“Rag (dad) tabaabulshaystaa, wuxuu tabayo raadceeye, waar maantaba talaa nala gudboon laysku tiirsado.” Timacade, 1970.
Waatan munaasabadii 18 ka May, iyo mar kale. Wakhtigu waa soconayaa qoloba si uu ku dhaafoba. Waxa madaxyga

kasii guuxaysa, oo iigu muuqata inay shalay uun ahayd, munaasabadii tan oo kale ahayd ee 20 guurada. Maalintaas London baan dabshidkii labaatan guurada kaga qayb galay, maantana, sida muuqata,  caasimada Jamhuuriyada ee Hargeysa oo aan hadda ku suganahay baa Ilaahay ii qadaray insha Allah inaan kaga qayb galo munaasabadan qaaliga ah. Intaanan dulucda qormada u galin, waxan halkan tahniyad uga dirayaa dadwaynaha Somaliland oo dhan, gudo iyo debedba, munaasabada 18 May awgeed.

Sanad kastaaba mid buu inoo dhiibayaa, wakhtiguna, qoloba si uu ku dhaafoba, ma istaago  marnaba. Waxaynu u baahanahay inaan yar istaagno, oo si dhab ah u xisaabtano. Qoraalkaygan ujeedadiisu waa inaan wax iska waydiino, si dhab ahna uga doodno labaatan iyo dheeraad sanno kadib halka aan maanta taaganahay qaran ahaan, iyo halista ugu wayn, aniga siday ila tahay, oo ah ictiraaf la’aanta sidaan u waajahayno. Waxaynu u baahanahay inaan miiska soo saarno qorshayaasha aan ku socono, iyo jihada aan u socono intaba . Waxaynu u baahanahay wixii aan shaqaynaynin, ama shaqayn waayay inaan daadino, wax ka door roon na ku bedelno inagoo rabitaanka qaranimo taam ah madaxa ku hayna. Intaas midnaba ma iman karo hadaan dood dhab ah, oo xalaal ah, oo aqoon iyo lexejeclo wadanka laga qabo dugsanaysaa imanin.

Waxyaalo badan oo aynu awoodi karno, dan waynina inoogu jirto, oo ku dhaqaaqooda aan ka gaabinay ayaan cudurdaar uga dhignaa inay sababtu tahay ‘aqoonsi la’aanta,’ laakiin shaki la’aan, inaynu ka gaabinay inaan si dhab ah, oo aqoon ku fadhida wax isu waydiino,  cudurdaar ugama dhigi karno aqoonsi la’aanta. Qoraalkani wuxuu soo ban dhigayaa su’aalo cadaan ah, halka aynu joognona sawir cadaan ah buu ka bixinayaa. Inaynu mudahaaraadka 18 ka May dhigno, xoog iyo xoolo tiro badana ku bixino, laakiin aynu is waydiin wayno sababta ay 18 May si dhab ah ugu socon wayday maxay tahay, maxaa se qaldan.

Duruufta keentay jiritaanka Somaliland maanta ku laabaan mayno, inanay abuurista Somaliland wax la iska caashaqay ahayn ee wax laga fursan waayay ay ahaydna maanta kama doodayno. Haday umadi hami la timaado, oo hamigaasi na uu fashilmo, in doc kale xaajada laga eego na waa wax dabiici ah. “Dabkii mar ku gubay, dambaska waa laga guraa, dib hadaad ugu joogsatona, waa adiga iyo doqoniimadaa!”. Taas macnaheedu waxa weeye, duruufta ay Soomaalidu gashay wixii ka dambeeyay dhicitaankii Siyaad Barre marka la eego, Somaliland inay wadadeeda qabsato, oo gooni isu taagto ayaa danteeda iyo danta Soomaalida kaleba ku jirtaa, wixii aan taas ahaynna waa khasaarihii oo sii batta iyo dhibaatadii oo balaadhata labada dhinacba.

Iyadoo ay Somaliland garawshiinyo qaanuun, mid akhlaaqeed iyo mid taariikheed intaba dugsanayso, maxay tahay sababta caalamku u aqoonsan waayay? Maxaa keenay inay Somaliland qadiyadeedu, gaar ahaan dhanka aqoonsiga halkii 21 sanno ka hor uun taagantahay? Intaas oo dhan kadib se, aqoonsi la’aan intee in leeg baynu ku sii jiri karnaa? Suurtagal miyay tahay, sida aan mararka qaarkood ku doodno, inaan boqol sanno na ha gaadhee ictiraaf ka sugno. Geesta kale, Somaliland culays sidaas ahi kama haysanin Muqdisho, sababtoo ah dawladnimo ayaan kolnaba ka hano-qaadin, haday se dadaalka caalamka ee Turkey iyo UK ay hogaaminayaan uu midho bixiyo, oo dawlad rasmi ah loo dhiso, oo caawimo dhaqaale iyo mid farsamoba la siiyo, safaaradihii aduunkuna halkaas dagaan, saamayn noocee ah bay inagu yeelanaysaa? Hadiiba ay waxba ka suuroobi waayaan dadaalka caalamka, oo xaalku sidii hore uun iska ahaadona, taas qudheedu saamayn noocee ah bay inagu leedahay ilayn waata labaatankaas sanoba la ina lahaa Soomaalida la hadla? Su’aalahaas baa u baahan inaan is waydiino, jawaabahoodnaa qorshe mustaqbal ku dhisno. Hadii aynaan waxba is waydiinin, oo wixii aan niyadda ka jecelahay uun isugu sheekayno, waxa xaqiiqo ah inay halis wayni ka dhalan karto.

Su’aasha ku saabsan sababta Somaliland loo ictiraafi waayay ilaa hadda, iyo su’aasha kale ee ku lamaan, ee ah – suurtagal ma tahay in la ictiraafo waa laba is garab socda. Marka midda hore si wacan la isula meel dhigo, ayuunbaa ta dambena la saadaalin karaa. Aqoonsi la’aantu halis wayn bay leedahay, waxaana su’aali ka taagantahay jiritaanka umada aqoonsigu ka maqanyahay. Taas macnaheedu wuxu yahay, xaalada aqoonsi la’aanta, oo umaddo badani ay horey iyo haddadanba u galeen, maaha mid rasmi ah. Aqoonsi la’aanta laguma waaro, sadex uun baanay midkood noqotaa: (A) in aqoonsi buuxa (Full recognition) la helo oo halkaas ay hubaal la’aantu ku dhamaato sidii Eretria, South Sudan iyo East Timor, in aqoonsi kala dhantaalan la helo, oo wadamada aduunyada qayb aan badnayni ku aqoonsato, inta badanina ku diido (disputed statehood), , waana xaalada Kosovo, Tywan, Qubrus (Cypress) iyo Falastiin (Palestine) oo kale, iyo tan ugu xun oo ah in aqoonsiba la waayo, wadanka aqoonsiga raadinayaana uu dib ugu laabto wadankii uu ka baxay. Inta badan dib u noqoshadaasi qaab military iyo muquunis bay ku timaadaa, waana sidii ku dhacday Koonfurtii Yemen 1994 kii, ama gobolkii Biafra ee Nigeria ka go’aayay horaantii 1970s kii, ama sidii 1960s kii ku dhacday dadkii gobolkii waynaa, ee qaniga ahaa, ee Katanga, oo ka go’aayay Congo DRC da maanta oo marna Zaire la odhan jiray. Inagu maanta waxaynu la saf nahay, oo isku ardaa nahay gobolo badan, oo dawladnimo doonaaya, aan se ilaa hadda cidi ooda ka rogin, daruuraha halista iyo hubaal la’aanta aqoonsi la’aantuna dul hoganayso.

Xaalada Somaliland, marka si dhab ah loo fiiriyo, gobolada aan tiriyay oo dhan way ka duwantahay, kiiskeeduna waa ka xooganyahay qaanuun ahaan iyo taariikh ahaanba, laakiin waxa Somaliland haysta laba caqabadood, oo, aniga malahayga, ay khasab tahay inay jiho kale uga wareegto. Somaliland tan iyo maantii lagu dhawaaqay 1991 kii, hal waddo ama hal qorshe ayay raacaysay, mana aha qorshe qaldan, waa se la dhagaysan waayay. Somaliland may isu dhigin gobol ka go’aaya dhul-wayne uu qayb ka ahaa ee waxay isu dhigtay, saxna ah, inay ahayd dawlad madax banaan oo mid kale raacday, markii ay isu garan waydayna ka soo noqotay, ayna tahay in sidaas lagu ictiraafo. Doodaasi maaha mid soof-daran habaw ah ee waa gar, laakiin garawsho ayaynu u waynay.

Marka aad gar leedahay hadii laguu garaabi waayo, macnaheedu maaha inaad gar darantahay, laakiin waa inay cadaaladii garab wayday. Dooda Somaliland ay raacaysay labada caqabadood ee ugu xooga badan ee ka hor yimid waa (A) inay bulshada caalamka, oo Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Jaamacada Carabtu ay koow ka yihiin aqoonsanyihiin israacii lixdankii iyo xubinimada Soomaaliya, ayna ku doodayaan in midnimada Soomaaliya, sida wadan kasta oo kaleba la dhawro. Qodobka labaad, waa iyadoo dano siyaasadeed, military iyo dhaqaale oo muuqda, oo wadamada aynu ictiraafka ka doonayno ku kalifi kara inay Qaramada Midoobay iyo urur-goboleedyada kaleba iska garab maraan aanay jirin. Sidaas darteed, wadamada ugu doorka roon umadaha caalamka, oo ay ku jiraan UK iyo USA ba, oo lagu daray wadamada dariska inala ah, oo ay koow ka tahay Ethiopia, waxay inoo sheegaan inaanay ina ictiraafaynin, arinta madaxbanaanida Somaliland na ay tahay inay Soomaalida dhexdodu ka wada hadlaan, go’aana ka gaadhaan.

Marka ay sidaas tahay, siyaasiyiinta Somaliland horay iyo hadadanba laba ciladood baa soo wada food saara. Mid waa iyadoo mawqifkii caalamka ay raad ku yeelan waayeen, waxna ka badali waayeen, marar badana siyaasiyiinteenu aanay kartidaasba lahayn. Qodobka labaadna, waa iyadoo siyaasiyiinteenu halkii ay ka fadhiisan lahaayeen, ee caqabadaas dhankee uga wareegnaa ay odhan lahaayeen, bulshadana la tashan lahaayeen, ay taas badalkeeda dadwaynaha madadaaladii caruurta oo kale uun u saaraan. !”Ictiraafkii waa soo dhawyahay…” iyo “Bulshadii caalamku waa inoo soo jeedaa, albaabadana waa la inoo furay…” iyo “Qadiyadeenu meel fiican bay maraysaa, Somaliland na way dhaqaaqday…” iyo waxyaalo noocaas oo kale ah uun daldalaan, diyaaradna hadba gees u raacaan.

Intaas waxa  dheer, oo dhabna ah, inanay Somaliland horey iyo hadadan toona lahaynba barnaamij siyaasada debedda ee wadanka lagu hago, iyo qorshe ictiraafka gaar u ah midnaba. Sidaas darted baa hadii aad gashid website ka Wasaaradeena Khaarajiga, oo xidhiidhiyaha (Hyperlink) ka cinwaankiisu yahay (Foreign policy strategy) aad furtid, waxa kuu soo baxaaya fariin sheegaysa inuu boggaasi dhisme ku socdo. Laakiin waa ilaa hadma dhismahaasi? Ilaa hadma ayaynu dhabta ka weecweecanaynaa oo dadkeena been ku maaweelinaynaa? Hadii sida aan doonayno ay wax u dhici waayaan, ma inaan hawl adag u galno geestii kale ee aan qadiyadeena ka wareejin lahayn baa, mise waa inaan iska fadhiisano oo nidhaaho Somaliland way dhaqaaqday?

Hadii sidaas xaal yahay, qoladii aan wax wada lahayn, ee mudada dheer hurudayna aduunyadu gurmad nooc kastaba leh, oo aan horey loo arkin ugu jirto sidii dawlad loogu dhisi lahaa, inaga maxaa inala gudboon? Haday dawlad shaqaynaysaa Muqdisho ka dhalato, iyo hadii ay waxbaba dhalan waayaan maxaa mid kastaba inooga qorshe ah? Haday dawlad adag, oo taageerada caalamkana haysataa timaado, oo sida ay u badantahay, ay sii xoojiso doodeeda ah Soomaaliyi ma kala tagi karto, oo dabcan olole intii hore ka badan, oo Somaliland diid ah caalamka oo dhanna ka fuliso saw suurtagal maaha? Hadiiba ay dawladiba dhalan waydo, oo waxyaalaha liita ee ay labaatanka sanno isku hayeen, iyo faragalinta shesheeyuhu sii socoto, xaalkuna sidii uu awalba soo ahaa uun sii ahaado, caalamkuna Soomaaliya la hadla da aan caqliga ku fadhiyin ee ay intaasba inagu soo wadeen uun sii wadaan, maxaa inoo meel yaala?

Somaliland itaal dhaqaale iyo mid aqooneed oo ay rabitaanka caalamka wax kaga badasho ma laha, laakiin waxay awood siyaado ah u leedahay, haddii ay indho u yeelato, inay faro-galiso, waxna ka bedesho wixii ka soo baxaaya ama aan ka soo baxaynin meesha loo yaqaano Soomaaliya. Dooda Somaliland ee ah marka ay Soomaaliya dawlad xoogan, oo la doortay, oo dhulkeeda wada xukunta soo baxdo ayaanu la xaajoonaynaa waa mid aan wax macno ahba ku fadhiyin, bisayl la’aan waynina ka muuqato. Malahayga maba jirto cid is waydiisay sababta aan sidaas u leenahay. Si aan taas wax isaga waydiino, meelna wax uga dhigano, waxaan laga fursanaynin in dood qaran laga yeesho, xaajadana dhan kastaba laga eego. Waxan hubaa in qaranimada Somaliland la gaadhi karo, waxan sidoo kalena hubaa, oo aad u hubaa, inaan jidka hadda aan ku taaganahay ictiraaf lagu gaadhaynin, in waddo kale looga wareegaana lagama maarmaan tahay.

Qof kastaaba, siyaasi iyo shicib, taliye iyo loo taliyeba, su’aalaha kor ku xusan waa in la is waydiiyo, jawaabna loo doono. Haddii kale, waxan noqon doonaa qof dhagoole ah, oo dhaqaaqay, oo aan yeedhmada dhabarkiisa iyo dhawaqa hareerihiisa midkoodna maqlaynin, oo kaliya ku war hela uun marka gacanta lagu dhigo. Dadka Somaliland way dadaaleen, in dadaalkooda la khasaariyaana maaha sax, hadaan wax la is waydiina khasaare laga fursan maayo.

By Maxamed Haaruun, (Xog-hayaha arimaha debedda ee UCID.)
E-mail: mbiixi@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *