Muqdisho(ANN) Madaxweynaha   dawladda taagta daran ee dagaalada iyo khilaafku hadheeyay ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa u magacaabay xilka ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali oo xilkaa sii hayay, tan iyo markii uu iscasilay ra’iisal wasaarihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo todobaadkii hore. Kadib heshiiskii Kampala ee laysugu soo dhowaynayay labada Shariif ee Madaxweynaha iyo gudoomiyaha Baarlamaanka.
Xafladda magacaabista ayaa  ka dhacday xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay goob joog ahaayeen guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo ra’iisal wasaarihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xilkaa iska casilay markii cadaadis kaga yimi kooxaha sheegta  beesha caalamka ee faraha kula jira mushkilada Somalia.
Prof Cabdiweli Maxamed Cali wuxuu ahaa wasiirkii qorsheynta ee xukuumaddii Raysal Wasaaraha xilka ka degey ee Farmaajo. Wuxuuna  ka mid ahaa aqoonyahanka Soomaalida ee qurbaha wax ku bartay, gaar ahaan dalka Maraykanka oo uu mudo deganaa.
Prof. Cabdiweli waxa uu balanqaaday inuu soo dhisayo xukuumad kooban oo wax qabata, isagoo amaanay raysal wasaarihii xilka laga tukhaatukhiyay ee Farmaajo oo uu sheegay inuu wax baddan qabtay, balse waxa lays weydiinayaa sida uu shaqadiisa u gudanayo masuulkan loo magcaabay Raysal wasaaraha, maadaama ay kooxda dawladda taagta daran oo ay ku gedaaman yihiin dagaalo ay kala soo horjeedaan kooxda Al-shabaab oo gacanta ku haysa inta baddan koonfurta Somalia, isla markaana khilaafyo siyaasadeed hadheeyaan mar walba. Raysal Wasaaraha hada la magcaabay ayaa  noqonayaa raysal wasaarihii sideedaad  ee tan iyo intii ay mushkilada Somalia taagnayd labaatankii sanadood ee u danbeeyay.
Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata inay culayska lagu saaray Farmaajo inuu is casilo ay muujinaysay sida aanay kooxaha arrimaha Somalia gacanta kula jiraa u doonayn in xal laga gaadho, iyadoo si weyn rayal caamka bulshada Soomaalidu ugu diiday heshiiska Kampala oo lagu tilmaamay mid aan maslaxad iyo dani ugu jirin bulshada Somaalida, maadaama meesha laga saaray raysal wasaare Farmaajo oo muujiyay wax qabad dhinaca tisqaadka dawladda taagta daran ee Somalia. sidaa awgeed waxa lays weydiinayaa hawlaha baaxada siyaasadeed iyo dagaalada hor yaala Raysal wasaaraha  cusub, kaas oo ay calaamatu su’aal saaran tahay sida uu ugu dabaalanayo  mushkilado siyaasadeed iyo xaalad qalafsan oo ka jirta halkaa. iyadoo ay kooxda Al- shabaab sheegtay inuu   nin kasta oo la magcaaba iska tegi doono.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *