maxamed Siciid.
Guddoomiye Maxamed Siciid waxa uu dardaaran faray shaqaalaha shirkadda ee tababarka dhammaystay, waxaannu yidhi, “Waxaan idinku boogaadinayaa walaalayaal waxa dunida jira sharciyo cusub oo shaqadeena khuseeya, waxa jira budhcad-badeed, maadaama ay arrimahaasi jiraan waa in aynu innaguna is ilaalinayo oo haddii xafiis keliya ama qof keliya khaldamo ogaada in aanay halkaa ku joogsanmayso.
Waar dunidii sharcigeedii adkaaye shaqadii adkeeya oo masuuliyad wayn muujiya, sharciga caalamiga ah waa in aynu ilaalino, waayo shirkad caalami ah ayeynu nahay ee ma nihin shirkad gobol ama dal keliya joogta, waa in aynu la socono shuruucda iyo waxyaabaha shuruucda dawlaha jebinaya. Anniga oo huba in hubin badan uu soo maro 100-ka doollar ee idiin yimaadaa, haddana waa in aad idinkuna ilaalisaan.”
“Waxaad tihiin raggii shirkadda laf-dhabarka u ahaa ee shaqada waday, waxaad tihiin raggii hawsha iyo dhibta u soo dhabar adaygay ee soo bilaabay ilaa iminka wada, ta aynu u sii soconaana waa tii aad wadeen oo la sii casriyeeyey oo noqotay telefoon ama baan. Meel shaqo ka socoto khalad wuu dhacayaa oo lama odhan karo ma dhacayo, laakiin waa inuu yaraado.”
Waxa kale oo Guddoomiyaha Dahabshiil ka hadlay tartanka suuqa ganacsiga ee shirkaddu ku jirto, waxaannu xusay in uu yahay mid xalaal ah, “Tartan baa jira oo rag baa idina tartamaya, laakiin tartanku waa inuu noqdo mid hufan oo xalaal ah ee yaanu noqon mid  haddiii aannu tartan jirin waynu is dhiganaynaaso, waynu naqaanaa dhaqankeena oo haddii aad maqaaxi shaaha aad ku iibiso mid kale ayaa lagaa garab-furayaa.
Anigu waxaan ka soo bilaabay dukaan yar oo shaaha iyo fooxa aan ku iibin jiray, waxaynu doonaynaa in aynu tartan oo aynu si wanaagsan u tartano oo aynu weelkeenii samaysano, shirkadduna inay socoto oo ballanqaadkeedu hirgallo annigana xagayga waxba igu baaqi maaha.”
Guddoomiyuhu waxa uu u mahadnaqay masuuliyiinta shirkadda ee soo qabanqaabiyey tababarka iyo weliba wakiillada laamaha shirkadda ee ka qaybqaadanayey.
Gebogabadii waxa halkaasi shahaadooyin lagu guddoonsiiyey shaqaalaha shirkadda ee tababarka loo soo xidhay iyo weliba saddexda laamood ee Boorama, Balladweyn iyo Hargeysa oo sida ay u kala horreeyaan qiimayn lagu sameeyey adeegga laamaha shirkadda noqday kuwii ugu horreeyey.
Xafladda xidhitaanka tababarka waxa kale oo iyaguna ka hadlay Xidhiidhiyihii tababarka Mr. Caynaanshe iyo Xaaji Cismaan Dhagaxow Aruuro oo ah wakiilka laanta Balladweyne ee shirkadda Dahabshiil oo ay ku hadlay afka masuuliyiinta tababarka loo soo gebogabeeyey, kaas oo u mahadceliyey shirkadda Dahabshiil tababarka loo qabtay oo uu sheegay inuu ahaa mid faa’iidooyin badan lahaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *