Alleh ha u naxaristee  Ambassador AHMED MOHAMED NUR (indhbauur), wuxuu ahaa safiirkii somaliland u fadhiyay dalka Kenya) laga bilaabo 2006 ilaa 24 November,2011.oo uu ku geeiyooday magalada Nairobi. Kadubna halkaa lagu aasay. Waxaanu wada shaqaynaynay marxuumka

dhawrkii sanno ee ugu danbeeyay,hadaba ku noqon maayo taariikh  nololedkisa oo waxa inoo iftimiyay walalkay aqoonyahan Jamal Ali Hussein ,waxa aan qalinka u qaatay in aan wax yar ka itiimiyo waxqabadkii balaadhnaa ee uu sameeyay marxuumku intii uu xilka hayay  taarikhduna duugoobimayso.
Waxa uu ahaa ninkii lahaa hirgalinta jaaliyadda Somaliland ee dalka Kenya iyo waliba safarada JSL ee dalka Kenya waxa intaa dheer hirgalinta iyo maalgalinta maalmaha qaran sida 18 may iyo maalmaha kale ee la mid ka ah .
Waxa uu hir galyay in JSL ay yimaadaan wafti balaadhan oo uu hogaaminayo  raisal wasaaraha dalkani Kenya mudane Raila odinga oo ahaa markaas wasiir ka tirsan dawlada Kenya .
Waxa uu hirgalyay boqashadii ugu horaysay ee uu dalka Kenya ku yimaado madawaynihii hore ee JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin safarkaasina la’aantii muu hir galeen,waxa iyana waxqabad lagu daydyo oo in la xuso  mudan marxuumku isaga oo kaashanaya mudane Cormeal Farah oo ah muwaadin reer Somaliland ah oo dagan Kenya,  islmarkaana ah shakhsi ka caan ah jaliyadda dhexdeeda ayaa waxa u suurto gashay in uu siiyo madaxwaynihii xiligaas Dahir Rayale kahin diyaarad iyo bayloodkeedi oo is wata ,taasina ay u suurto galisay madaxwaynaha in uu soo maro 7 dal  oo afrika ku yaal,waxa uu ka mid ahaa safarkasi safarada la taaban karo ee abid madaxweyne ka socda JSL  uu afrika ku gaalaan bixiyo.
Alle ha unaxaristee waxa uu hirgalayay in passporka JSL lagu iman karo dalka Kenya,islamarkaana waxa uu geed dheer iyo geed gaaban ba u fuulay marxuumku in uu hor geeyo aqalka baarlamaanka ee Kenya  mooshin balaadhan oo lagaga doodayo qadiyada gooni isku taaga JSL  iyo sidii loo meel marin lahaaba,waxa iyaduna wakhtigaa dagaal xoogana uu la galay dawlada TFG da oo wakhtiga awood badan ku lahayd Kenya islamarkaana isku dayday inay hor istaagto moshinkaas.
Waxa uu hirgalyay in uu keeno JSL maalintii dhaarta madaxwayne siilanayo wafti balaadhan oo ka kaooban 41 xubnood o isugu jira siyaasin ,aqoonyahano Kenyan ah oo uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka barlamanka Kenya mudane Farah Malin Dawaare.
Akhirste halkan kuma soo koobi karo waxqabadka balaadhan ee uu sameeyay intuu noolaa ee uu xilka hayay marxuum Ambaddor.Mohamed Ahmed Nur(indhabuur)
Waxa maanta laga hantiyay xafiis safaradeed oo qurux badan oo qalab kiisii u dhanyahay mana filayo In safarad noocaas oo kale ah ay Somaliland dalalka shisheeye ku leedahay ,waxa hubaal ah inuu u huri jiray hantidiisa gaarka ah horumarinta qaranimada Jamhuuriyda somaliland
Alleh ha unaxaristee waxa uuu ahaa safirka kaliya ee dawlada madaxweyne siilanyo ay dib u soo magacwday markay aragtay wax qabadkiisa iyo in aan looga maarmayn arrimaha Kenya.
Waxa hadaba is waydiin leh yaa loo soo magacaabaya safaarada Kenya oo ah safaradaha ugu awooda wayn uguna fir fircoon ugna muhumisan safaaradaha  aynu ku leenahay dunida daafaheeda,waxaan kula talinayaa wasiirka arimaha dibada iyo cidkasta oo ay khusayso hawshasiba inay aad iyo aad uga baaran dagaan safiirka cusub ee loo soo magacaabi doono Kenya insha allah ,waxa hubaal ah aniga hadii lay waydin lahaa ama jaaliyad ahaanba waxaan xusuusta marxuumka ayaan sua’ashaa malin waydiyay waxa uu igu jawaabay marxuumku mukhtaroow inaadeer  hal nin ayaan hubaa in uu hawshaa si fiican u  gudan karo maalinta aan xafiiska ka tago ninkaasina waa hebel, ma jecli in saxafada aan ka sheego magaciisa laakin haddii loo baahado waan tilmaami,  waxyaabo badana waanu u sheegi waxananu codsanaynaa in talada jaaliyaddu ay muhiim tahay la’aanteedna  aanay cid la soo magacaabin insha allaah
Ilahay ha unaxaristo marxuumka qabrigana ha ku nuuriyo,dhammanteena samir iyo iimaanha inaga siiyo. Marxuumkaa oo ahaa halyay wax baddan usoo qabtay dadkiisa iyo dalkiisa.
ALLAA MAHAD LE
Mukhtar Aden Abdi(Koshin)
G/kuxigeenka jaaliyada Somaliland ee dalka Kenya
+254 721 622 438

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *