Salaanta Islaamka kadib waxaan marka hore halkan Tacsi tiiranyo leh ugu dirayaa Dhamaanba shacbi waynaha reer Somaliland Ee Ka damqaday arrintii ka dhacday Seemale  Gaar ahana Qoyskii iyo Qaraabadii ay ka baxeen Shuhadadii ku Geeriyootay Mashaqadi ka dhacday

 

Deeganka Ceel bardaale.

sidoo kale waxan ka codsanayaa Saxaafada  qaarkood oo sameeyay baahinta sawirada maydadka  inay ka saaran oo ka delet-gareeyaan Vedio-ga Naxdinta iyo Argagaxa badan ee lagu baahiyay  Websitesyada qaarkood, Youtube ka iyo Waliba barta Face book-ga Oo runti Dareen Murugo iyo Naxdin leh ku beeraya qof kasta oo inuun Damqanaaya. Xaqiiqdii Vedio-gaas iyo Sawiradaasi waxay Naxdin iyo Argagax dheerad ah ku yihiin Dhamaanba Ehelada iyo Qoysaska ay ka baxeen Muwaadiniintani oo Dareemaya Laba Goor dhimasho..walala yaal qofna ma Jecla Maydkii Aabihii ama Walaal kii Oo si foolxun loo dilay inuu Vedio ka daawado ama Dadkale dawadaan..walaala-yaal waxa waajib inagu ah inaynu Dhawrno Xurmada iyo Xishmada Maydka Qofka Muslimka ah Oo waliba hadana Ehelkeeni ah runtii arintani {Vedios ka noocan ahi) waa dhaqan xumo asal ahan ka sooo jeeda Reer Galbeedka Oo inta ay Qof muslim ah Soo dilaan Maydkiisa Soo dhiga Shaashadaha Caalamka ujeeda-dooduna ay tahay inay Bahdilaan Sharafta iyo Xurmada Uu leeyahay Mayd-ka Qofka Muslim ka ah..sidaas daraadeed Muuqaalada Noocan ahi waa kuwo Meel ka dhac ku ah Islaam nimada, Somaliland-nimada iyo Waliba Ehel-nimada Ummada Reer Somaliland.
walala yaal Somalidu waxay tidhaa.” Waran ka Ninka kugu dhufta waxa kaaga xun ninka Kugu sii dhaq-dhaqaajiya”.
Ugu dambayntii walalo yaal aynu xurmayno Sharafta Maydka Walaalaheen iyo waliba Eheladooda oo arinkani ku yahay Falaadh Dab ah oo ku taagan Qalbigooda.
Sidoo kale Culimada, Aqoonyahan-ka iyo dhamaanba Intii damiirkoodu Nool yahay waxan ka codsanayaa inay ka hadlaan Vedios-ka iyo Sawirada noocas ah ee Meel kaga dhacaaya Xurmada iyo Sharafta Mayd-ka Muslim ka ah.

Ugu dambayn waxan baaq-Nabadeed u diraya Beelaha Walalaha ah Ee Alle SWTC ku beeray Deegan isku mid ah oon waligoodna Meel kala tagayn inay Ilaaliyaan Nabada , Wada Noolashaha iyo Walaaltinimada. Dawlada Somaliland-na waxan u soo jeedinaya In gacanta lagu soo dhigo Dambiilayaasha ummada Horteedana lagu ciqaabo, god kasta oo ay galaana lagaga daba-galo insha-alah..Shacab ka Reer Somaliland-na waxan ka codsanayaa inay Dawlada arinkaas gacan ku siiyaan..kana Shaqeeyan Midnimada ummada iyo Somaliland nimadaba Insha-Allah

Waad Mahad Santiin Dhamaan

Khadar A/rahmaan A/abdullaahi

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *