Isbedel kasta oo ay hormood u yihiin shacabku waxa aas-aas u ah dareen ka dhasha horumar la’aan laga dhaxlo xukuumadda markaa tallada haysa oo ku guul-daraysata inay muujiso waxqabad la taaban karo ee dhinacyada arrimaha bulshada amma siyaasadda,
taa bedelkeedana waxa ka dhasha in shacabku ku aar-goostaan codkooda oo ku muquuniyaan maamulka markaa jira, kuna doortan mid cusub oo ay ku xusheen ballanqaadyada ku xusan barnaamijkiisa siyaasadeed.
Waxaynu dhammaaneen ka dheregsanahay in xisbiga KULMIYE uu ballanqaadyo badan oo dadku u ooman yihiin fullintooda sameeyey xilligii ololaha doorashooyinka madaxtooyadda.
Waa xaqiiq in arrimahaasi aanay ku dhamaaan karin maalmo, bilo iyo sannad toona, waxaase aynnu garan karnaa inay ku tallaabsadeen dhabbada u horseedaysa inay fuliyaan ballanqaadyadaa laga sugaayey iyo in kale.
Si aynu uga modho dhalinno la-xisaabtanka iyo hirelinta ballanqaadyadii xisbiga kulmiye marka hore ma adeegsanaa labadan qodob?
1) furaha qufullada oo dhan (key master) oo ah maamul wanaag
2) Abaalmarin iyo ciqaab.
Madaxweynaha aynnu dooranay wuxuu awood dastuurku u siinayaa inuu cidda uu doono magacawdo, waxaana xaq loogu leeyahay in uu mas’uulka kasta oo ka soo bixi waaya shaqadii qaranku u igmaday in uu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaado.
Shaqaalaha wanaagsani waa in ay u muuqataa rajo uu hiigsanaayo oo la abaalmariyaa (reward) kii sagsaaga shaqadiisa ama si wanaagsan shaqadiisa uga soo bixi waaya waxa uu qaranku xaq ugu leeyahay inuu ciqaab mariyo.
Labada dariiqo ee midna lagu abaalmarinaayo adeegaha wacan, ku ciqaabayana kii i hawshiisa loo igmaday ka soo bixi waayay waxay suurtagalinaysa in aan la is-huwan oo ay kalaba baxaan daacad iyo wax ma tare. Sidaas oo keliya ayaan ku wadi karnaa hawlqabad hufan.
Xukuumadda waxa looga fadhiyaa inay adeegsato hab sharci oo himilo iyo dhiirigelin siisa, rajo fiicana u muuqata oo uu qofk a shaqaalahahi hiigsanaayo dalacaad, mushahar kordhin, iyo amaan iyo bogaadin lagu abaalmarinaayo tusaalena u noqota ciddi hawlqabad wanaagsan inuu dhaxlaayo abaalmarin iyo qaddarin.
Hawlwadeenka shaqadiisa sagsaaga ama u dhaqma si ka baxsan dhaqanka shaqo wanaaga in la mariyaa ciqaabta ku habboon.
Nebigeennii C.S.S wuxuu yidhi “ Shaqaalaha siiya, waxa uu ku shaqeeyay inta aanu dhididka shaqadu ka keentay aanu qallalin” markaa waxaa loo baahan yahay in mushaharka shaqaalaha waqtigii lagu balamay la siiyo.
Xukuumadu waa in ay adeegsataa qiimayn iyo dabagal, waa in aanay is-huwan shaqaaluhu, hawshii loo igmadayna loo tixgeliyaa in la dhiirigeliyo oo la gudoonsiiya shahaado tixgelin iyo qaddarin leh, kana marag kacaysa, darajo kordhin, dallacaad iyo mushahar kordhin, wuxuu tirsanayaa in cadaalad lagula dhaqmay oo waxa ay kor u qaadaysaa mooraalkiisa shaqo, waxaa hubaal ah in uu ka sii wanaajinaayo, ka shaqada sagsaaga ama u dhaqma hab ka baxsan dhaqanka shaqada, waa in looga digaa (warning), la canaantaa, intaa haddii uu wax ku qaadan waayo hab sharci la mariyaa oo ciqaabtaasi noqoto mid uu galabsaday, shaqsiyadiisa iyo reernimadiisa toona aanay wax shaqo ah ku lahayn.
Waxaa caado inoo noqotay in qofku marka uu dembi galo sida tusaale ahaan mas’uul hantidii loo dhiibay ugu takri falay sidii wax uu leeyahay oo kale, marka sharciga la mariyana uu ku doodo reer hebel baa loo jeedaa, oo dhici karta in dad badan oo u doodaya la arko.
Tuug waa tuug ama guri ha u soo dhaco ama khasnada dawladda ha u dhacee waa isku mid, mana huwana sharaftii dawladnimo, ha ahaado Wasiir ama shaqaale hooseba, waxaa dadweynaha laga filayaa in ay xukuumada isbarbar taagaann ee aanyifaacin shakhsi amma masuul ku kacy xattooyo qaran.
Gutii iyo gebogebadii waxaan leeyahay “Ruux waliba wuxuu Galabsaday ha la Gudoonsiiyo.”
Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi Flosy) Hargeysa
Email, abdi.yusuf@hotmail.co.uk