Tijaabooyin iyo cilmi baadhis lagu sameeyay timirta waxaa lagu ogaaday in timirta laga helo faa’iidoooyin iyo waxtar,  dheef baddan oo

aan lasoo  koobi karin. Haddaba si aynu wax uga oggaano waxtarka badan ee timirtu leedahay,  waxaa  la odhan karaa timirtu waxay daawo u tahay wax kasta, waana cuntadii Rasuulku (scw) ugu jeclaa.

Faa’idooyinkaa waxa ka mid ah iyadoo dhinta,  ama yaraysa kalastaroolka dhiigga ku jira sabatoo ah waxaa timirta laga helaa maaddo la magcaabo Pectin oo halbowlaha dhiigga ka ilaalisa inuu isku dhego,  ama xidhmo kadibna uu joogsado wareegga dhiiggu.

Sidoo kale, timirta waxaa ku jira maaddo kale oo lagu magcaabo fluorine (fluoride),  taas oo ilkaha ka dhawrta inuu suus galo.

 

Timirtu waxay jidhka aadamaha siisaa, ama ka difaacdaa, ama ka dhawrtaa sunta waayo,  timirta waxaa laga helaa saddex maaddo oo caafimaadka u wanaagsan,  kuwaas oo kala ah sodium iyo potassium iyo weliba vitamin C.

timirta waxaa ku jira saddex maaddo oo kala ah iron iyo copper iyo vitamin B. Kuwaasina waxay daawo u yihiin aniimiyada ama dhiig yaraanta (anemia).

Timirta waxaa kale ku jira labo maaddo oo kala ah calcium iyo phosphorous iyo vitamin A. Kuwaasina waxay daawo u yihiin cudurka carruurta ku dhaca ee loo yaqaan (rickets) kaasoo lafahooda ka dhiga jiljileec iyo tamar darri ka dhalatay vitamin D la’aan.

 

Timirta waxaa ku jira maadada magaceedu yahay potassium taasoo daawo u ah oon diidnimada ama rabitaan la’aanta cuntada iyo weliba marka qofku fakerkiisa meel isugu keeni kari waayo (lack of concentration).

 

 

Timirta waxaa ku jira maadada la dhaho magnesium taasoo daawo u ah daciifnimada iyo tabar-darrida iyo boodboodka ama garaaaca wadnaha.

Waxaa kalee timirta ku jira maaddo loo yaqaan boron taasoo daawo u ah cudurka tufta ama lafo xanuunka (rheumatism) iyo cudurka kaansarka ee maskaxda gala.

Timirtu waxay baajisaa oo ka hortagtaa cudurka kaansarka ee ku dhaca mindhicirka ama xiidmaha.

Waxay kalee timirtu ka hortagtaa cudurka bawaasiirta isla markaana waxay yaraysaa in xammeetida dhagxanyo ku samaysmaan. Sidoo kale waxay fududaysaa marxaladaha uuraysiga ama uur bixinta iyo dhalinta iyo muddada umuluhu ku jiraan umulbixinta. Sidaasna waxaa u sabab ah timirta waxaa ku jira maaddo miraha laga helo oo dheef-shiidka cuntada sahal ka dhigta.

Timirta waxaa ku jirta maaddo la dhaho boron taasoo waxtar wayn u leh ragga ay ku dhacdo awood darri iyo hawlgabnimo ku saabsan raganimada iyo galmada.

 

Timirtu waxay daawo u tahay jidhka engaga iyo indho habeenada ama qofka aan waxba arki karin waqtiga habeenimada.

Waxaa kalee timirta laga helaa vitamin B2 taasoo daawo u ah dheef-mareenka ama (digestive system).

 

Waxaa intaa sii dheer, timirtu waxay daawo u tahay timaha daata iyo indho-daalka iyo cirrid-dhiiga ka dhasha fiitamiin C la’aan iyo weliba xiiqda iyo lafo jileeca.

Timirta waxaa laga samayn karaa daawooyin iyo fiitaamiino iyo kiniini dila jeermiska iyo baakteeriyada cudurada keenta, kuwaas oo lagu daawayn karo cudurada kor ku xusan. Timirtu waxay leedahay faa’idooyin intaa ka badan, balse waxaynu kasoo qaadanay tusaalayaasha iyo tilmaamaha kooban oo keliya, maadaama inta badan Bulshada Soomaalidu xiligga bisha Barakaysan ee Ramadaan oo keliya aad u isticmaalaan Timirta, halka dunida Carabta mar walba Timirtu ku jirto cuntada xiliyada kala duwan la cuno.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *