Waxa aad moodaa in siyaasada ay u yaqaanaan muranka, wanjalka iyo ku jiqsiinta xisbiyada mucaaridku, bal u fiirso dhawaaqan ka soo yeedhay Labada gudoomiye

 

ku-xigeen ee Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo WADDANI, kuwaasoo si wada-jir ah u soo saaray War-Saxaafadeed qoraal ah oo ay ku qaaddaceen Diiwaangelinta Madaniga ah ee ay Xukuumaddu ku hawlan tahay qabashadeeda taasi oo ay ku doodayeen in xukumadu ka baxday heshiiskii ay hore u saxeexday.

Waxaynu halkan ku-yara eegidoonaa Nuxurka warqada qoraalka ah qodobka ay cuskadeen qaadacida labada Xisbi ee UCID iyo WADANI.

Muwaadin waxay is waydiintu tahay inagoo si cilmiyeysan ugu eegi doona si aynu fahano nuxurka qoraalkan is burinaya ee ay soo saareen  labada xisbi mucaarid,  qodobkiisa koowaad iyo Qodobka Lixaad, kaasoo u dhiganaa sidan:-

“Sadexda Xisbi Qaran (KULMIYE, WADDANI IYO UCID), wasaarada arimaha gudaha iyo komishinka doorashooyinku waxay wada saxeexeen  heshiiska 2 bog ka kooban kuna tariikhaysan 11.7.2013 oo loo diray beesha caalamka nuxurkiisuna ahaa laba diiwaan gelinood oo kala madax banana  sidaana beesha caalamku ku ogolaatay inaguna hanbalyaysay heshiiska iyo isu tanaasulka Somaliland kaga horayso dalal badan oo dunida ah.

Waxay beesha caalamku dhaqaale ku bixisay xog ururintii diiwaangelinta codbixiyaha, waxay kale inoo soo dirtay khuburo qaaday tajriibadii qalabka diiwaangelinta codbixiyaha, waxay kale oo bixisay qandarasyadii diiwaan gelinta codbixiyaha, waxay diyaariyeen in diiwaangelinta codbixiyuhu bilaabanto   october 2014.

Sow taa macnaheedu  maaha in beesha caalamku ay ogolaatay  inay dhaqaale ku bixiso,  xog ururintii diiwaangelinta codbixiyaha oo qudha, oo aanay jirin xog ururinta diiwaangalinta muwaadinku (IDC).

Muwaadin markay arrintaasi dhacday ayey  xukumadu xil-weyn iska sartay iyadoo la kaashanaysa dowladaha hoose ee dalka lana ururiyey lacag dhan 8.000.000 million oo dollarka maraykanka ah in lagu qabto xog ururinta diiwaangalinta muwaadinku (IDC).

waxaan akhristayaasha u dhaafaya su’aasha is weydiinta mudan  ee ah iyamaa mudan mase kala hadhi karaan labada diiwaan galinood ee ah      a) xog ururintii diiwaangelinta codbixiyaha oo qudha

b) xog ururinta diiwaangalinta muwaadinku (IDC).

Muwaadin waxaynu si cilmiyeysan ugu eegi doona inaynu fahano nuxurka qoraalkan is burinaya qodobkiisa Labaad , kaasoo u dhiganaa sidan:-

Waxaa kale oo sadexda xisbi, wasaarada Arimaha gudaha iyo komishanku kala saxeexdeen heshiis     3bog ka kooban kuna tariikhaysan 18.9.2013 nuxurkiisu ahaa diiwaangelinta codbixiyaha iyo diiwaan gelinta muwaadanka oo dhamays tiran  laguna kalsoonaankaro, kalana madaxbanaan oo aanay jirin wax xidhiidha oo ka dhexeeya laguna maamulo 2 xeer oo kala duwan xeer 37/2007 xeerka codbixiyaha iyo xeer cusub oo xukuumadu curiso, sidaana beesha caalamku inoogu ogolaatay dhaqaale dhan 10,000,000 toban milyan oo aynu ku qabsano diiwaangelinta codbixiyaha si doorashada 2015 ku inoogu qabsoonto.

Muwaadin marka ay Xog-ururinta Diiwaan galinta codbixiyaha beesha caalamka ay inaga ogolaataya inay bixiso dhaqaalihii lagu qabanlahaa, Xukumada Somalilandna Xog ururinta Diiwaan galinta muwaadinkana ay  bixinayso dhaqaalihii lagu qabanlahaa,

miyeynaan odhan Karin markaa xukumadu juhdi iyo dadaal badan bay galisay sidii ay  wakhtigeeda u qabsoomi lahayd doorasho xalaal ahi laakiin xisbiyada mucaaridka ayaan ogolayn in doorasho dhacdo.

Qoraa. Maxamed Faarax Qoti

mfqoti@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *