Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha shirkadda Dahabshiil Group Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, ayaa markii ugu horaysay si rasmiya shaaca uga qaaday inay shirkad ahaan ka qayb-qaadanayaan gurmadka lagu samata-bixinayo dadka abaaraha iyo macaluushu ku habsadeen ee Somaliya. Guddoomiyaha ayaa

sidaa  ka sheegay

tababar uu shalay Hargeysa ugu soo xidhayey wakiillada shirkadda ee dalka gudihiisa, isaga oo tilmaamay in gobolada dhexe ee Somaliya iyo ee deegaannada kale ee ku xeeran-ba inay ku habsatay abaar aad u daran, “Dadkii aynu u shaqayn jirnay ee aynu lacagta siin jirnay waxa aan u malaynayaa haddii aan ka imi bariga afrika ‘east Afrika’ inaan meeshaba cidiba ku hadhin ee laga hayaamay oo abaartii ay kaxaysay, yeelkeede halka ay joogaan ayaynu kaga daba tegi doonaa oo halkaaba awal xafiisyo ayaa inooga furnaa, oo wixii aynu bixinaynaba halkaa waynu ka bixinay sida Dhadhaab [xeryaha qaxoontiga Kenya] iyo meelaha la midka ah, kuwa joogana ilaahay ayaa gacan-weyne intii itaalkeena ah waynu bixinaynaa.” Ayuu yidhi Maxamed Siciid Ducaale.

Waxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Shirkadda Dahabshiil laguma baran shirkad aan waxba bixin ee maanta oo kale waa maalinteedii, sida ugu dhaqsaha badan-ba waxa aanu ugu dhawaaqi doonaa wixii aanu u qorshaynay ka qaybgalka gumadka abaaraha.”

Waxa uu shaqaalaha shirkadda u soo jeediyey oo uu yidhi “Waxa aan idin leeyahay; waaryaadhaheen ilaashay rag ayuu idinka dhigaye ilayn in badan ayaan anigu jalaaday oo aan ugu horeeyaye, waar bal idinku horta mushahaarkiina amma khidmadihiina waxa aan idinka codsanayaa bal rubuc ku soo dara lacagta aynu bixinayno.”

Waxa kale oo uu guddoomiyuhu sheegay in shirkadda SOMTEL lafteedu ku jirto shaqaalaha uu baaqa u soo jeedinayo, “Qolada kale ee SOMTEL laftoodu way ku jiraan iyo wixii kale ee dahabshiil iyo nawaaxigiisa ah amma Dahabshiil Group, waana codsi ee amar maaha.”

Guddoomiyuhu mar uu abaarta ka hadlayay waxa uu yidhi “Laabta iyo afkaba waan ka ducaynayaa in ilaahay abaarta inaga saaro, abaarta ina qabsatay daba-dheer way ka xuntahay weli ina may soo marin, ragga qaar baa Daba-dheer maqlaye way ka xuntahay, aniga waad i aragtaanoo lixdan waan ka sareeya..boqolna warkeeda ayaan hayaa, tan oo kale weligay maan arag manaan maqal. Markaa ilaahay abaarta ha inaga soo furto iyo  masiibadaas dhacdayba ha innaga soo furto. Qof walba halkiisa ayay ugu tagtay.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *