“Israaci Somalia iyo Somaliland ee 1-da July 1960-kii wuxuu ahaa Road mapkii, ama dhabbadii loo maraayey  Somaliweyn oo ahayd Shanta Somaliyeed. Waa riyo aan marnaba dhab noqonayn, dabcan dhabbadii loo marayeyna ma jiri karto “ sidaa waxa yidhi Mukuno Musake oo u dhashay dalka Suudaan.

 

 

 

Anigu waxaan waqtiga kulaylaha ah ee cadceedu jirto u lugeeya meel beer ah (PARK) oo dadku badanaa isugu yimaado siiba maalmaha Sabtida iyo Axada.Goobtaasi waxay gurigayga u jirta in loo socdo 20 daqiiqadood,waxayse aniga ii tahay maalin walba Mijabaxsi.

Maalin maalmaha ka mid ah waxaan la kulmay nin iga daba dhawaaqaaya oo leh YAA ZOOL!!   ..YAA ZOOL!!.markaan ku jeestay waa nin muuqaal ahaan aan u gartay in uu leeyahay aragti Afrikaan, wuxuu markiiba i weydiiyey ANTA MINA Suudaan?! (ma waxaadtahay Suudaani?}, Laa annaa waryaa mush ZOOL baan ku idhi, ka dib na wuxuu iigu jawaabay Anta Soomali?!

 

Waxaan ugu jawaabey nacam anaa mina Soomaal ;wa khaasatan min jumhuuriyat ARDA SOOMAAL…hal samacta can SOMALILAND?  (Ma maqashay Somaliland, ayaan weydiiyay) wuxuu durbadiiba isag oo aan ka fekerin waqti badan su’aasha aan weydiiyay iigu jawaabay s idegan “Anta min Hargeysa?,” .wuxuuna  ii sheegay in uu yahay Suudaani dalkan u yimi wax barasho oo doonaya in uu diyaariyo shahaadada sareee loo yaqaan Master Degree, magaciisuna waa MukonoMusake

Aniguna waxaan u sheegay magacayga iyo in aan deganahay xaafadan Newham ee dalka Britain.barasha wanaagsan baanu is dhaafsanay Wuxuu iyidhi,  “markaan kuu yeedhaayey ee aan lahaa yaa ZOOL waxaan ku moodayey Suudaani….Subxanallah waad u egtahay maacaleesh kulana min sharqifriiqiya,(waxaynu ka wada nimi bariga Afrika) Somaliland waan aqaan inay ahayd dal markiihore gobonimada ka qaatay Boqortooyadii Britain 26 June 1960, balse ku biirtay Somalia 1da July1960 haddana 18-May 1991 halgan dheer ka dib lasoo noqotay madaxbanaanideedii oo gooni isu tag ku dhawaaqday, islamarkaana dhistay Jammhuuriyadda Somaliland.

 

Sidoo kale waxaan ogahay in Somaliland leedahay distuur ay u codeeyeen 97% sanadkii 2001 ayuu yidhi Mukuno oo u muuqday Nin si weyn ugu dhuun daloola arrimaha siyaasada Somaliland iyo mandaqada.

 

Sheekadii na dhexmartay Aniga iyo Mukuno waxa soo dhex galay saaxiibkay Faarax oo na salaamay  “waar ba lwaran Cabdi Flosy, maxaa cusub? ayuu I weydiiyey. Waxaan ku idhi soo dhowoow soo fadhiiso waxaan iskiin baraya ninkan .Mukuno iyo Faarax baan is baray.

 

“Waxaan ka yaabay nin Suudaani ah oo sidan u kala dhigaaya taariikhda Somaliland” baan ku idhi Mukuno. Weligay maan arag mana maqal ruux u dhashay Afrika iyo carbta oo sidaa ula socda Somaliland wuxuu iigu jawaabay dadku waxay isku khaldaan taariikh si dhab ah u jirta iyo waxay jecelyihiin. Waxaa dadka carabta ah maskax dooda lagu disay wax la yidhaahdo qoomiyad carbeed oo midowdey ,waxa jibadaas lagu abuuray bulshada carabta qarnigii ina dhaafay waqtigii hogaamiyihii dalkaa Masar Jamaal Cabdunaasir uu carabta kicinayey.  Qiiradaa waxaa ku midoobey Masar iyo Suuriya oo loo bixiyeyJammhuuriyaddaCarabta midoobay.Muddo gaaban buu midowgaas ku bur-buray oo la kala noqday, sababtoo ah wuxuu ahaa mid ku dhisan Caadifad oo ann ku iman caqli iyo xigmad.

 

Xuduudaha iyo dawladaha Carabeed ee manta jira badankooda waxa sameeyey Ingiriiska iyo Faransiiska qarnigii 19aad. Si meesha looga saaro khilaafadii cismaaniyada ee Turkigu hogaaminaayey (Othman Empire) oo dhulkaa ka talin jirtey xiligaa. Laakiin xaqiidu waxaay  tahay Bulshadu haday tashato kuma hayn kartid cagtahoosteeda, amma sidoo kale kuma joojin kartid midnimado waa muqadas madhan. Ayuu yidhi Mukuno.

 

Wuxuuna tusaale u soo qaatay Suudaan iyo Koonfurta ka go’day ee Juba, isagoo yidhi, Annagu haddanu nahay Sudaan waxaan u kala baxnay Sudaan iyo koonfurta Sudaan sidaas baa dantayadu kujirtaa ee kuma jirto midnimo jujuub ah.Waxaana suurta gal ah in dhowaan waqti aan dheerayn la arki doono dawladaha carabta oo sii kala baxa iyo Kurdiyiinta (oo berigaa la kalaqaybiyey) oo ku midooba dal keliya, isla markaana yeelan doona dawlad madaxbanaan oo la yidhaado Kurdistaan.

 

Somalia iyo Somaliland wuxu is raacoodu ahaa dhabadii (road mapkii] loo maraayey Somaliweyn, Runtu waxay tahay shan somaaliyeed iyo somaliweyn waa riyo aan suura gal ahayn. Caqliga wanaagsani wuxuu ku leeyahay mar hadday Somaliweyn aanay suura gal ahayn dhabadii loo maraayey iyana looma baahna .Wuxuu ku gebagebabeeyey sheekadiisa Tariikhiga ah Tuduc ka mid ah gabaygii carabiga ahaa ee “Iddaa Shacbu yooman araadal xayaa falaa budda an yastajiibal qadar” Gabaygan oo ujeedadiisu tahay wax ay dad goostaan ciddii iskudayda in ay is hortaagto waa cid daad is hortaagtey.

 

Qore: Prof. Cabdi Xuseen Maraykan (Flosy)

 

abdimaraykan@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *