Hargeysa(ANN) La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dhalinyarada Cabdi-najax Siyaad Aw Cabdi ayaa Hambalyo iyo Bogaadin u diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),kadib markii uu ka dhabeeyey Balan-qaadkiisii ku aadanaa in Dhalinyaradu ka

 

qayb-qaadato Siyaasada, taas oo ay maanta Golaha Guurtida Somaliland meel-mariyeen Go’aankaas oo nuxurkiisu yahay in Dhalinyaradu 25 jir ka qayb-geli karto Talada dalka.
La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhalinyarada Somaliland Cabdi-najax Siyaad Aw-cabdi oo qoraal kooban oo uu kaga hadlayo arrintaa  ayaa  hambalyo u diray guud ahaan Dhalinyarada Somaliland meelkasta oo joogaan.
La-taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca arrimaha dhalinyarada Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi waxa uu u ku hambalyeeyay  Golaha Guurtida Somaliland sida ay u meel-wariyeen xeerka dhalainyarada u ogolaanaya inay ka qeybgalaan talada wadddan, waxaanu yidhi“Waxaan ku hambalyeynayaa Golaha Guurtida Somaliland sida geesinimada leh ee ay maanta ku meel mariyeen Xeer No. 20 oo ah xeerka  Dhalinyarada u ogolaanaya inay ka qeybgalaan talada waddanka iyo SIyaasada-ba,kadib markii ay dhawaan Golaha Wakiilladu iyaguna ansixiyeen xeerkan.
Markaa waxaan labada gole Baarlamaan (Guurtida iyo Wakiillada) leeyahay waxaad gudateen waajibaadkii idin saarna, waayo dhalainyaradu waa muraayada waddanka, kuwaas oo ah aqoontii iyo caqligii dalka. Marka waddanka la qiimeynayo waxa la eega heerka ay dhalinyaradiisu aqoon ahaan mareyso.”
“Waxaan ku hambalyeynayaa Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sida uu uga dhabeeyey balanqaadkiisi ahaa haddii uu ku guuleysto Kursiga Madaxweynanimada  inuu dhalinyarada ka qeybgelin doono talada waddanka, wakhtigii uu ku jirey ololihii  doorashooyinka ee dalka ka dhacay 2010, ee uu ku guuleystay jagada Madaxweynanimada, markaa waxaan leeyahay Mudane Madaxweyne waad ku mahadsan tahay mar haddii aad dhalinyarada ka furtey dabarkii ku xidhnaa, waana waajib ku saarna oo aad gudatay.”Ayuu yidhi Cabdi-najax Siyaad, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas raaciyey  “Talaabadan aad ka dhabeysay waxaan filayaa inaad ku kasbatay taageerada iyo abaal ay ku hayaan dhalinyarada maanta oo ah Madaxda berito ahna  mustaqbal”Ayuu yidhi La-taliyaha Madaxweynuhu ee arrimaha Dhalinyaradu.
“Waxaan la hilmaami Karin oo aan si gaar ah u xusayaa Dallada ururrada Dhalinyarada ee SONYO oo kaalin lama ilaawaan ah ka qaadatay meel-marinta Xeer No 20, iyo weliba sidii ay Dhalinyarada uga jabin lahayd Jeelkii cadaalad-darada ahaa ee Da’yarta ka xakameeyey Siyaasada iyo ka qayb-galka Doorashooyinka golaha deegaanka. Waxaan leeyahay Dhalinyarada waa inaynu Xilkaas u gudanaa si Masuuliyadi ku dheehan tahay.
Guud ahaan Dhalinyarada reer Somaliland waxaan leeyahay Guushaa inoo soo hooyatay ayeynaan gaagixin ee aynu kaga jawaabno si xilkasnimo iyo Waddaniyadani ku dheehan tahay,inagoo mar-walba kaashanayna khibrada waayeelka iyo waayo-aragga.” Ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *