“Waxanu ahayn isaga iyo aniga. Meel aanu ka wada shaqayno ayaanu ka soo wada baxnay. Waxa aanu saarnayn baabuurkiisa waxaanan u jeednay halkaa iyo
guryahayagii. Kaahin muddo badan ayaanu jaar ahayn. Maalin ayaa malcaamadda nala wada qoray, isku dugsi sare ayaanu ka wada baxnay, jaamacaddana isku mar ayaanu dhammaysanay waliba isku kulliyad ayaanu ahayn. Illaa yaraantaydii saaxiibo ayaanu ahayn. Dadku waxa ay na moodi jireen walaalo hal guri ka soo wada toosa. Waxa kaaga daran labadayada aabbo isku magac ayay ahaayeen tan ayaa keentay in illaa macalimiinta iyo ardayda dugsigu na moodaan walaalo.
Kaahin Maxamed ayuu ahaa anna Liibaan Maxamed. Kaahin kubbadda ciyaaristeeda ayaanu wada jeclayn yaraantayadii daawashadeedana caado ayaanu ka dhiganay intan aanu dhallinyarownay. Waxa kale oo aanu Kaahin wada jeclayn dhegaysiga heesaha debacsan.
Aniga iyo Kaahin si wal ood noo eegto isku hal qof ayuunbaanu ahayn marka laga reebo hal shay. Kaahin waxa uu ku baasaa oo Ilaahay jeclaysiiyay haasaawaha dumarka! Kaahin dumarku umay kala soocnayn. Maalin kasta ta uu la kulmo ayuu galabnimada jacayl u qaadi jiray habeenimadana bestii la noqon jiray subaxnimada kalena ilaawi jiray marka uu tu kale la kulmo.
Cajiib!
Saaxiibkay dhawr jeer ayaan ku yidhi ‘Saaxiib waxani ma kaa dookh xumaa mise waa kaa doqonimo? Mise halkuu bini’aadamku hal qalbi ka leeyahay adigu boqol iyo shan qalbi ayaad leedahay? Oo maalintii boqol iyo shan hablood ayaad jeclaanaysaa?!’
Marka aan sidan ula yaabanahay saaxiibkay Kaahin isna aniguu ila yaaban yahay. Muxuu igula yaabi waayay anigu waligayba gabadh ma jeclaan? Oo waayo taloow? Mid I cajabisaba ma arag! Ma adaa hablaha kor u eegaba maxaad mid ku cajabisa arki baa ka horraysa?
Ma anaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa?!
Aniga iyo saaxiibkay sidaas ayaanu isula yaabanayn. Anigu sidaas baaan ahaa saaxiibkay Kaahinna sidaas ayuu ahaa. Waxa aanu isu ahayn caksi. Marar kale waxa aan isku dayey in aan dhan kale wax ka tuso. Maalin isaga oo gabadh taleefoonka ka soo qortay ayaa markii aannu ka nimi ee aanu in yar soconay ayuu haddana mid kale afka la galay.
Been iyo beer laxawsi aan dibnaha dhaafsanayn wuxuu hayey markuu haf ku siiyey, ayuu iyadiina ka xasiliyey magac ay u sheegatay iyo taleefan uu kala xidhiidho. Markaas ayaan ku idhi ‘Sidan aad hablaha u galaysaa miyaanay qaldanayn? Adiga hablo ayaad la dhalataye in iyaga been loo sheego ama la dhibo miyaad jeceshay?’ Kaahin sidaan wax kale uga filaayey ayuu igu yidhi ‘Anigu haddaan shalmad arko isma hayn karo!’ Maalintaas ayaa iigu dambaysay wax u sheeggiisa iyo xataa la socod kiisiiba.
Muna Axmed
Hargeysa, Somaliland.