iyo denbidhaafkeeda ha ina siiyo. Waxaan uga faa,ideysanayaa in aan Ciid Mubaariga hawada usoo mariyo dhamaan shacabka Somaliland meel walba oo ay joogaan.
Waxaynu ka dheregsanahay bishii aynu soo dhaafnay ee September waxa dhacay dhacdooyin badan oo ay dhamaan umada Reer Somaliland Hadal haysay , waxaa dhacday Geeri iyo dhimasho, hasii kala bataane.
A)Waxaa dhacay dagaalkii Saaxdheer ee Cali Khaliif uu isku dayey in uu Madaxweyne nimo ku cimaamato dhulka Somaliland, halkaas oo geeri badan ka dhalatay Illaahay haw naxariisto intii ku dhimatay dhamaantood.
B)Waxaa dhacay Shilkii Foosha xumaa eek ka dhacay Qurilugud ee Askarigu ku dilay 2 Sarkaal , waxaana raacay inankii 10jirka ahaa eek u geeriyooday mudaharaadkii ka dhacay magaalada Gabilay.
C)Waxaa dhacday in nin dhalinyaro ahi uu isku dayey in uu ka baxsado Askarta Illaalada xabsiga Gabilay, kadibna madaxa laga toogtay oo uu geeriyooday.
D)Waxaanu xaqiijinay in Doontii u danbeysay ee ku degta bada u dhaxaysa Libia iyo Italy oo ay kasoo badbaadeen 27 qof kuna dhinteen in ka badan 90 qof , ay ugu yaraan 53 ay ahaayeen Reer Somaliland. Waxaa kaloo naloo xaqiijiyey in tahriibayaasha ay ku jireen caruur ay dhaleen Madaxda qaranka u sareeyey laakiin nasiib wanaag soo badbaadeen , ma doonayo in aan halkan ka sheego.
E)Waxaa inoo yimid Foreign Diplomacies ka yimid Wadamada Denmark, Norway , Switzerland oo dhamaantoon inoo waday fariimo aan inaga farxin taasoo kaliftay in uu Madaxweyno usoo dirsado qaylo dhaan Madaxda Xisbiyada Qaranka. Ilayn markay dagan tahay ayay alle taqaanaaye.
F) Waxa uu madaxweynuhu Digreto ku abuuray Ciidamada illaalada Shidaal baadhista OPU oo uu sheegay in laga soo xulayo ciidamada Military and Police qaranka Somaliland, ogow lagama bixin wax faahfaahin ah qaabka xulida Ciidanka oo aan ogeyn in hore loo xulay kadib markii ku dhaleecaynay xulida qarsoon ee qabyaaladeysan ayaa arinkan cusb la keenay.
G) Waxa Iyana laga heshiiyey Xeerkii diiwaangelinta Madaniga iyo codbixiyaasha ee dawladu isku dayday in ay tahriibiso meeshana ka saarto diiwaangelinta codbixiyaasha.
Waxaa magaalada Hargeysa mudo ku sugnaa Salaadiitiinta Reer Awdal iyo Selel oo ka dareen celiyey saami qeybsiga dawladnimo ee Somaliland.
H) Waxaa Beelaha warsangeli shir uga furmay magaalada Xiingalool , shirkaas oo uu kasoo baxay warmurtiyeeed aan meelna Somaliland magaceedu kaga xardhaneyn , Waxaa ay beeshu carabka ku adkeysay, Cadaaladda, nabad kula noolaashaha dadka deriska ah, Horumarka deegaanka , iyo wadatashiga Beesha dhexdooda.
I) Waxaynu ognahay rafadkii dhacdadii deegaanka Ceel Diiriye iyo talo xumada dawlada sida ay u tahli kari weydey in ay maareyso arinkaa oo ilaa hada taagan, oo marba ay ridayaan go,aan ka duwan kii hore , ayna garan waayeen keena go,aan qanciya 2 dhinac ee deegaanka isku haya.
J) Waxaynu ka dheregsanahay sida Beesha dhexe ee Madaxweyne Siilaanyo kasoo jeedo uga dareen celinayso habdhaqanka Xukuumada maanta haysa talada dalka oo ay sameysmeen Ururo difaacaya danaha beelahooda sida Dan iyo Duco, Talo iyo Tawfiiq, Jiidali.
Marka aynu qiimeyno dhamaan dhacdooyinkan kor ku xusan , oo dhacay mudo Bil gudaheed badankooduba, Waxaynu is weydiinaynaa meeyay madaxweynihii umadan, hadaynu meesha ka saarno caadifada iyo nin jeclaysiga, miyaynaan odhan Karin Kulmiye iyo xukaamidiisa lama mahdin , miyaanay umadii isku duubnayd ee qoyska qudha ahayd maanta aanay kala baqoolin, mase ogtihiin in xitaa beesha madaxweynuhu ay dareen weyn ka qabto ciidamadan OPU( Oil Protection Unid) oo micnaheedu yahat Ciidanka Ilaalada Shidaal Qodista oo ah fikrad ka dhalatay dareenkii ay dadka deegaanka Togdheer iyo Sool ka soo celiyeen sidii loo maamulay arimaha shidaalka.
Dabcan waa arin fiican in la illaaliyo shirkadaha ajaanibka ah ee dalka imanaya si sumcadeenu u fiicnaato, laakiin miyaanay haboonayn in dadka deegaanka heshiis lala gaadho ma laga yaabaa in uu ka yimaado isku dhac arinkaas.Waxaa Iyana mugdi badan dul hoganayaa sida loo bixiyey Shirkada yeelanaysa Mashruuca Ilaalada Shidaalka oo aad moodo in aan Somaliland kale waxba ku lahayn dalka in yar oo Siilaanyo ku xidhan mooyee. Arinkaas oo aan ka wadno wadatashi badan.
Isku soo xoori waxa ay u eegtahay in aynu saaranahay Tareen aan lahayn darawal iyo jiheeye , dushiisana waxa saaran dhamaan qarankii Somaliland, waxa laga hayaa Mujaahid Xasan Cise waar doorasho mala qabanaa mise la qaban maayo maaha arinku , ee waa ma dhici kartaa dooorasho aan inoo keenayn dhibaato ka badan tii inagu dhacday doorashadii deegaanka , runtii waxaynu kusoo gabagabeyn karnaa dalkeenii waxa uu galay xaalad xun oo Nabadgelyadii muwaadiniintu aanay sugnayn, ku darsoo arimihii debeda ay iska soo xidhmeen iyada oo Xaaji Axmed uu madaxdii Xisbiyada ku war gelinayo in uu Caalimkii inala shaqeynayn.
Waa markii ay diideen taladii loo soo jeediyey, allow marqaati ma ka aheydeen maalintii aan lahaa Madaxweyne sidan aad ku wado ma wanaagsana umada oo dhan waa isa seegaysaan, hadaad sidan ku wado taladu waa kaa baahaysaa, kelmadaa oo aan ku mutaystay eedayn badan, miyaan la gaadhin halkii aan uga digayey.
Madaxweyne Siilaanyo waa sidee kalsoonidiisa maanta Maroodi jeex Gabilay iyo Arabsiyo, Waa sidee Baligubadle , Waa Sidee Awdal iyo Selel, Waa sidee Sool iyo Sanaag, Waa sidee Daad madheed , Waa sidee Saaxil, ma jirtaa meel uu kalsooni ka haystaa? Waxaynu hadaba dhacdooyinkan ka baraneynaa in
in qabyaalad aan Qaran lagu hagi Karin
in kelitashinimadu leedahay burbur iyo dib u dhac.
In dawladan maanta jirtaa aan lagu aamini Karin doorasho ee aynu ka yeelano taxadir weyn.
4 In Xukuumada madaxweyne Siilaanyo ku sifowday mid ka fog Cadaaladda. an.
Talo. WAA IN AYNU GACANTEENA KU BEDELAA TAASAA INOO BALAN AH.
Qalankii Maxamuud Raage Ibrahim
Xoghayaha Siyaasadda Xisbiga Waddani