Todobaadkii u horeeyay ee Bisha barakaysan ee Ramadaan ayaan kasoo xaggaa baxay dhinaca magaallo xeebeedda Berbera, si aan bisha barakaysan

ugu cibaadaysto dhinaca magaaladda Caasimadda ah ee Hargeysa, isla markaana uga badbaado Kulayka xaggaaga iyo biyo la’aan mudooyinkan danbe soo food saartay magaalada Berebera.

 

Hase yeeshee mudadii aan ku sugnaa Hargeysa, waxa goobaha ay dadku ku kulmaan inta badan dhegahayga kusoo dhacayay hadal haynta dhinaca siyaasada iyo sheekooyinka aan dhegahyga ku badnayn markii aan Berbera joogay,  ma ahayn wax lala yaabo inaan sheekooyinka Hargeysa ugu imaado hadalhaynta dhinaca siyaasada, balse waxa safarkaygan kaga duwanaa sheekooyinkii aan hore uga bartay Hargeysa hadal haynta Masuul si gaar ah ay dadku inta badan  yar iyo weyn ugu hadal hayaan Maqaaxiyaha iyo goobaha lagu kulmo, kaas oo ah Wasiirka Madaxtooyadda Xisri Xaaji Cali.

 

Anigu Xisri ma aqaan waxaan warka ku hayay oo keliya inuu ka mid yahay Xubnaha Gollaha wasiiradda ee Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxayse hadalhaynta sheekadda Hargeysa ee Masuulkaa igu dhiiri gelisay inaan isku dayo, in aan wax ka oggaado Xirsi, xog-warysi kala duwan oo aan ku raadinayay in aan wax ka oggaado masuulkaa, waxaan ku oggaaday inuu yahay Wasiirka ugu hawlkarsan xubnaha Gollaha wasiiradda ee Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana waxqabadkiisu sababay inay Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland noqotay meesha loogu hadalhayn badan yahay.

 

Sidaa darteed anigoo aan wax ujjeedo ah ka lahayn waxa igu dhalatay inaan Masuulkaa ku hanbalyeeyo hawsha uu qaranka u hayo.

 

Anigoo   xusuusan sheekaddii Soomaalida dhexdeeda caanka ka ahayd ee ahayd, “kooda ugu fir-fircoon, ama ugu shaqo badan, waa ka ay hadal hayaan mar walba”.

Geba-gebadii waxaan wasiir Xisri leeyahay yaan  lagu mooraal jebin ee hawshaa halkaa kasii wad, waxaana Illaahay kaaga baryayaa inuu kugu garab galo.

 

Allaah Mahad leh   Ramadaan Kariim   Illaahay   Soonka iyo Cibaadada Bisha barakaysan haynaga  aqbalo.

 

By. Saleebaan Jaamac Xandule.

E-mail salebanhjale@gamail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *