Laascaanood (ANN)- Maayarkii degmada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool Mr. Axmed Aw Daahir Xaaji Xasan, ayaa shalay lagu sii daayey dammaanad, kadib markii uu muddo labada maalmood ah ku xidhnaa xasbiga magaalada Laascaanood, iyadoo lagu eedeeyay inuu qorshaynayay shirar iyo

 

falal ka dhan ah nabadgelyada iyo qaranimada Somaliland.
Bbadhasaabka Gobolka Sool Md. Cabdillaahi Jaamac Diiriye, ayaa khadka telefoonka Jamhuuriya ugu xaqiijiyey xalay in maayirka xidhnaa lagu sii daayey dammaanad laga qaaday ilaa toban oday oo muxtaram ah, laakiin aan si buuxda loo fasaxin, balse gurigiisa lagu ilaalinayo, lagu amray in aannu wax dhaqdhaqaaq ah samayn, saxaafaddana aannu la hadal.
“Walaal maayirka lama sii dayn ee gurigiisa ayaa lagu ilaalinayaa oo dammaanad ahaan baa xabsiga lagaga soo saaray, waxana dammaanadadas qaaday odayaal tobaneeyo ah, markaa gurigiisa ayaa lagu ilaalinayaa oo wax dhaqdhaqaaq ah looma oggola, saxaafaddana hala hadlin baa lagu yidhi ee gurigaaga ku sugnow,” ayuu yidhi Gudddoomiyaha Gobolka Sool.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade oo bixiyey amarka xadhigga maayarka, ayaa hore saxaafadda ugu sheegay inay maayarka oo xabsiga loo taxaabay habeenimadii Isniinta maxkamad saari doonaan, iyagoo ku eedeyay inuu waday hawlo ka dhan ah maamulka Somaliland oo uu bilaabay kadib markii uu ogaaday in xilka laga qaadayo.
Mr. Axmed Aw Daahir xilka maayirnimo loo magacaabay sannadkii 2006, iyada oo muddada uu xilka hayey qaraxyo badan ka dhaceen magaalada Laascaanood, kuwaasoo lagu dilay masuuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan Somaliland, isla markaana dhaawacyo kala duwan ka soo gaadhay dad kale oo badan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com
Xigasho Jamhuuriya

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *