Xilliga gabaygu soo baxay waa xilli dunidu u qaabaysnayd bari iyo galbeed, wadamada horay u maray iyo kuwa daba jiitamaya, iyo wadamada dhexdhexaadka sheegta oo

qudhoodu dhinac u umalsanaayeen.  Waa xilli caqliga madaxda dunida saddexaad, oo sidiisuba madhalays is ka ah,(2) uu sii gunduruxsanayey, Maraykan iyo Midowga Sufeetina si indha la’ aan ah u daba taagnaa.  Xilligaa ayuu gabayaagu sidaa aad arkayso u baraarugsanaa.  In kasta oo uu gabaygani 40 jir ku dhaw yahay, haddana, bal u fiirso oo dhug u yeelo Xidaarnimada iyo xeeldheerida ka muuqata eek u duugan Gabaygan, Runtiina waa mid muujinaysa Hibada uu ilaahay ku manaystay C/laahi Macallin Axmed Cismaan (Dhoodaan) Ilaahay Qabriga Ha u nuuriyee.        Hadal run kama raysto, biyona sacabbadaada ayaa lagaga dhargaaye aan idiin kala dhexbaxo adiga iyo Xulub Socod.  Cabdullaahi-Dhoodaan wuxuu ku billaabay:  

Xaashaa lillee beenta waa, laga xishoodaaye
Hadalna wayga xaraansanayd, xigashadiisuye
Kolba gabaygu meeshuu xuliyo, maanso xubinteeda
Markaan helo xusuus muuqateen, xaraf ku miisaamo
Xariiqdiisii waa inaan marshoo, xididkii raacaaye
Maantana xaggii uu jiray baan, kaaga xaadirine
Anoon xerada Soomaaliyeed, xumo ku sheegaynin
Xog ogaaal dabciga waa inaan, ku xabbad qaadaaye
Allow xoolo keen buu yidhaa, kii xaniif ahuye
Xoogaa dharaartuu helee, loogu shubo xeedho
Xusbadda u horraysaaba waa, xaali(3) la ciyaare
Xikmadaha asaageen watee, xoogga  lagu yeesho
Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe!
Barashada xageediyo cilmiga, kii aan ku xisaabno
Shahaadooyinna u xaadiree, dhawr xilliba qaatay
Xafiis kaligii uu maamushey, xiiso ka hayaane
Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho
Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe!
Xirfad iyo garaad kii isbiday, ee xornimo gaadhay
Xeebaha dhulkiisiyo ma baran, geed xanjaala ahe
Xukunna maa la ii dhiibto buu, xuuxda la hayaaye
Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho
Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe!
Xaqsoornimada kii laga rabeen, xeerarka u dhiibno
Miduu ximiyo miduu xaasidiyo, miduu xabaalaayo
Iyo miduu xanaaq kula dhaciyo, miduu ku xayraamo
Iyo xamaga qaar uu hayoo, xaangabshow fudude
Xujurgaliye saasaa batiyo, hawl xanibayaale
Xannaaniyo wanaag kii mudnaa, xaaduq baa dilla e
Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho
Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe!
Xalaal quute kii sheegan jiray, ama xadraynaayey
Xaabxaabka dagan wuu yaqaan, inuu u xeebtaaye
Wuxuu ribada xoogaa faraha, kaga xantaystaaba
Hadhow buu xashimo(4) buuxsadaa, xaydhna bararaaye
Boolida xantoobayso iyo, xagafsi mooyaane
Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho
Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe!
Is xalxalidu way fiican tahay, la xarragoodaaye
Marka horase waa inaad xor tahay, xeerna leedahaye
Intuu xabawarkaa(5) yahay adduun, ee xiqdigu yaalo
Haw xilan xariirtoo dhan waa, la iska xooraaye
Dadku inuu xamaashaa ka roon, inay xarraamaane*
Xikmadaha asaageen watee, xoogga lagu yeesho
Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe!

* Xarraan:  Roob ayaa meel ka da’ay, waxgaradka reerkuna wuxuu doonayaa in cidda loo sahmiyo.  Faras baxdow ah oo si fiican u laylyan ayaa diyaar ah.  Farasku kolkii uu arko ninkii oo jarihii soo wata, dhalalowda xakamahana uu maqlo ayuu labo goor saa u jalleeci dabadeedna danan iyo wuxuu isku dari dhabarka oo uu yara godo.  Xakamihii ayaa lagu qaban, heensihii ayaa la saari, wagaradka iyo baydda ayaa loo xidhi. Qoobabka ayuu dhulka ku garaaci isaga oo deri isu yeelaya oo dubaaxinaya.  Marka loo dhammeeyo ee uu ninkii fuuli lahaa lugta rakaabka kusii wado, faraskii bootin ayuu ku maqan yahay.  Faraskii oo bootin ku maqan ayuu ninkiina goorada kaga iman. Ninka Faraska fuuli og iyo farasku way isla yaqaanaan.  Saynta intuu fidiyo ayuu mar qudh ah boodi.  Haseyeeshee, ninkii faraska lahaa ee fuuli ogaa waa uu maqan yahay ama wuu xanuunsan yahay. Kolka mid dameer fuuli jiray ayaa la odhan orod oo ku sahmi.  Sida ninkaa kore uguma boodi karo ee waa in gadhka loo xajiyo oo rakaabka suulka loo galiyo.  Qudhiisa waa in kor loo qaado oo uu bog-shabeelayn ku fuulo.  Xakamihii ayaa gacanta loo galin oo la odhan   wa-ku-kaa ee dhaqaaq.  Faraskii bood ayuu is odhan saa maquuska ayuu dib ugu dhufan, labada gulubina tartarada ayuu ka galin.  Waa wax aanu waligiiba arag.  Waa lagu joojiyey ayuu faraskii is odhan oo wuu istaagi.  Kolkaa ayuu jeedalka ku rogi!  Maba aanay is fahim faraska iyo ninku.  Kolkii is-afgaranwaagaasi soo noqnoqdo, faraskii labada hore ayuu laaban, labada dambena wuu isku taagi, saynta ayuu baloolin oo wuxuu isku dari danan iyo madaxa oo uu ruxo.  In taagnidiisa loo daayo ama ha afarqaado ee la fasaxo ayuu rabaa, awgii dameerka fuuli jirayna wuxuu is leeyahay haddii farasku kula boodo waad ka finiini.  Faraskaa jaro-gariir ayaa ku dhaca.  Maalin labaad haddii sidaa lagu celiyo wuu xarraamayaa oo wixii la baray wuu ka tagayaa oo dib dambe uma laylyamo.  Isaga oo lalaya haddii uu wadada ku arko saalo ama xaab yar oo yaala maquuskiibaa lagugu dhuftan ayuu is odhan kolkaa ayuu isagoo ganan hal mar dib isu rogi.  Xagguu ka yimid ayuu 30 mitir u boodi ninkiina dhinicii uu farasku kasoo noqday ayuu 30 mitir hawada sii socon.   Kolka rajadaadu waa in aad ubadkiisa laylyato, isagu waa ku daayey.  Waa kii ninkii kale ee gabyey lahaa:

Haddii faras dabbaaldeg iyo orod, loo dalbado maalin
Oo loo duddeeyoo khalqigu, daawasho u joogo
Haddii nimaan daryeelini xakame, daamankaw galiyo
Oo cidhibta darandooriyoo, duubo madaxiisa
Dabcinna maayoo wuxuu ka baqi, inuu ka duulaaye
Gacmaha wuu ka daystaa ninkii, fuulmo daashadaye

Xarraanka waxa uu gabayaagu inaggu tusaalaynayaa ummad si fiican u hanaqaaday oo leh xeer-dhaqameed iyo mid diineed oo ka madhan faldanbiyeed iyo musuqmaasuq ayaa waxaa hoggaan u noqday dad aan xeer lahayn, waayo-araggiisuna wasakhaysan yahay.  Haddaba dadkii qummaati u jarabaxsanaa way xarraameen. Bal hadda aynu Gabaygii ku noqo:

Adduunyada xinbow yaalla iyo, xadhig maleeggaase
Xaska haatan laysugu jiree, gool xawariyoobay(6)
Xadaafiirta(7) maakiban(8) haddaad, yaraha xaalayso
Xodxodada wanaag haw malayn, waa xarfado baase(9)
Xanbaariyo tabcadii dhaaftay iyo, weerar ku xabbaadhe
Xurmo laysku gaadaa jirtiyo, xeelo dhabar weyne(10)
Halkan wixii ka dambeeya gabaygu wuxuu isu rogay saddexley.  Kow iyo sideetan (81) arrimood oo mid walba iskeed u madaxbannaan tahay ayuu soo bandhigay ilaa uu ka gaadhay “adduunkii xasili maayo oo laysla wada xiiqye.”  Dhoodaan ha sii wado:

Xaataa haddaad odhan lahayd, muu xayi u sheego
Xublayntiyo is xuuraanka iyo, xooftadiyo baaqa
Xulub-socodka goob xaadhashada, xagarro food saarka
Xudh labixidda laas xadhandhansiga, xooxsi kala boobka
Xufufaynta xabad giijintiyo, xeego daba roorka
Xangagabadka, xoodaanmiskiyo, xabag dhunkaal siinta
Xuduud dhowr xamaan waabashada, cimilo xayndaabka
Xaskul guradka xigin faagashada, maylimo xaquuqa
Xallaash(11) tumadka xanaf taabashada, waramo xiirsiinta
Xakab dhigadka xalay oon baxsiga, xorod karkaar goynta
Xaq duudsiga dantaa xurubsadkiyo, god u xayaanbaynta(12)
Xidhiidh tacabka xarun booqashada, xaafad tamashlaynta
Joornaal xaradhka duulaan xirsiga,(13) qolo xajiimaynta(14)
Run xasaynta been iyo xasarad, xayn isugu yeedhka
Xusul duubka xoon beerashada,(15) hadal xawaasheynta (16)
Xasil doonka(17 xadataysigiyo,(18) xannano oodayska(19)
Xalladaynta xaashiyo qorkiyo, war isla xaydxaydka
Xis ka luminta duur-soo-xulkiyo,(20) xuub isagu gaarka
Xaad u fudhidda xowdheer(21) qarsoon, xoodh iskaga siibka(22)
Xareed awdka dhoobada xargagan, haamo ku xamaynta(23)
Xatooyada is daba xiinka iyo, xaajo qiran waaga(24)
Rag xaftiyo xigtoodaba ka maal, oo xunbo u reebka
Xoday iyo xangeeyo u liskiyo, xoor dusha u saarka(25)
Xanfarkiyo xugtiyo toobinkiyo, soo xinjiro nuugga(26)
Xashiish buulka xaasaan dabkiyo, xaabo guratayska(27)
Xawaaraha ka dhacay xuutaddiyo, xuunsho dalandoolka
Xanta gaadhay xidinxiidka iyo, jiif xamili waaga(28)
Xannaaniyo xurmo u sheegiddiyo, xaydho ku casuunka
Adduunkii xasili maayo oo, laysla wada xiiqye
Xiddigiyo markii aad waqtigan, xaalufka ah dhowrto
Xungaguro tirsiga faalku sheeg, oo ximroow baxayee(29)
Qoladii xagluhu ay dabcaan, xays ballow di’iye*
Siddii xamar gammaan bay walee, u xakamaysnaane
Haddaan xayga Soomaliyeed, sii xiribo baadhno
Inagays xakaaree kolkaan, muran xiddaynayno
Murti baan lasoo xaadirnaa, waliba xeel dheere
Xagtimaha dhexdeenaba waa, ka xantanaynaaye
Xurguftii aan weynaynba waan, xarakadaynaaye
Markaasaa Xirsiyoow Xaashi daa, lagu xabeebtaaye
Is xaduurintaas oo kale iyo, xararow mooyaane
Xurfadaha gumaysigu qotiyo, dabinkuu xoodaayo
Xaqiiqada waxaydaan arkayn, taa xanuunka lehe
Xidaarnimo(30) maxay tari haddaan, la is xil-qaamaynin
Wixii nacabka layskaga xajaa, sow xarbiga ma aha
* Xays Balaayo:(31)
La soco ………

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *