Gebilay(Araweelo News Network) Roobabka Raxmaadka Gu’ga oo mudooyinkan ka da’ayay deegaamo badan oo Somaliland, ayaa waxyeelo gaadhsiiyay Deegaanka Beeralayda Gebilay meelo ka mid ah. Kadib markii Daad xoogan

 

kusoo rogmaday Dooxa weyn ee loo yaqaan Aggamsaha waxyeelo u geystay Ceelal Boyood oo ku yaal dooxa.

Dooxa Agamsaha, ayaa dhinaca Bari kaga Beegan Degmada Gabiley daad kasoo rogmaday xalay, ayaa waxyeelo u geystay ilaa 8 ka mid ah Ceelasha Biyaha ee laga waraabiyo Beeraha iyo Xoolaha, waxaana jira Ceelal kale oo ku yaal Dooxaa oo laga dayrinayo.

Sarkaal u hadlay Wasaaradda Beeraha Somaliland oo lagu magcaabo Cabdirisaaq Shiine, ayaa warbaahinta u sheegay in uu kormeer ku tegey dooxa, isla markaana wuxuu ugu baaqay Xukuumadda Somaliland iyo Hay’addaha Caalamiga ah in gurmad lala soo gaadho dadkaa daadku waxyeelada u geystay Ceelasha ay Beeraha iyo Xoolaha ka warabin jireen.

Beeralaydii Deegaankaas Ka Aasay Ceelashii Biyaha Ay Kaga Waraabin Jireen Bustaanada Iyo Xoolaha Waxaana Uu Gabi Ahaanba Daad Awood Wayn Oo Xalay Soo Rogmaday Dhulka La Simay 8 Ceel Biyood Waxaana Uu Halis Galiyay Ilaa 50 Ceel Oo Kale Oo Uu Gabyankii Ay Ku Fadhiyeen Ceelashu Ka Qaaday .

Halkan Ka Daawo

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *